DAAWO: 4 Sanno ka dib Wareejintii Boosaso ee DPWORLD, maxaa qabsoomay?

4 Sanno kahor, Dawlad gobaleedka Puntland iyo Shirkada laga leeyahay Imaraatka Carabta ee DPWORLD ayaa kala saxiixday Heshiis maalgashi, wuxuu ahaa kii ugu weynaa ee noociisa ah oo dhexmara cid Ajaniib ah & Puntland oo la asaasay 1998dii, bilowgii waxaa loo arkayay guul-weyn oo ku wajahan dhinaca Maalgashiga, laakiin 4 sanno ka dib wax badan ayaa iska bedelay malaha laga qabay Aragtidas.

Xukuumaddii xiligaas ee Puntland, sida ay heshiiskaas ku meelmarisay dad badan ayaa dhaliilo u huwinaya, Heshiisku durba markii la galay intii aan hoolka barlamaanka la geynin wuxuu sababay buuq siyaasadeed kalifay in Xukuumad dhan kalsoonida lagala laabto, markii koowad ee tariikhda ayay u ahayd mandiqada oo halmar halmar la eryo Xukuumad ka kooban kudhawaad 60 Wasiir.

Xildhibaanadii Puntland ee xiligas waxay heshiiska meelmarintiisa ku qaateen lacag laaluush ah oo ka badan 1.8Malyan oo Dollar, sida ay qireen qaar kamid ah, Mudane kasta wuxuu qaatay lacag ka badan 25kun oo Dollar, qaarkood ayaa warbahinta ka sheegay xiligaas.

Ma jirto cid aragtay heshiiska rasmiga ah, taas waxay muujinaysay sida uu u yahay Qarsoodi aan ilaa maanta loo heynin cadeymo ku filan, inta la sheegay wuxuu waajib ka dhigayay in sannad gudihiis lagu dhiso Deked cusub oo casri ah, la balaariyo mida jirtay ee ay qabyada uga tagtay Xukuumaddii Milateriga Soomaaliya.

Mid kamid ah mudanayaashii baarlamaanka ee heshiiska ansixiyey, oo la wareystay 27kii Luulyo 2017-kii, wuxuu garan waayay sida loo qeybsanayo Dhaqaalaha ka dib maalgashiga, sidaas oo kale wuxuu si maldahan u shegay in aysan heshiiskaba arag.

Heshiiska wuxuu la kulmay ayay leeyihiin dadka tageersan wareejint Dekedan, caqabado ay kamid yihiin DPWORLD oo sida ay moodeysay aysan waxba noqonin, Dadka Boosaaso oo ka hor yimi, Arrimo siyaasadeed, Imaaratka Carabta oo bedely jihadii ay kusocdeen ee Maalgashi iyo Dilkii loo geystay Madaxii Shirkadas ay ugu soo xilsaratay Boosaaso.

Dadka dhaliilase’e, waxay bilowga ooda ka qaadaan dhaliilo tiro beel ah iyo rajo la’aan baahsan oo ay sheegayaan in aysan ka qabin in Dekedan ay hesho dhisme & balaarin, iskadaa dhismee aysan sii furnaan doonin haddii aan lahelin xal rasmi ah oo ku wajahan sidii loo badbadin lahaa, qaarkood heshiiska in laga baxo waxay ka dhigayaan qodobka koowad ee badbaadada.

Puntland inta badan waxaa loogu yeera Hooyadda Faderaalka, Dadka guduhuna Boosaaso waxay u yeeran Hooyadii Puntland, dadkuna waxay inta badan rumeysan yihiin in Hooyadii cidlo looga tagay oo aysan helin garab-qabasho xili ay bahi weyn qabto.

Isku dayo badan oo la xariiray in 4tas sanno gudahood lahelo wadiiqo lagu dhaqaajiyo Heshiiska ayaa fashil kusoo dhamaaday, sida ay noo xaqiijiyeen Ilo wargal ah oo katirsan dhinacyada, ayna ku jiran qaar kamid ah dadkii ka shaqeeyey bilowgii galida heshiiskan, sababaha ay u tiirinayaan wey tiro dhaafayaan, balse mida ugu weyn waa in DPWORLD aysan faa’iido weyn u arkeyn in ay xiligan dhisme u aado Boosaaso, laakiin tas bedelkeeda waxay ku qanacsan tahay in ay haysato Marsadan ilaa 30-ka sanno sida ku qoran Heshiiskii la saxiixay.

