Puntland iyo Jubbaland oo warar cusub soo saaray.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu sooyaal qoto dheer ku lahaa Bulshada Jubaland isagoo Kamid ahaa aas aasayaashii iyo dadkii wakhtiga dheer galiyay sidii loo yagleeli lahaa nidaam ay leeyahiin Bulshada Jubaland, waxaa kale oo uu door muuqda oo aan la iloobi karin ku lahaa xorayntii inta badan deegaanada Jubaland isagoo xiligaas ahaa wasiirka difaaca dalka.

“ Prof. Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo wakhtigiisa iyo naftiisaba u huray Ummada Soomaaliyeed isagoo kasoo saaray marxalado adag Jubaland hadan ka hadalana wuxuu ahaa dadkii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaheeda iyo xoraynteeda” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariiste Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi.
“Waxaan ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariiste Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ku geeriyooday dalka France , waa Tiir muhim ah oo ka baxay dadka Soomaaliyeed.

Marxuumku door muhim ah ayuu ka geystay dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed, maraaxishii kala duwanaa ee ay soo martay iyo hirgelinta nidaamka Federaalka isagoo ka mid ahaa Siyaasiyiintii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaha Jubbaland.

6 Comments

  1. Puntland iyo Jubbaland oo warar cusub soo saaray. Kkkkk wariya puntlandtimes oo maxaa ka qaldan malaha soonka ayuu 9soomaa bilaa afur iyo saxuur kkkkkkkk

  2. @@@@Murjin & Fuaad Abdulle,

    Salaan gobeed iga guddooma marka hore. Waxaan su’aashaadii qiimaha badnayd ufahmay inaad ‘ma inaga hubtaa’ kawadday inay Saldanadii Cadal gobolladeenna Puntland soogaartay oo aynu katirsanayn. Inta aanan jawaabteeda ugudagalin, waxaan kusii ararinayaa inaynu xusuusnaanno in sida qaalibka ah ay dad badani macluumaadyada karaadsadaan goobo-galsheedyada furan sida “wikipedia” iyo kuwa lamidka ah.

    Goobahani ma noqon karaan ilo aqooneed oo daliilo rasmi ah oo sugan laga heli karo maadaama ciddii doontaa ay wax kabeddeli karto. Waxaa kasiidaran in waayahan dambe ay guulwadeyaal iyo qabqableyaal jabhadeysan qummaati ugudigteen oo ay taariikhda Soomaaliyeed u afduubteen qaddiyadaha jabhadnimo ee ay iyagu cabsanyihiin – gaar ahaanna kuwa qaddiyadda Somaliland halganka xooggan uugujira. Waxay been-abuur baahsan kasameeyaan Saldanadihii Soomaaliyeed ee sida Cadal (Adal), Cifat (Ifat), Ajuunaan, iyo tii Warsangeli – iyaga oo iskudayaya inay qiil uugadhigaan qaddiyadda Somalilandnimo.

    Sidaas ajligeeda, anigu guuglaha iyo wikipediaha waxba kamaraadsado ee waxaan koontooyin kuleeyahay oo aan macluumaadyadayda oo ka doontaa oo kasoo xigtaa keydyada (maxfadyada) akadeemiyaha ee jaamacadaha caanka ah, khaas ahaanna xarumaha aqooneed ee UK iyo USA kabaxsan maadaama khubarada labadan kasoojeeda badankooda lagu ogaaday inay taariikhaha Islaamka iyo muslimiinta kabeensheegaan oo udhigaan hab xagaldaacin iyo eexasho lagusuntay.

    Waxaan kasii digayaa inay jiraan guulwadeyaal halkan kuxeeran oo marka mowduucan la dhexgalo guuglaha iyo wikipediaha kuyaaci doona si ay khuraafaad ugasoo lufluftaan ay iskudayayaan inay runta iyo xaqa sugan kuraddiyaan. Weligiin kuwaas kafeejignaada. Bog dambe ayaynu kusiiwadan doonnaa haddii uu Rabbi idmo, waana masrax furan oo inta akhyaarta waxgaradka ah gacmafuran lagusoo dhoweynayo.

  3. Somalida waxaad moodaa ineysan garaneyn Protocol ka wariyinimada,aana qoraalada article ka hadan maheystaan isla xisaabtan ama (accountability) masiib daro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*