DAAWO-Madaxweyne Siciid Deni,”Xalka doorashada Soomaaliya waa in Farmajo loo caqli celiyaa”.

Puntlandtimes (MUQDISHO)-Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay fashilka ku yimid shirkii Afisiyooni, isaga oo mas’uuliyadisa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siciid Cabdullaahi Deni oo sheegay in shirkii jaraa’id ee wasiir Cismaan Abuukar Dubbe uu ahaa mid horay loo sii duubay isla markanaa ay Villa Somalia sii qorshaysay wax walba oo la xiriira fashilka shirkii ka socdey Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaya ayaa sheegay in markii laysku fahmi waayey shirkii uga socdey Afisyoone, ay codsadeen in wadatashi la isugu laabto, ayna madaxweynaha ka sugayeen jawaab waafi ah haseyeeshee ay arkeen warsaxaafadeedkii wasiirka oo la wareejinayo baraha bulshada.

“Waxaa layaab leh maanta oo dhan waa shireynay, dhowr maalmood ka horna waa shireynay waxaase cadaatay qoraalka iyo muuqaalka ay sii deysay dowladda uu ahaa mid horay u diyaarsanaa, Wasiirka [Dubbe] maanta hadlay dabcan wuu nala joogay  dharka uu watay iyo kii codka ku qabtay kii uu watay maaha, wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

7 Comments

  1. Dabaal Deni,”Xalka doorashada Soomaaliya waa in Farmajo loo caqli celiyaa”.kkkkkkk adigoo tolkayaga sheegad ku ah zanjibar la qarameeyay ah. miyaad u aqli celin cid kaaga sareysa hogaaminta dalka Somalia.kkkkkk Ilaa amar dambe xerada safaradaha shiishiiye ee xalane ku siijir waayo waxaad awalba aheyd QOWSAARKA QASWADAHA UJOOGA EMARITE KA WADANKA SOMALIA.

  2. “Waan sii joogeynaa, waana joogeynaa, waana fileynaa in dib la’isugu soo laabto, tana ma’aha mid lagu kala tegi doono,” ayuu yiri wasiir Timo-Cadde.kkkkkk walee dadkii raga ismooday xaar ayaa ka socda. ALOW CABDULAHI YUUSUF U NAXARIISO .

  3. Puntlander, Deni bay kaga dhegtey. Tolow muxuu yeelay waa yaabe. Waar maydiin kala dabqaadnaa si leydiin heshiisiiyo kolley waxbaa jiro e.

  4. @@@ Maleeshiyada Farmaajo oo gubtay calan Towxiidku ku qoran yahay

    Dhibaatooyinkii laga dhaxlay xukuumaddii askarta ee keligitaliska ahayd dhanka siyaasadda waxaa ka weyn dhanka mujtamaca, taas oo qaadan doonta jiilal badan si loo saxo; waaba haddii la helo hoggaan suubban.

    Askartu waxay ahaayeen mujtamaca Soomaalida kuwa ugu diin yar, ugu khamri-cab badan, ugu akhlaaq xun oo ugu fasaad badan. Saraakiisha badankeed waxaa lagu soo tababaray Soviet Union, waxayna in badan oo ka mid ah lasoo noqdeen khamri-cabbid iyo akhlaaq-xumo. Saraakiil-xigeenka iyo dableyduna waxay u badnaayeen rag iyagoo waaweyn miyi ka yimid oo aan waxbarasho dugsi Qur’aan iyo Iskuul soo marin.

    Xeryaha ciidanka kama jirin wax diin ku saabsan. Haddiiba masjid jiro wuxuu ahaa mid shakhsiyaad isxilqaamay meel u xaarxaaraan amase waab ka dhisaan. Kuma jirin siyaasadda xukuumadda iyo tan Wasaaradda Gaashaandhigga qorshe amase miisaaniyad loo qoondeeyey baahida diineed ee askarta. Waxaa layaab leh gaalada calmaaniyiinta ah askartooda waxaa la socda baadariyaan shaqadoodu tahay arrimaha diinta oo qura. Xitaa haddii ay askarta ku jiraan shakhsiyaad muslimiin ah, waxay taliyeyaashoodu isku dayaan in baahidooda diineed la tixgaliyo.

