DAAWO-Galmudug oo shaacisay in ciidamo ka socda Puntland deegaamadeeda ka dagaalami doonaan

Puntlandtimes (GALKACYO)-Xukuumadda Puntland oo ay matalayeen wasiirka amniga iyo guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa ogolaatay in ay qayb ka noqdaan Ciidamadeeda xoraynta deeganada ay haystan Al-Shabaab Ee Maamulka Galmudug.

Wassiirada ammaanka Puntland iyo Galmudug oo ay wehliyaan Sarkiil ciidan oo kulan ku yeeshay madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland ayaa isku raacay in ay qaadan howlgal ay ku midaysanyihiin oo lagu xoreynayo deeganada dhaca koonfurta Gobolka Mudug.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo hadlay ayaa sheegay in labada dhinac iska kaashanayaan duulaan Alshabaab looga xoraynayo deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug iyo qaybo kamid ah dhulka Galmudug.

DAAWO

12 Comments

  1. RIYI hadday DIB leedahay DABADEEDAY ku dedan lahayd, waa maahmaah Soomaaliyeed.

    Dhinaca kale handii laga eego, maxuma haddii la iskaashado waayo horaa loo yiri, “Quraanyo uruurtay BULUC waa jiiddaa.” Laakiin waxa dadka qaarkii isweydinayaan in dad hal magaalo u samaysan kari waayey hal maamul, oo ay ku midaysan yihiin, wax kale si DAACAD ah ma ugu midoobi karaan? Waxa aad marka mooddaa in Fiqi iyo saaxiibadii ay weli dhex fadhiyaan AFISYOONI oo waa hore lagu kala tagay.

    Si kastaba, hanbalyo hadaad iskaashanaysaan inta SHIIRKOLE dabka laga shidayo!

    • Mar walba lama waayo qof si xun wax ugu fakira mowduuca laga hadlayo marka hore adigo dagan dhageyso daawo kadib ka dhiibo fikir saliim ah balse lama noqdo seef la bood

  2. @@@HILLAAC
    Maahmaahda ah ‘ri’ haddii ay dabo
    leedahay…’ waa kaa khasaartay sababtoo ah taasi waxay ku habboonaan lahayd haddii aysan Puntland degaankeeda ka difaacan karin Al-Shabaab, waadna ogtahay in aysan argagixisadu dagaal kaga quusteen Puntland. Falalka Al-Shabaab ka sameeyaan Gaalkacyo waxaa u sahlay koofurta Gaalkacyo oo baylah ahayd muddo dheer.

    Puntland waxay u tagaysaa BacaadweynE inay ka hortagto intaan dagaalku soo gaarin Gaalkacyo. Iyadoo maanta Galmudug ku boolaxooflaynaysay inay Al-Shabaab ka saarto Galmudug — inay qabsadaan Bacaadweyne waxay abuuraysaa shaki fara badan. Mee ciidan ku-sheeggii qaranku? Armaa Farmaajo, Qoorqoor, iyo Fahad Yaasiin naflacaarinimo iyo in amnaanka Puntland la khalkhaliyo sidaa loo yeelay?

    Tan kale, Bacaadweyne waa degaan Dir oo reer Puntland ay u hayaan ixtiraam reer abtinimo oo soo-jireen ah.

    Ugu dambeyn, qolada maahmaahdaadu ku habboon tahay waa qolada aad sheegato inaad ku abtirsato ee walaahowga ku nool 30ka sano ee maanta isku laynaya ceel biyood. Maxaa iska beddelay markii Ismaaciil Mire 100 sano kahor yiri, ‘Kasiwaaye wuxu waa qabaal waana kabataane, ragoow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado’.

  3. Salaam Waxaad Og Tihiin Puntland Waxaa Laga Haysaa Gobol Iyo Bar Oo. Ay Tabar U Waayeen Gal Mudugna Ciidan Baa Loo Dirin Mays Qaban. Mida Kale Galan. Ciidanka. Wax Ma Ku Darsaday War Reer Mudugoow. Waad Fududihiine Wiilashiina. Iyo. Hubkiina Yaan Laydinka Gacan Gelin Galan Iyo Abgaalow. midna Ciidan. Ma Heli Karaan Yeey Wiilashiina Ku Khamaarin.

