Dagaal culus oo ka dhacay furimaha dagaalka xilli madaxweynihii ku sugan yahay Muqdisho.

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Waxaa la xaqiijiyey in dagaalkaaasi uu ka qarxay deegaanka kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Gooboogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ee la isku adeegsanayay, sidoo kalena uu jir khasaaro kala duwan oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaal ay la galeen.

1 Comment

  1. Madaxwayne kaasi Madaxwayne waxba kama oga ini fargaajo iyo villa wardhiigley ayuu kabal yeeri u yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*