DAAWO: Gaadiidkii & hantidii reer Puntland oo ku xaniban Ceel-daahir xilli Somaliland buundo weyn saarayso Dacar-buluq.

Puntlandtimes (BOOSAASO)-Daadadka xooggan ee ka soo rogmaya togagga Buraan iyo Durdur oo dhaca gobolada Haylaan, Sanaag iyo Bari ee Puntland ayaa saamayn ku yeeshay isu socodka gaadiidka ee gobolada Puntland.

Daadadkaan oo aad u xooggan ayaa waxa uu sababay inuu xiro togga mara deegaanka Ceel-daahir iyadoona gaadiid farabadan ay maalintii 3aad ku xanibmeen toggaasi taasi oo saamayn ku yeelatay rakaabka iyo gaadiidka gala dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Maamulka degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa sidii gaadiidka marin loogu samayn lahaa, waxaana ay ka digeen khatar ka imaankadha haddii darawaladu aysan qaadan awaamiirta ciidanka ammaanka gobolka Bari.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa taasi bedelkeeda shalay booqday Togga Dacar-buluq oo ka ballaaran kan Ceel-daahir sanad walbana dad badan biyuhu ku qaadijireen haseyeeshee sanadkaan la saarayo buundo aad u ballaaran oo Imaaraadku dhisayo.

DAAWO

22 Comments

  1. Adeer meesha kuma jirto inaad is barbar dhigto Puntland iyo Somaliland, Puntland waxaa la hadhay Federaalka ay ku jirto oo waxoodii kor baa loo hayaa, halka Somaliland inkasta oo wax laga xanibay jirto, haddana wax badan bay toos u helaan, markaa dhibka jirta si kale u sheeg, hana ku dhaliilin madaxda Puntland oo culayska lagu hayo ee amni, dhaqaale, furfur Illaahay ogyahay, Puntland haddii aadan ogayn ina Geylaanow dagaal baa ku socda, malaha adiga laftigaaga baa qayb ka ah, xasharaadka Somalida oo dhan oo Xaarmaajo madax u yahay baa waxba ula hadhin, fadlin markaa Somalidu waxay tidhaa ” Waayeelow waxna garo, waxna gado,” ha iska indho tirin marxaladda Puntland ku jirto oo ay gelisay isku haynta ummadda Somaliyeed.

  2. Puntland horay ayay u dhisatay buundooyin waawayn hadana waa dhisan inshAllah. Meesha aad sheegayso waa buundo jiif kii toga buraan waligeedna saas ahayd markii biyuhu soo dhacaan maahan wax cusub.

  3. Buundada suna jiif Puntland yaa u dhisay? Adeer somaliland boqol jeer Puntland ayaa ka hormarsan waxbadan. Anaga hanoo sheegin buundo jiifka toga buraan oo biyaha ka yimaada buuralayda sanaag oo dhami maraan baaxadiisuna ay aad u wayn tahay oo xitaa Talyaanigii aysan awoodin buundo saaraan kana dhigeen buundo jiif madaama baaxada toga uu aad u wayn yahay. Markaa waa iska caadi in uu hakiyo isu sicodka marka ay biyo xoog lahi soo dhacaan waana wax waligeed jidhay ee maahan buundo go day ama cilad kale.

  4. @Mustaf.
    PUNTLAND LAMA HARIN SYSTEM FEDERAL KA EY KU JIRTO EE WAXAA LA HAREY REER LA YIRAAH MAXAMUUD SALABEEN XUKUN JECEL AHNA 28% TIRADA DADKA KU ABTIRSAD MAJEERTEN. WAXEEY DHAAFIYEN UGU YARAAN 200 OO MASHRUUC SI AY U HELAAN XUKUNBINEY MUQDISHO KA TALIYAAN TAASINA DHAMAATEY OO LAGAMA YAABO REERKAN QOWLEYSATADA AH WAX WEY SAMEYN SIDEY XUKUN KU HELAAN SOCONEYSO LUGNA INTA LUGNA XAGA… MAR DHOW PUNTLAND WAXAA DHAAFAYA XAGA DHAQAALAHA ,WAXBARASHDA MAAMULADA GADAAL LAGA DHISEY… SHEEKADAN AH HOOYADII FEDERAL AYAAN AHEY CUUUUC IYO CAAAC SOCONAYO

  5. Nuut.
    Kkkk, maamul goboleedyka Soomaliland wax horumar kama jiro waxaa ka jira qabiil, dhaqaalo xumo, wadooyinka oo qashin buuxa dadkoo gaajo heyso

    • Ali
      Xaasidnimo waa cudur xun
      Beebera qudha baa 442 million la geliyey, ma jiro mashruuc kaa ka weyn oo geeska Africa maanta ka socdaa marka laga reebo Biyo xidheenka muranka dhaliyey ee Itoobiya

  6. Somaliland marka ay wax dhisato Maxay Puntland usoo hambabartaa miyaanay iyadu qorshe horumurineed oo u khaas ah la iman Karin?!
    Ma kaxintan iyo ficuluun baa Mise waa Ka horumar-raadis?!
    Waxa la ogaa dhismihii dawlada Puntland oo ka Somaliland looga daydayday, Airportkka hargeysa iyo Berbera markii la dhisay ayey Puntlandna Airportyo dhistay.
    Markii dekada Berbera la sameeyay ayey iyana bilowday Boosaaso iyo Garacad IWM.
    Maxaa Puntland na Somaliland daba dhigay?
    Somaliland hal Shay Puntland ugumay dayan, wax waliba waa fikir u gaar ah.