P&O oo katirsna DPWORLD waxaa la rumeysan yahay in galidii Heshiiskan ay Hormaris ahaan u bixisay lacag ka badan 14malyan oo Dollar, taas oo ay soo gaarsiisay Puntland, laakiin is weydiimo badan ayaa ka dhasha dooda ku saleysan hanaanka dhaqaalahan loo maareeyey, dhaliilo Xukuumaddii xiligas loo jeediyeyn, waxa dafiray madaxweynihii heshiiskas saxiixay Cabdiweli Gaas oo sheegay in dhaqalahaas uu galay Puntland.

Maanta, 48 bilood ka dib, galidii Heshiiska wareejinta Dekeda Boosaaso, Dhisme cusub iyo Balaarin u kaadiye’e, waxaa xirmay ilihii ama marinadii ay Maraakiibtu soo marayeen oo xiligii hore ay Xukuumadda Puntland ka shaqeyn jirtay, taas waxay dhabaha u xaartay in ay dhawr gaadiid badeed Caariyaan, iyadoo Halistii u dambeysay ay ahayd todobaadkii hore dhamadkiisii markii Markab kuxiran lahaa Marsada Boosaaso uu hlis u galay in uu caariyo, laakiin dadaal dheer kadib lagu guulestay badbaadintiisa.

Qaar kamid ah Ganacsatada Puntland, oo aan la hadalnay waxay muujinayaan walaac weyn oo ku wajahan in dekedan ay halis ku jirto, haddii aan la helin adeegyada muhiimka ah oo ay kamid tahay furida Marinada Maraakibta, qaarkood oo isku dayay in ay dhaqalahooda kumaalgashadan oo ay furan marinada wey diiday DPWORLD.

Xubno katirsan golaha wasiiradda Puntland & mudanaayaal baarlamaan oo laga soo doorto gobalka Barri, waxay ganacsatada la qabaan walaaca taagan, balse waxay rumeysan yihiin in xataa Madaxweyne Deni ka rajodhigay hananka shirkada P&O u maareynayso xaladda Marsadda Boosaaso, laakiin ma jirto wadiiqda.

4 sanno ka dib, waxyaabaha waa weyn ee heshiiskii DPWOLRD gudaha Puntland ka sababay waxaa kamid ah In guddoon iyo 8 Mudane baarlamaan ay waayaan xilalkooda, sababta ugu weyn ay tahay qadiyadda Dekeda Boosaaso, oo ay dhinacyo badan isku jiireen.

Dadka aadka ula socda dhacdooyinka ku xeeran Heshiiskan, waxay rumeysan yihiin in an dhisme balaarin iyo mid cusub-ba jiri doonin Sanooyinka soo wajahan, sidaas oo kalena dhinacyadu ay aad ukala rajo dhigeen oo dhinac kasta doonayo in dhawaqa burinta dhinaca kale uga yimaado, is fiirsigas ayaana u muuqda mid jiitami doona sannooyinka soo socda.

10 Comments

  1. TALO ADAA KUNOOL….

    Soomaaliya waxay maanta qummaati ugu dhex rakatay murtimeerro islisaya iyo qaddiyado salka kuhaya oo is wada diiddan, waxaana runtii sixun u gabay aqoonyahannadeeda saafiga ah, culimadeeda salafu-saalixa ah, cuqaasheeda dhabta ah, iyo saxaafaddeeda ee uu waajibka weyni ka saarnaa inay bulshaweynta Soomaaliyeed falsafadahaas isweyraxaya wax uga bidhaamiyaan oo taladeeda toosanna kuhagaan.

    Waxaa teer iyo kacdoonkii Carbeed ee sida ba’an udhicisoobay teer iyo sanadkii 2011kii Caalamka Islaamka qumaati udibindaabinaya duufaanno siyaasadeed oo saameyn xawli iyo xawaar kusocda kahirgelinaya Caalamka Islaamka iyo xataa hab-dhaqankii hore ee ay reer Galbeedku dunida kumaamulayeen tan iyo dagaalkii labaad. Duufaanahan waxay isugu jiraan oo salkana kuhayaan la-dagaalanka soolabakacleynta Khilaafada Islaamiga; isliska mabaadii’da hantisoorka iyo hantiwadaagga; sedbursiga dhaqaalaha ee dunida, iyo halganka sahyuuniga ee bedbaadinta iyo sarreysiinta Israa’iil.

