DAAWO: Doorashada Soomaaliya, ma muddo kororsi la qorsheeyey baa jira?

MUQDISHO(P-TIMES) – Saacado uun markii ay u muuqdeen Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Soomaalidu in ay isku mari waayeen wada hadalada meelmarinta Habraacyada doorashooyinka 2021-ka ee kasoo laabtay Heshiiskii 17kii September, waxaa la dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyasadeed oo ku wajahan xagga baarlamaanka Faderaalka.

Madaxtooyada Soomaaliya, waxay ku guuleysatay in ay hayso baarlamaanka Faderaalka oo aysan albaabadiisa xirin si lamid ah waqtigii Madashii Wadatashiga, laakiin heynta caqabado ayaa ka dhalan kara ayay leeyihiin dadka la socda arrimaha siyaasadda ee gudaha Soomaaliya, waxaana hadda ay baarlamaankaas leeyihin fadhigii ugu dheeraa ee aan laxirin.

Warqadii kasoo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ee bulshada Soomaalida & Beesha Caalamka lagu wargaliyey in maamulada qaarkood ay diideen hanaanka doorashooyinka ee la meelmariyo, waxay abuurtay tuhun cusub oo ah jihada siyasadeed ee la aadi doono.

Ilo katirsan dhinaca Xukuumadda Faderaalka iyo baarlamaanka Faderaalku, waxay muujinayaan hadda Humaag u muuqda qabsoomida fadhi baarlamaan iyo mudo kordhin-daba taala waana xaalad cusub oo aan odoros badan laga heynin xiligan.

Xildhibaano katirsan baarlamaanka oo la jidbeysn, arrinta mudo kororsiga, waxay sheegayaan in ay suuragal tahay in todobaadka nagu soo wajahan baarlamaanka Soomaaliya ay yeeshaan mid kamid ah fadhiyadii ugu xiisaha badnaa tan iyo markii uu idlaaday mudo xileedkooda, waxay dhageysan doonaan hadaljeedin lasii qorsheeyey oo ay jeedinayso gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Nooc kasta oo kulan baarlamaan ah oo la iclaamiyo, wuxuu ka dhignaan doonaa mid wata xasasiyad weyn, waxayna guddoonka baarlamaanka ku noqonaysaa mashaqo maareynteeda u baahan, sidaas oo kale mudanayaasha baarlamaanka qeybtooda mucaaradka ayaa dareemaya tuhunkan.

Xildhibaanada ka kurbaysan mudo kororsigu, waxay cabsi ka qabaan kala tuurka deg deg ah, ee guddoonka baarlamaanka ee dhacdooyinka xasaasiga ah, shaki maleh isku daygooda ku wajahan in ay kahortagaan xataa nooc kasta oo fadhi baarlamaan ah, laakiin xubnaha ugu saxmadda badnaa ayaa ganaax uga maqan 4 fadhi oo dambe, sida lagu cadeeyey qoralkii Guddoonka baarlamaanka.

Mamulada JL & Puntland oo u muuqda kuwa ka walaacsan natiijada doorshada la aadi doono, waxay u arkan arrinta mudo kororsiga labo Afleey, marna halis ku ah marna fa’iido u ah dhankooda, tan koowad waa beesha Calamka oo ay u arkaan in ay kasoo horjeedo wax mudo kororsi ah, si kasta oo wakiilada caalamiga ah loog horkeeni karro Villada looguna dirqin karro qaadida Mudo kororsi ayey sameynayaan.

Mucaaradka u tartamaya jgada Madaxwyene-nimada Soomaaliya ayaa ah cida ugu badna ee qabta welwelka ku saleysan mudo kordhin dhacda, waxayna qaarkood naruuro u arkaan in haddii mudo kororsi la aadayo la helo Awood qeybsi siyasadeed, xubno kamid ah aya ku doodaya in Villa Soomaliya ay dhankooda si cad u kala dooran-siinayso doorasho hadda la aado & Mudo kordhin.

5 Comments

  1. DABAALO SIYAASIYIIN SHEEGTAY AYAA WELI RIYO KU JIRA OO AAN GARANEYN CADOWGOODA MEEL UU KA JIRAA MISE WAXA UU AWOODO EE WAAN TAAN HOREY IDINKU SHEEGAY (SHAXDAAN) MA AHAN TII AABE SIYAAD EE FASHILKA AHEYD EE WAA TII QARNIGAN 21AAD KKKKKKK

  2. Safiirka Dubai u fadhiya xalane mr saciid Deni iyo Ahmed kinyaati.labdaba waxaa loosoo dhiibay Qalalaaso iyo buuq.jareerka shaqo fiican hayaa,

  3. Waxaa yaab leh dadka aan ogeyn wadanka in uu dowlad lee yahay waxaan weydiinayaa soomali dadkeeda waxay sameysteen diin/sharci la yiraahdo dastuur oo qabya ah weliba weligii qabya ahaani doona iyo maamulo federal ah, hadaba dastuurkan cidii qorteyba waxaa ku qoran cutubkiisa 30 naad oo labada aqal saxiixen HAY ADAHA DASTUURI WAA IN SII JOOGAAN SII SHAQEEYAN INTII LAGA HELAAYO MIDKALE OO BADASHAA , hadaba hay adaha dastuuriga waxaa ay ka Kooban tahay madaxweyne xukuumad raisalwasaare iyo labada aqal iyo maxkamad dastuuri ah oo hada aan laheyn . CIDA LAH MADAXWEYNE FARMAAJO WARQAD HA QORO HOWL GAB HA AHAADO XUKUUMADIISANA HASII SHAQEYSO KKKKKKK NINKAA MA NIN FAYOW BAA ¿¿ mise wuxuu karabaa oo keliya bari baan farmaajo ku adkeeyay kkkkk raga waa la iska dhacshaa mise waalaga leexdaa ee dadka lagama laalaado sidii dhereerkii kkkkkkkk

  4. MAHAD ALI SIS CAAYDA KUUMA FIICNA SIYAASAD KA HADAL EE DADKA HA CAAYIN WALAASHIIS, SORRY HADDII AAD NIN QORAALKAA IILA EKAADAY QORAAL NAAGEED.
    SAFIIRKA QADAR IYO ERETEREYA FARMAAJO YAA WAX U SHEEGA OO LA TALIYA.

  5. @wiil waamo walee anigaba qoraalkeda qof dumar ayuu igula ekaa koley waa qof dumar ah oo si qaldan wax u fahantay allaha kusoo hadeeyo xaqiiqda

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*