  7. SALAAMU CALEEKUM

    TAFATIROOOOW oo an jeclahayoow, ha kufsan saxaafada….Your news report must be constructive and informative. Don’t drag your feet where there is no news. If SOMALILAND made a good accomplishment, PUNTLAND will have no other way but to congratulate SOMALILAND. Same way, if PUNTLAND made good infrastructural progress, SOMALILAND will have no other choice but to congratulate PUNTLAND.

    Communities of PUTLAND and SOMALILAND are brothers and there is a coexistence that will never end up.

    VIVA SOMALILAND
    VIVAL PUNTLAND.

  8. Maasha Allah ilaahay ha u siyaadiyo khaytka, laakiin Faarax Gaylaan maxaa u sheegi weyday dekada reer Puntland dhisanayaan, maxaa Koonfurta Soomaaliya iyaga usoo hadal qaadi weyday. adiga Faarax ah soo adigii waagii lacagtii wadada Garoowe iyo Gaalkacyo u dhaxeeya la cunayay qarinayayee tuugada difaacayay oo weliba Germany-gii deeqda bixinayay ku sheegayay inaan loo baahnayn.
    Nin weyn oo lagu adeegto waa ceeb,
    NIN SOORI KAA QAADAY WAA NIN SEEFI KAA QAADAY.

    • @ Haliye thanks nin wayn oo wax og ayaad tahay ini Gaylan inuu dhuunto ayay ahayd haduu inaba damiir leeyahay

  9. @Mustafe

    Waxaa ka iloowday intaas aad sheegtay Wadadiii CEELDAAHIR & CEERIGAABO, JIDKII BARAKAYSNAA

    Puntiland magaceedaa waxa LA iraahdaa COPYLAND AKA AM I LOOKS LIKE SOMALILAND!

    AHAHAHA

  10. Soomaaliya :-
    Dhibaatada haysta ayaa in aan runta marna la iso sheegin sheegin,mar waa fatahaad waxyar ka dibna,waa biyo la’aan dad iyo duunyava haraad u dhintaan,sababta taasi aan wax liiga qaban karin,waa mid cad,oo loo baahanyahay in si dhab ah loo wajaho,waa in Soomaalido ay ka tabasulaan maamulada qabaa’ilka ku dhisan,oo ah mud san shaqayn karin.
    maamulka Hargeysa,iyo kan Garow waa isko mid iyo kuwa kale ee So maantay ka jira,shaki kuma jiro in inta habkaasi dib u socdka ah,oo xitaa qaranimadii Soomaaliya dhibaateeyey,war umadda Soomaaliyeed dad garasho iyo wadaniyiin ah ayey u baahantahay kuwa iminka jooga maamulda qabaa’ilka iyo dowlada federaalka intaba waxa ay u baahanyihiin in Soomaaliya,wado tan ka duwan ay cagta saarto.
    ALLAHA badbaadiyo qaranimada ,midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

  11. meeshi hormar samaysay waan uduceyna puntland tyo somaliland labadaba horomar , barwaaqo ayaa ka soocda hargeesa meshaay xoolaha geeso waa puntland waana ka faaiidan puntland xamar ayee u sii daabushaa waa laysku ladanyahay ku farax hormarka hargeesa jyo kan puntland

  12. Danta Puntland ka lahayd wadadan Sanaag imanaysaa waxay ahayd sidii suuq loogu heli lahaa dekeda Bosaso,laguna xidhi lahaa Sanaag.

    Tartan culus ayay waajahaysaa dekeda Bosaso oo uga imaanaya Garacad,sababi doonana in ay Garacad la wareegto ganacsatadii gobolada dhexe iyo Hiiraanba sida Cadaado,Dhuusamareeb,Gurceel,Baladweyn,Buulaburte dhawaanshaha goboladaas darteed iyo rakhiisnimo

    Boosaso markaas waxba uma anfacayso Baran,Dhahar.

  13. Ali
    Xaasidnimo waa cudur xun
    Beebera qudha baa 442 million la geliyey, ma jiro mashruuc kaa ka weyn oo geeska Africa maanta ka socdaa marka laga reebo Biyo xidheenka muranka dhaliyey ee Itoobiya

  14. Puntland iyo Somaliland waa dad walaal ah oo wanaag iyo ixtiraam uu ka dheexyo. Wax dhib ah ma dhex taal, mar Dhulmahante hadba meel caraya mooyee. Qofka Isaaq ah Puntland xushmaf iyo wanaag ayaa loo hayaa, sidoo kale kan Puntlandes ah. Dhexdooda ma laha meel laga dhex agaatyo. Puundo ama wado dhisayo waxey horseed u tahey bee mushar in la barsayo. Wax dhib ma leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*