    Marka aynu Soomaaliya sawirkaas guud naqshaddiisa kubeegno, waxaa toos noogu muuqanaya bartamaha ay kagataallo iyo saameynta xooggan ee ay dibindaabyadaasu nagu yeelanayaan mustaqbalka dhow iyo kan dambeba. Marka duufaanta mandiqadda Bariga Dhexe dul hoganaysa diiradda lasaaro, wuxuu dalkeenu noqoanayaa ka ay isha duufaantaasu qummaati ugusoo beegantahay. Kalagoyskii ay duufaanahani kukalabayri lahaayeen ayayna Soomaaliya haddeer taagantahay.

  2. Carabi waxay soorogaalcelisay jabkii ba’naa ee ay qarni hortii Caalamka Islaamka ugeysatay oo sha’nigii iyo shimbirkii midnimadiisana kukala dhambashay – sida laga dheehan karo munaafaqadda xun ee ay Imaaraadku, Sacuudigu, Masaaridu, iyo inta la halmaasha kukaceen oo hanti badanna ku gubayaan. Inta cadoow Islaam ah kuwii uugu khabiidsanaa ayayna kalasafteen Caalamka Islaamka ee isusoo durkaya intiisa kale: Faraansiiska, Israa’iil, Giriigga, Ingiriiska, Qubrus, iyo inta la halmaasha.

    Soomaaliya dhankii ay lasaffan lahayd go’aankeeda ayaa hadda looga fadhiyaa: ma waxay lasaffan dowladaha xaqa iyo Tawxiidka kutaagan ee midnimada iyo wadajirka Caalamka Islaamka uhalgamaya ee ay Turkiya iyo Qadar hormuudka uyihiin, mise kuwaas kale ee kufriga lasaftay ee muslimiinta boqonnagoynaya?

    Degelkayga Puntland ee aan udaneeyo, shar mooyee wax kheyr ah ugumajiro inuu khawaarijta Imaaraadka wax kudarsado oo lawadaago, habayaraatee. Aad ayaanna uga cabsi qabaa inay cuqubo xun nagaga dhacdo oo aynu sixun u eedno mujrimiintan dhagarta Caalamka Islaamka lagusii curyaaminayo maleegay ee kufrigana lakaashanaya. Talo adigaa kunool ee iyadu kugu manoola.

  3. dadka reer puntland waxaan kula talinayaa inay taageero mug iyo miisaan leh ku garab is taagaan dawlada fedaraalkaa.inta layska daayo caadifada iyo nin jeclaysiga walaahi baysan dawlad idinkaga sokayn.group ka aaraan jaan makala yaqaanaan sirdoonka carabta iyo ganacsatada carabta. Dekada boosaaso.ganacsatada reer puntland baa maal gashanaysa ha baneeyaan shirgadaan mafia yadaa.

  4. Meel la joogana ma leh, meel la aadana kasii daran, dawlad ma jirto, bal fiiri koonfur gobolo dhan sida Xudur baa go’doonsan cid xataa ka hadli kartaa ma jirto, dhibka Puntland I qarso buu noqon markaa aragto koonfur.
    Waa muhiim inaad si qo

  5. KING, saaxiib intaadan ku raacin xagee noo wadaa aan daacad isku waraysanee, mise waxaagu waa mucaaradad qaawan uun, Siciid Deni la dirira, berigii maxkamadaha baa nin sidaas reer Puntland u eedaynayay weliba gaalo buu ku sheegayay iyo inay diintii hortaagan yihiin, maanta ninkasta markaan weydiiyo afkaa juuqda gabi.

