Muxuu madaxweyne Farmaajo kala hadlay taliyayaasha Xoogga dalka iyo AMISOM.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-bixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay iyadoo aynu ku jirno Maamuuska Sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii CXDS in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ay dib u hanteen hoggaaminta howl-gallada amni ee Dalka, arrinkaas oo ka markhaati kacaya miro-dhalka qorsheyaasha Dowladda ee dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida iyo sida ay maanta ugu diyaarsan yihiin difaaca iyo xoreynta Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka war-bixiyey tayada iyo awoodda ay ugu diyaarsanyihiin in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu hoggaamiyo hawlgallada wada-jirka ah ee lagu la dagaallamayo Al-shabaab iyo cid kasta oo khalkhal galisa nabadda iyo xasilloonida Dalka.

Sidoo kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay u wajaheen ugana adkaadeen isku daygii fashilmay ee ay Al-Shabaab dhawaan ku weerartay deegaannada Bariire iyo Awdheegle, taas oo muujisay tayada iyo diyaargarowga buuxa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee CXDS, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa uu Madaxweynuhu dhiirri-geliyey walaalaha AMISOM dadaalka naf-hurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wada shaqaynta Labada Ciidan.

3 Comments

    • @@Mohamed Nugaal,

      Qolooyinkiinan iska guulwadeynaya, labo arrimood ayaa sixun iskaga kiin dhexyaacsan runtii, kuwaas oo kala ah: (i) maanka kacaannimo iyo (ii) dareenka waddaninimo.

      Bal marka aad kuhadaaqayso “xoreynta dalka”, miyaad macnaha dhabta ah ee hadalkaas kafiirsatay? Waxaa la xoreeyaa dal ixtilaal kujira oo dadkii lahaa laga haysto oo laguna dhex gummeysanayo. Yaa Soomaaliya ixtilaal kuhaysta oo in lagaxoreeyo ubaahan? Jawaabtu dadka saaxiga ah waa “cidina!”, halka jawaabta kuwa uu maanka kacaanku kadhex guuxayana ay tahay in beelo degaannadooda nidaamsaday loo baahanyahay in inta laga burburiyo deeto doqon Xamar ku daacdaacsanaya uu ku amarkutaagleeyo.

      Waa maanka kacaannimo ee aadka u gurracan kan kufekeraya inay dawladnimadu sideedaba tahay qawsaarro caasimadda guud ku dakeynaya oo dalka intiisa kale uu afka ukalahayo oo wax walba kasugo; kabahana afka looguqaado; amaantiisa iyo magaciisa meelkasta lagaga digriyo; loo khushuucsanaado; loo gardiyeeyo; hay! hay! hay! habeen iyo dharaar looguhayo.

      Waa maanka kacaannimo kan idin katusay inay dawladnimadu gebigeedaba tahay shacabka oo inta tuute loo wada geliyo ciidan qoryo sita laga wada yeelo; ciidankaana ama shacabka lagu cabburiyo amase dalal deris ah lagu weeraro. Waa maank kacaannimo kan idiin sawiray inuu waddan dal jira kuyahay hadba inta askari oo madaxweynaha hor gaardisa oo dhoollatusna sameysa.

      Waddaniyaddu waa wax intaas oo dhan aad ugafog oo kana baxsan. Reer Puntland iyo Jubbaland taariikh iyo sooyaal u gaar ah ayay leeyihiin, maankooduna kafog inay qawsaar xun udulloobaan oo af xun ukalahayaan. Gobtani way dawladeystaan ee abid looma dawladeeyo sidoodaba. Dalku xoreyn uma baahna ee idinka ayaa ubaahan in maankan gurracan la idin kaxoreeyo oo Xamarna waxay ubaahantahay in qawsaarrada maanka idin ka curyaamiyay lagaxoreeyo oo lagana mamnuuco.

  1. Guddoomiyaasha maamul goboleedyada waa in si dag dag ah ula shaqeeyaan dowlad dhexe si loo xureeyo buuraha puntland iyo bu,ale must iyo 2 shabelle . Ciidanka dalka hanoo laado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*