DEG DEG: Kulankii barlamaanka Puntland iyo madaxweyne Deni oo albaabada loo xiray.

Puntlandtimes (GAROOWE)-Guud ahaanba waxaa hawada laga saaray warbaahinta tooska u tebinaysay muuqaalka kulan u dhexeeya madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xildhibaanada golaha wakiilada kaasi oo horay loo sii qorsheeyey.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa xaqiijiyey in kulanka madaxweynaha iyo barlamaanku yahay mid albaabadu u laaban yihiin isla markaana ay si gaar ah isku xog waraysan doonaan kahor inta aan shacabka lala wadaagin natiijada ka soo baxda.

“Kulanka maanta waa kulan xiran , Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayaa gaar uwada hadlaya , saxaafadda iyo cid kasta oo kale banaanka haw baxaan” sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa barlamaanka u jeedinaya khudbad uu diiradda ku saarayo shirarkii Muqdisho, fashilka kulamadii ka dhacay Teendhada Afisyoone, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo mowqifka Puntland ee muddo kordhinta loo sameeyey DFS.

7 Comments

  1. MAXAA LA QARINAYAA? MA LAGU ORIYUU KA BAQAYAA MISE INTA WAX LA WEYDIIYO INUU XANAAQO OO FIILOOYINKA HADANA CUNO OO CARARO AMA QOF MEESHA KU FEERO. MA XAN BEEN AH BUU SHEEGAYAA OO QARINAYAA SIDII HORE. WAR ILEEN YAAB.

  2. GAR GARIIRKA waxaa kuugu wacan waanad garanayn!

    Waxa aan malqi jidhay, “Sagaaro wax MUUQDA bay is tiraahdaa QARI.” Waxa kale oo aan malqi jidhay, “wax la qariyo khurun baa ku jidha.” Si kastaba, meeshan wax maro la saaro kuma haydaane (oo haddii la saari lahaay maba harine) maad ciyaarta naga daysaan. RAMADAAN KARIIM

  3. CAYAYAANKA BARAHA BULSHADA 24 SAAC AF XUMO IYO DACAAYAD AYAY U JOOGAAN QOLKAAN.
    FARMAAJO WAA TAGAYAA LAAKIIN NASIIB DARO CAYAYAANKIISA SIDEE U GALNAA

  4. Waa la hayaa wixii Saciid Denial meesha kaga hadley dhowr xildhibaan baa duubtay wax macne ah kamuu sheegin meesha waxa keliya oo uu sheegay in ay ka kala daadatay qorshihii la rabey in farmaajo meesha looga saaro xasan sheekhna la Soo celiyo, iyo hubkii uu xamar la they oo dawlada ka furatay markii loo sheegay in aad hub lagala dhoofi karin airportka ayna ka aarsan doonaan iyo in lacago looga dhacay airportka iyo in la kiciyo hawiye oo dagaal laga rido xamar so caalamka loo tuso in farmaajo lagu kacsan yahay wax saas ah weeye annaga idiin Soo celinayna Markan ka jaro waxyaabo national security dalka wax u dhimaya oo uu meesha kaga hadaaqay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*