Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland & beesha caalamka.

Puntlandtimes (MUQDISHO)-Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada  Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan shirkii Dowladdu shaacisay in uu fashilmay.

Waxaana Beesha Caalamka ay u sheegeen  in aanay ogeyn shir fashilmay, iyagoo meesha ka saaray wararka sheegaya shuruudaha cusub ee dowladdu sheegtay inay shirka ku xireen, kaasi oo Dowladdu horay u sheegtay in ay mas’uul ka ahaayeen labada maamul Goboleed in lagu kala tago shirkii Afisyooni.

Labada mas’uul ayaa Beesha Caalamka u sheegay in wali ay taagan yihiin aragtidoodi hore ee shirka bilowgiisa, waxaana ay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in aanu doorasho rabin, oo uu doonayo inuu dalka geliyo qalalaase.

Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ ayaa sheegay inay dhinaca kale ee dowladda Federaalka la kulmayaan, iyagoo marka ay uruuriyaan fikiradaha dhinacyada kala duwan la wadaagi doona dalalkooda, halkaasoo iyana laga sugayo in illaa caawa warar ka soo yeeraan.

5 Comments

  1. Subxaanallah kuwani waa labo wajiilayaal. Gaaladda markay la kulmaana waa baariyiin.
    Somaliddaa markay la kulmaana waa bahalo aan talo keenayn talona raacayn. Waa calaamadaha lagu yaqaano munaafiqiinta. Allé ha soo hadeeyo kuwaan waa lunsanyihiin.

  2. DARWIISH DENI IYO AXMED WAA MASUULIYIIN EE MAAHA CIYAALA SUUQIIN IYO DAD DHAQAN XUN OO BEEN SHEEGA SIDA FARMAAJO IYO IIDOORKA MUNAAFUQA AH EE DUBBE.
    WALAAHI WALIGEED NOOCA DUBBE, FARMAAJO IYO ILMO SIYAASIYIIN NOOCAA MA SOO MARIN SOMALIYA.
    WAXAAD MOODAA IN AY DOWLAD U YIHIIN CAYAYAANKA BARAHA BULSHADA OO KALIYA.

  3. wiilo maamo maxad Siyaasad Kasheekaysaa Far soomaaliga ayaaba kugu adage
    Farmaajo waa Halyey Umada soomaliyeed Gobanimo iyo Hansare uhorseeday Ee maaha Naagaha Emirate iyo Kenya qabaan ee marba waxlosoo sheegayo Caqligiisa iyo Maskaxdiisa ayuu meesha layimadaa Lkn Hadal Telephone lagasoò leeyahay maya maaha Farmaajo nin waxlosoo sheego

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*