    Dhowaan dagaalkii dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab, waxay askartu qabsadeen calanka madow ee Al-Shabaab ee ay ku qoran tahay: لا إله إلا الله محمد رسول الله. Waxay nasiibdarro ah in maleeshiyada Bakhtidhawr (Gorgor) ay gubeen calankii ashahaadadu ku qornayd! Waxaa Sunnada kusoo aroortay in Rasuulka ﷺ uu lahaa calan madow oo ay qoran tahay: لا إله إلا الله محمد رسول الله; Al-Shabaab calankoodu taas ayuu salaysan yahay ee ma aha wax iyagu sameysteen. Waxaa isweyddiin leh maleeshiyada Farmaajo ma kala garanwaayeen waxa Al-Shabaab afduubeen ee ay adeegsanayaan iyo waxa asalka ah ee muqadaska ah? Sidee u gubeen calan ashahaadadu ku qoran tahay iyagoo muslimiin sheeganaya? Tan kale, waxay ahayd in calanka la keeno Wasaaradda Gaashaandhigga oo halkaas lagu xafido amase la dhigo mutxaf sababtoo ah waa xusuus dagaal kharaar oo dhacay, waana dhacdo ka mid ah taariikhda Somalia.

    Turkiga inkastoo madaxdiisu yihiin muslimiin diinta shakhsiyan ugu dhaqma, haddana, ciidankoodu weli waa calmaaniyiin, marka, ciidanka Turkiga keliya lagu soo tababarayo, khatar mustaqbalka ah ayaa ka soo wejihi karta dalka iyo dad Soomaaliyeed. Maxaa, matalan, looga codsanwaayey dalalka Pakistan, Masar, Malaysia inay ciidan noo tabobaraan?

  5. Dani mahan qof caadi warkiisa
    Nagaxira isimada puntland
    Bay utaalaa masiirka puntland
    In aay dani ushagan
    Runta jubaland dowlada intabadan gacanta ku hayso
    South west hirshabale galmudug banadir dowaladii
    Fadaralka waa isku mooqif
    Hadhow eed mafiicna reer
    Puntlandnow qabta dani

  6. @maxamed ali aniga nin reer nugaaleed ayan ahay dani waa madaxweynahayga sharafta mudan ee adiga ayaa lagusoo qabanayaa hadad nin rag tahay is cadee

  7. Waxaa la ogyahey in:-
    a- Ismaqiiqe farmaajo uu ka soo cararey shirkii Dhuusamareeb oo socda.
    b- Ismaqiiqe farmaajo uu diidanaa shirka Afisyoone, caga jeedna uu ku yimid.
    c- Ismaqiiqe farmaajo uu isku dayey marar badan inuu shirka fashiliyo,
    d- Ismaqiiqe farmaajo uu la yimid xukoouon iyo marmar siyo uu ku donayo in shirka la hakiyo ama la badlo sida uu u socdo.
    e- Ismaqiiqe farmaajo uu u direy Qoor Qoor ka dib uu ka baqey inuu isbadallo.
    f- Ismaqiiqe farmaajo uu wararco iyo nak nax uu la dhex joogey.
    g- Ismaqiiqe farmaajo uu hadba colour/ waji cusub uu la imaanayey shirka.
    h- Ismaqiiqe farmaajo uu qarsan waayey tuhunka uu ka qabey KOOXDIISA oo handadaad joogta uu haye.

    Intaa iyo ka badan oo dhaqanta Ismaqiiqe farmaajo ayaa si dhow looks socdey.
    Sidaa darteed lama yaabin dhuusaadiisa durbada iyo dhaqanka ciyaal nimada ah.
    Maxaa ka dhalan kara waalidaa iyo fudeydkaa lagu bartey ? Wax uu ka shalaayo,

    Sheekado waxey u taal.
    * Beesha lixaad.
    * Beesha Hawiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*