DAAWO: 4 Sanno ka dib Heshiiskii DPWORLD & Puntland maxaa laga faa’iidey.

Puntantimes (BOOSAASO)-Afar sano kahor dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxa uu heshiis la galay shirkadda laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta ee P&P Ports oo ka tirsan shirkadda weyn ee loo yaqaan DP world oo adduunka meelo badan ka arrimisa.

Xukuumaddii uu hoggaaminayey Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo heshiiskaan gashay ayaa sheegtay i ujeedada laga lahaa ay tahay sidii shirkaddu ballaarin, dayactir iyo dhisme casriyeysan ugu samayn lahayd dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Kadib markii ay booska bannaysay xukuumaddii hore waxaa madaxweynaha hadda jooga iyo xukuumaddiisu ay dedaalo ku bixiyeen in shaqadii loo igmaday shirkaddu ay bilaabanyto, waxaana ay la kowsadeen dilka maamulihii shirkadda PAUL FORMOSA iyo caabuqa COVID19.

Muddo laga joogo 4 sano majirto wax shaqo ah oo ay shirkaddu ka qabatay dhismaha shirkadda waxaana khaati laga taagan yahay heshiis lagu samatabixinayo arrintaan, iyadoona madaxweyne Deni kalfadhigii ugu dambeeyey ee barlamaanka ka sheegay in arrintu rajo gabtahay ayna marayaan hanana sharci.

DAAWO

7 Comments

  1. Haddii Madal la waco uunku waa nin iyo Maankiiye!
    Muddac iyo Mudaacleyba waa Murun gobaadeede!
    Mid baa Maaha oran oo runtuu Mawdka ka adeegi! (Sayidkii)

    Gaas wuxuu qiray wax aay in badan oo dad xun ahi inkirtay!

    Dalka isagoon la iibin bal wakaase ha la dhiso!!!!!!!

  2. Waxaan isleeyahay haddii pl.si hubban uxisaabtanto dheefta shirkaddu ka heshay dekedda kamayaan karto qaymaha lasheegay.ama wax aan badnayn baa dhiman.intaa kadibna waa buryaa heshiisku.haduusan hawl qabad jirin

  3. Inkasta oo aan dhexgalka bulshada reer Puntland ee mujtamaca Imaaraadka la inkiri karin, waxaa haddana jirta xaqiiqadoo aan iyadana la is-inkirsiin karin oo kusaabsan Imaaraadka haddeeran iyo taqyiirka baahsan ee siyaasad ahaan kuhabsaday. Imaaraadkii qaddiimka ahaa ee ay bulshada Puntland cilaaqada fog la lahayd iyo kan hadda caalamka ka atooreynaya aad ayay ukala duwanyihiin.

    Runtiina, anigu waxaan kamid ahaa dadka Puntland ku abtirsada ee cilaaqadaas kufaana oo aadna uqiimeeya. Waxaan sidoo kale katirsanahay dhalliintii aad ugu riyaaqay ee soodhoweysay istraatijiyaddii dhaqaale ee ay Imaaraatiyiintu haybsadeen billawgii qarnigan cusub ee miilaadiga ah, maadaama ay umuuqatay mid fiiradheeri iyo indheergaradnimo aan Carabta loogabaran salka kuhaysay. Muslimiin badan oo Caalamka Islaamka aadka ugudaneeya oo wax walbana kucabbira sidayda ayaana dareenkaas ilawadaagay.

    Waxaase tobankii sanadood ee ugu dambeeyay Imaaraatiyiinta lagalasoodarsay dhaqanxumo Ummadda Islaamka fajac iyo filanwaa kunoqday oo weliba naxdin iyo argaggax xunna lagaqaaday, kaasoo ah inay nimcooyinkii uu Rabbi xisaabli’ida ugugalladay iyo cuduuddii dhaqaale ee ay kadhaxleen sixun oo qaldan ugu adeegsadeen curyaaminta iyo wiiqidda Caalamka Islaamka laftiisa. Kacdoonkii “Arab Spring” ayaa loo aaneeyaa inuu muluukta Carbeed cabsi xooggan kuriday oo xukun jecleysigoodii xanuun dhimireed ubeddelay, laakiin kaasu qiil umanoqonayo ay Caalamka iyo diinta Islaamkaba qaabkan waxshinimada leh ugu weyraxaan oo ucuryaamiyaan.

  4. Waxaa aniga iigu naxdin badnaa markii muddo aan siifogayn kawarhelay cadaawadda baahsan ee ay Imaaraatiyiintu iyo xulufadooda Sacuudiyiinta iyo Masaaridaba Turkida iyo Qadariyiinta uguqaadeen calaashaan waxay labadani halgan culus uugujiraan inay Caalamka Islaamka mideeyaan oo waddamada muslimka ah ee ay dagaallada sokeeye burburiyeenna dib udhisaan. Halkii uu waajibkoodu ahaa inay taageero buuxda kusiiyaan oo kutaakuleeyaa ayay Imaaraatiyiintu iyo xulufadoodu udigarogteen waxshinimo aan loogafadhiyin xaqiiqdii.

