Dowladda Somalia oo soo bandhigtay lacag dollar ah oo Kenya laga keenay.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku qabteen lacag si sharci daro ah dalka oo loo soo galiyay oo ka timid dalka kenya.

Dowladda Soomaaliya ma sheegin cida wadatay lacagta iyo cadadka, balse waxay sheegtay in caddaalad la marsiin doono cidii ka dambeysay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war uu saaray sidaan u qornaa:

Saaka abaare 09:00 AM, ayaa Ciidanka Saldhiga Boliiska Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ay gacanta ku soo dhigeen cadad lacag ah oo Dollar ah, taas oo ay siday diyaarad ka mid ah kuwa u kala goosha Muqdisho iyo Nayroobi.

Lacagtaas oo la rabay in sifo sharci daro ah dalka lagu soo galsho, taas oo lid ku ah shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Cadadka lacagtaas iyo eedeysanihii waday, ayeey Ciidanka Boliisku gacanta ku hayaan, iyada oo baaris ku socoto cadaadana la horgeyndoono.

2 Comments

  1. SALAAMU CALEEKUM

    Waa been waxa ay sheegayaa. Boorsadaasi meeqa qaadi karta. 10k or 20K. Hal shakhsi baa yeelan karaa…

    BEENI RAAD MA LAHAA KKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  2. Xukuumada xinka iyo xariiftanka ee vila somaliya waxay umada ku wareerisaa waxaan ciyaalka loo sheegin mar kastana waxay isku dayeysa in umada ay wax been ah ku maa weeliso lacag ba la qabtay waxaa laga keenay kenya ama emaaraadka dee lacagta dadkii waday meeye ma boostada ayaa lagu soo diray kkkkkk😂👈

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*