  4. HILLAAC dabadeeda kuma qarsateene dabada hooyadaa Iyo walaashaa ee Iidoorku faganayaad doonaysaa in la qariyo,yaad ka caqli badan tahay tolkii u qooraweyne

  5. ARAGAANEE. WAA WAX FIICAN HADAY DHAB AHAAN LAHAYD. AFKA BAARKIISA. CANSHUURTAAN MIDEYNAYNAA KOW DAGAALKAAN ISKA KAASHANAYNAA HAYE, WAR JACEYLKA DOORADA MIYAA?

  6. DIGNIIN: Haddii ay daan MAANDOORIYE isticmaalin, Aflagaadada halla joojiyo! Waayo aflagaaddo colaadna wax kaagama tadho danbi iyo godobna waa kuu xanbaaridaa.

    Aniga oo isku magacaaba MADAXWEYNAHA mandaqadda SSC, ee dhacda Waqooyiga Jamhuuriyadda Soomaaliya, kama hadlin reer iyo maamul-gooniya toona; waxa aan ka hadlay koox siyaasiyiin ah oo aan qaar magac dhabay, kuwaas oo shacabka marin habaabiya. Waxa aan kooxdaa ku oran lahaa, waar amniga ha siyaasidaynina ee meelo kale ka baadhbaadha. Waxa kale oo aan xasuusin lahaay in TEENDHADII AFISYOONI lagu kala kacay.

    Haddaan u soo noqdo, inta badan dilalka qorshaysan iyo qaraxyadu waxa ay ka dhacaan Waqooyiga Gaalkacyo, oo uu kulankani ka dhacay. Guddoomiyaha gobolka Mudug dhinaca maamulka Garoowe, baa waxa uu qiray in uusan masaajidka ku tukan karin cabsi darteed! Inta badana hal-doorka maamulka uu guddoomiyaha u yahay waxaa lagu dhex dilaa Gaalkacyo gudaheeda. Haddaba sow maaha, “Riyi hadday dib leedahay dabadeeday ku dedan lahayd.”

    Tusaale kale, waxaannu wada ognahay in xabsigii Boosaaso dhowaan lagala baxay dhammaan maxaabiistii ku jidhay oo ay ka mid ahaayeen boqolaal UGUS ah. Marka, ragga awooddaas ugu soo babac dhigay oo ku soo weerar tegay xaggay ka yimaaddeen xaggayse ku noqdeen?!

    Waxaa markaa kuu soo baxayda in ay Boosaaso iyo Bari haystaan ee aysan rabin in ay si toos ah isu muujiyaan, maaddaama ay marsada dhaqaalo ka helaan oo ay sidan ugu badido, oo isla mar ahaantaana ay ka fushadaan marka ay doonaan hawlgalka ay rabaan. Waana ta maanta keentay in deked laga dhiso GARACAD; waar dadka BEENTA hallaga daayo. Waxaase isweydiin mudan, haddii Garacad lagu guulaysto sugidda ammaankeeda, saw UGUS ma fadhido dariiqyadii soo geli lahaa iyo tuulooyinkii ku teedsanaa? Waar maad ciyaarta naga dayDaan?

    Gunaanadkii, waxa aan idiin sheegayaa in dad ku qanacsan maamullo QABYAALAD u kala qoqoban (federaalka Soomaaliya) oo siyaasiyaasiyiin TUUG ahi horboodayaan (illaa hadda ay maraydo in xaafadihii Muqdisha dhufayso qabiilaysan iyo bacaad lagu kala xidho) oo sidaa QARANIMO iyo WADAJIR ka doorbiday meel ma gaarayaan oo adduunkana lama jaan qaadi karaan. Sidaa daraadeed, aan u soo noqdee, RIYI handay DIB leedahay DABADEEDAY ku asturan lahayd, SANYAROOW.

  7. @@@Hillaac
    ‘dib’ — dabo; xambaariDAA; baxayDA; ugu badiDO’….kkkkkk. Dhulbahantow xaal qaado.

    Waxaan layaabay, waxaad tahay ninka keliya ee isla hal maqaal wax ku qora lahjadaha koonfurta, gobollada dhexe, iyo waqooyi. Waxaan kugula talin lahaa in aad iska casisho madaxweyneha SSC oo isu sharaxdo madaxweyneha federalka maadaama aad tahay Somalia oo dhan oo guuraysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*