    Waxay kukaliftay inay nacabka Islaamka kuwooda uugu khabiidsan toos ulaxulufoobaan – sida Faraansiiska, Giriigga, iyo Israa’iil – oo ay dhaqaale qarraqaad ahna kudeeqaan si ay Turkiya iyo Qadar siyaasad iyo dhaqaale ahaanba qummaati ugu wiiqaan. Waxaa ugu naxdin badan inay Imaaraatiyiintu iyo Sacuudiyiintu maleegeen oo haddeertadan si xoogganna umaalgelinayaan in gaas ay Israa’iil xeebaha ay Falastiin ixtilaalka kagahaysato kaqodatay ee uu khadkiisu Turkiga Yurubta usoomari lahaa inta Turkiga la baalmariyo oo Giriigga looleexiyo; halkaas oo ay balaayiin doollar oo ay Turkiya kadheefi lahayd sidaas uga afqabteen. Waa cadaawad gaalada xataa aad kagayaabisay xaqiiqdii.

    Intaas kumaysan qancin ee waxay Carabtani kusii dhaqaaqday inay faragelinno toos ah kusameeyaan waddamo badan oo muslim ah oo weliba aad uliita – sida Libya, Yemen, Suuriya, Soomaaliya, Suudaan, iyo kuwo kale oo Galbeedka Afrika dhaca. Waxaas oo dekado iyo kaabayaal dhaqaale ee ay Imaaraatiyiintu boobayaan wanaag ay waddamadan larabaan ma aha ee waxay kamid tahay qorshaha cadaawaddaas salka kuhaya ee ay Turkida iyo Qadariyiinta dalalkan si daacad ah wax utari lahaa iskaga gudbayaan oo caqabad kunoqonayaan.

  5. Imaratka waxuda iyo kabadan wey helen hana dhafaan weyna khiyamen balantina wey fulin wayeen .Awlal qoralada aqonta iyo aqliga ku dhisan sigaara ayan u akhriya thanks🙏

    • @@@@Fuaad Abdalle,

      You’re very welcome brother, deeply appreciated.

      Raalli ka ahaada haddii qoraalladu idiin kuyar dheeraadaan.

  6. Arinta Shirkada DP World,marka runta laga SHEEGO WAA FADEEXAD,waxaana masuuliyada dhacdadaasi dusha u ridanaaya,mudane Gaas iyo Mudan Deni,waxaa kaloo eedaasi llug wayne ku leh,xildhibaanada la soo magacaabo,ee xiliyadaasi ku jiray Baarlamaanka Puntland,oo runtii noqday,laaluush qaatayaal,
    4 tii sano ee laga soo gudbay,wax dan u ah,Dakada Bossaso oo la qabtay ma jirto.
    Iminka Dakada Bossaso waxa ay qarka u saarantahay,in uu bacaad xiro.
    Maamulka Dakada ee jira hadda waxa uu noqday,mid Deni u shaqeeya,oo lago tilmaami karo,mid sidii ganacsi gaar ahaaneed,kadanbow markii uu Deni seedigii maareeye uga dhigay,Dakada Bossaso,taasina ay keentay,in aan wax la xisaabtan ah,lago samasyn karin maareeyaha.
    Puntland iminka wax waliba waa shaqayn waayeen,waxaana u sabab ah,musumaasuqa maamulka Deni iyo xulufadiisa oo,ah kuwo ka faaiidaysanaya,maamulka ay maantay hayaan.
    Nasiibdaro qabyaalada qurmoon ee noqtay aafada shaabka Soomaaliyeed oo dhan,dib u dhaca iyo saboolnimada baday ayaa ah gaashaanka u hiiliya kuwa ku tagri falaya awoioda iyo maamulka ay ka hayaan Puntland.
    wadooyinkii,waa baabaeen,sicuir barar,haykalikii dowladeed oo noqday,mid ku kooban,hadba shaqsiga noqda maamulaha Puntland,oo runtii la oron karo,waa mid ka ugo wayn ee dhibaatada geyiga Puntland u horseeday,in sharciga iyo dastuurka maamulka Puntland aan la ilaalin.
    Deni sideed(8) xildhibaan buu eryey,yaa wax iska waydiiyey waa guuldaro wayn,
    Faroole ayaa waxa uu la soo baxay,awood uusan lahayn oo sharci dara ah,taasi oo wiiqaysa nidaamka maamul ee lago heshiiyey,war odaygaasi howlgab ka ah,ha loo sheego in uu faraha kala baxo maamulka Puntland.
    Maantay Puntland ma laha Baarlamaan shaqeeya,oo waxa la hoose geeyey,maamulka madaxtooyada ee Deni.
    Deni waxa uu ku mashquulsanyahay,markii uu Puntland oo gud ku riday,in uu Soomaaliyana uu dhibaato wayn ku hayo had iyo goor,war reer Puntland ninka runta u sheega……

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*