  6. Haliye

    Kkkk war ninkaas nin fekarahaya maahayn umada soomaaliyeed dhib baa haysta ilaahay ha ka dulqaado anigu waxaan aaminsanahay dhibka in looga bixi karo dawlad soomaaliyeed dalka hanata in la helo khilaafkana laga waantoobo oo lamidooba bal fiiri gaalkacyo asbuuc kasta qof bulshada indha hooda baa lagu dilaa cidna looma qabto dadkii la dhamee. Saw in la fakaro oo layiraahdo war sidaan maxaa noo dhaama. Dakada garacad dadka reer puntland baa dhisanahaya ma mida boosaaso baysan dhisan karin walaahi way dhisan karaan yaase usoo bandhigay wadada udhaxaysa gaalkacyo iyo garoowe oo Germany ku deeqday maaliiyiin doolar waqtigii GAAS. meeday lacagtaas. xudur waa run waa go doon. Maxayse ku kala duwan yihiin xudur iyo gaalkacyo hadaadan misaajidka ku soo tukan karin oo qof aadan aqoon oo ku aqoon kor lagaa tusay uu kugu sugahayo dadkaan dawlad dawlad bay ubaahan yahay.

  7. @@ Haliye & King,

    Jaalleyaal, dawladnimadu iskumid ma wada aha ee qaabab kaladuwan ayay leedahay oo kuna shaqeysaa sideedaba; “one size fits all” ma aha dawladnimadu. Qowm inta uusan dawladnimo haleelin waxaa kahorreeya inuu markahore leeyahay murtimeer iyo qaddiyad uwada muqaddas ah ee gundhig u noqda oo haykalka dawladnimadiisana lagu dul qotomin karo.

    Soomaalidu murtimeer iyo qaddiyaddiisa qummaati iskugu alxami kara oo dawladnimadeeduna kusaleysnaan karto way leedahay oo waa kan Islaamka saxda ah iyo hiddaheeda Soomaalinimo ka unkan, laakiin nasiibdarro way dhaadi kari wayday oo xisaabba ugu majiro. Wax kale oo iskugunnudi karaana majiraan oo sidaas ayay abidkeed baylaha isagasii ahaan doontaa, waayo nidaam qalaad oo gaalnimo kusaleysanna ma anfaci doono abid; wixii intaas kasokeeyana waa un nidaam qabali ah.

    Midda kusaabsan haldoorrada reer Puntland ee Gaalkacayo lagu xasuuqayo, mafilayo inay dawladi wax kaqaban karto, mid kasta oo ay ahaataba. Waa dilal qorsheysan oo neceyb iyo naxli qabyaaladeed salka kuhaya, cudurkan nafsaaniga ahna ma aha mid ay dawladi cuduud wax kaga beddeli karto ee waxaa u daawo ah bulshada waxaas laxanuunsan oo qorshooyin cilmiyeysan iyo ciqaab kulul looga dhayo.

  8. Waxaa nasiibdarro ahayd in ilaa lixdanka xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland aanu ku jirin mid qura oo lacagtii laaluushka diiday kadibna arrinta fashiliyey. Dhibaatadaas ayaa maanta Soomaali wada haysata; waxaa horboodaya rag ka shaqaysta oo aan waxba hambaynayn laakiin aan u shaqayn dalka iyo dadka. Professorkii — Gaas — ee loo hanweynaa halkaas ayuu Puntland dhigay iyo inuu halbowlahoodii nolosha dhaafsaday shilimaad.

    Reer Puntland way ogyihiin Imaaraatka Carabtu waxa at tahay iyo waxa ay damacsan tahay laakiin tartanka kala dhexeeya Farmaajo ayaa ku riixaya xiriirka Imaaraatka, waanu sii socon doonaa inta Farmaajo ku jiro Villa Somalia ee uu ku fakerayo keligitalisnimo federalism-diid.

    Iyadoo taasi jirto ayaa waxaa nasiibdarro ah in shakhsiyaad damiirlaaweyaal ahi isku dayaan inay Imaaraat usoo hoggaamiyaan dekadda Garacad si ay iyadana u curyaamiyaan. Mar kale ayaan ku celinayaa: reer Mudug waa inay difaacaan dekadda Garacad, kana hor-istaagaan in Imaaraat agagaarkeeda yimaadaan. Waxa ugu yar ee ay sameyn karaan waa inay halis galiyaan nolosha shaqaalaha shirkadda Turkiga ee dekadda dhisaysa.

    Waagii siyaasadda Somalia jiho toosan u jihaysato, waa laga bixi doonaa heshiiska DP World; inta ka horreysa waa in lagu dadaala dhammaystirka iyo ilaalinta dekadda Garacad. Iyada ayaa ku filnaan doonta u adeegidda Puntland iyo inta ku xeeranba.

  9. Waa run, talada adigaa ku noool iyadu kugama noola.. Warooos & Dhullos. waa ciyaalka iidoorka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*