Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay inaysan la kulmayn M/weyne Farmaajo.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in xilligaan aysan u baahneyn la kulanka Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay in Farmaajo uu soo xiray Albaabadii wada-hadalka, isla markaana uu noqdah hoggaamiye Kooxeed sidola uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa. Waxaase is waydiinta mudan Dawlad Goboleedyada qaarkood bulshadii rayidka iyo waxgaradkii ayey la tashadeen, ka dibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go’aan ku diiday muddo kororsiga ayuu yiri  Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxaa uu isweeydiiyay cidda ay lantashadeen dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen.

8 Comments

  1. Somalia waa ogtshay ninka
    Dantooda wado waa isgarsintu
    Yareed majogno adiga abdi shakur ah
    Somalidu kumarabto marka
    Haisku daalin siyaasada
    Ee beerahaga falo awalba
    Fursada waxaad ku hashay
    Dagalkii sokeeye taasna
    Saad shegtay farmajo ayaa
    Soxiray ….

    • Ma ninkii nabiga scw ugafay maa dad ahaan uhadlaaya , farmaajo adiga iyo dadkii xerada xalane ku xirnaa iyo reer (burburin qaran) dan idinkama lahane EE DANEYSO KKKKKKKKK

  2. War moooryaankan badii soomaliya gatey ayaa hadlaya walee SOOMALIYA “CIDNA AMA MAQNA CEELNA UMA QODNA “.

  3. Ma ninkii nabiga scw ugafay maa dad ahaan uhadlaaya , farmaajo adiga iyo dadkii xerada xalane ku xirnaa iyo reer (burburin qaran) dan idinkama lahane EE DANEYSO KKKKKKKKK

  4. Ninbaa laga hayaa, caroogeygii la xadye xageese lagu afuufi!

    Imika Farmaajo xilkii korodhsaye yuuse xukumi. Kkkk

    Jubaland iyo Puntland sharkiisa wey iska xijaabeen oo wey iska diideen. Beeshii Hawiyena orod oo cirka xukun ayay ku yidhaahdeen. Hirshabeele bulshadeedu maba arki karaan Farmaajo, waayo Guudlaawe ayuu dhakada kaga keenay. Horena cag uma dhigin oo ma bookhan, imikana tegi kari maayo. Guudlaawena waa qalfoofkaas madhan ee isagiiba Beledweyne oo uu Maxaxweyne u yahay tegi kari la. Galmudugbaa soo hadhey. Dirta iyo Hawiyaha degaa Farmaajo ma rabaan. Qoorqoorna kuma raacsana taageeradiisa.

    Koonfur Galbeedna sidoo kale dadkeedu Farmaajo cadho xoog badan ayay u hayaan. Lafta Gareen inuu Baydhabo ku heyn karo Farmaajo Allaahu aclam.

    Kolkaas, xukunka halkuu la aadi? Yuuse xukumi? Amar uu soo saaro oo soconayaa majiro, Baarlamaanku Xeer uu soo saaro oo la aqoonsanayaa ma Jiro. Warqad uu soo saarona Beesha Caalamku aqbali meyso oo Wadanka u xukumi meyso isaga. Dekeda iyo Airportkana waa lagala wareeri hadaanu is casilin.

    Ma Gedo ayuu Madaxtooyadiisa ka sameysani?

    Ma Villo Soomaaliya ayuu isku soo xidhi? Inteyse AMISOM difaaci doontaa?

    Anigu isaga mid u qiray. Khiyaanadiisii iyo munaafaqnimadiisii wuu cadeystay. Wadahadaladii iyo waanwaantii uu wadwadeyna daacad kamay aheyn. Shax undegsaneyd oo aad ay uga soo shaqeeyeen ayuu dheelayay. Illaa iyo aakhitkii uu habeenkey Ramadaantu soo galeysay uu kusimo. Taasoo shaxda ka mid aheyd. Ukajeedaduna aheyd dadka Soomaaliyeed inbadan baa fadliga Bishan barakeysan owgeed cibaadadooda ka doorbidi oo tacadigoodu kaa yaraan.

    Wuuse ku dhacey oo godad aanu fileyn ayaa mudh looga soo yidhi. Arintu aad iyo aad ayay ugu qadhaadhahay. Firigfirig tii u danbeysay iyo xarbi ayuu ku jiraa.

    Shaxdii waxey ku danbeysay Dabinkii uu dhigey, isagaa imika ku dhacey. Kolka uusii firigleeyaba wuu kusii giijismayaa.

  5. kkkkkkkkkkkk farmaajo muxuu ku falayaa mooryaan la soo kiraystay , horena cumar cadirashiid u adeegsay weli u adeega oon xataa kraamo lahayn horena bililiqo keenatay isago adhi jira

  6. Midbaase Farmaajo ka hoostey. Taasna waxaan ku sababeynayaa iney tahay doqoniimadiisa iyo caqli yaraantiisa oo tusi kari weydey arin muhiim ah oo maanta ka badbaadin kari laheyd qoolkan uu madaxa sudhey isagu. Shaxda cidii u dhegtey ama ka kalkaalisayna xaqiiqadaas wey ka ilduufeen.

    Maahmaah caan ah ayaa tidhaa, Ama buur ahow ama buur ku tiirsanow. Muhiimaduna waa buurtaasi iney ahaato Buur isku haleynteedu aanu shaki ku jirin.

    Farmaajo iyo la taliyayaashiisu waxey isku tiirsheen xoogag ajaaniib ah. Sida, Ethiopia, Eritrea, Qatar iyo Turkiga. Turkiga mooyaane inta kale isku haleyn ma leh. Turkiguna ma fahamsana oo ma yaqaano Soomaalida. Ciidanka uu soo tobobaro iyo hubka uu soo dhiibaa sidii loogu talo galey uma fuli karaan. Waayo ciidanku waa qabiilo. Waana ta maanta taagan. Wiil Hawiye ah, tobobar walba Halasiiyo, aakhirka qabiilkiisa ayuu la safan. Ciidamada Soomaaliya maanta Hawiye ayaa u badan. Hubka u badani iyaga ayuu gacmahooda ku jiraa. Maantana waakuwaas Qabiilkoodii la safety. Waayo doqomo maaha. Qatarna ma kaafiyi karto oo ma buuxin karto booska Beesha Caalamku dhaqaale ahaan ugu fadhiyaan Soomaaliya. Abiye iyo Afwerkina iyagiibaa balaayo ku furantahay oo toodii la tacaalaya.

    Farmaajo haduu fariid yahay ugu horeynba shisheeye mustaqbalkiisa kumuusan haleeyeen. Laakiinse fariid maaha.

    Doqoniimadiisa waxa cadeyn weyn u ah, afarta caade qaate ee aftahamiinta, ciil qabeyaasha iyo calooshood u shaqeysteyaasha ka kooban ee beri ka carari doona ayuu iska aaminey.

    Bal car wakaase haka saaraan dabinkaas uu ku jiro maanta. Iyagiibaa sii sahansanaya dulalkey ka dusi lahaayeen. Isna qoolkiibuu isku sii giijinayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*