Shirkii madaxda Soomaalida oo dib uga furmay Afisyoone & arrimaha looga hadlayo.

Puntlandtimes (MUQDISHO)-Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir u dhexeeya madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir loogana hadlayo xaaladda doorashooyinka Soomaaliya.

Shirka ay maanta yeelanayaan madaxda Soomaalidu oo rajo badan laga muujinayo ayaa Madaxda waxaa ay uga hadlayaan Ajandaha Shirweynaha wadatashiga doorashooyinka ee dhawaan furmaya iyo cidda ka qeyb galeysa Shirkaas.

Ilo wareedyo ku sugan goobta ayaa sheegayay in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay dalbadeen in shirka ay goobjoog ka noqdaan Xubnaha Midowga Musharixiinta & Guddoomiyaha Aqalka Sare , balse dhinaca Villa Soomaaliya ay ku adkaatay.

Shirka maanta ayaa la filayaa in horumar laga sameeyo qodobada la isku mari la’aa maalmihii la soo dhaafay ee ku saabsanaa ajandaha shirka rasmiga ee soo socdo, waxaana Wakiilada Beesha Caalamka ay madaxda ku cadaadinayaan inay heshiis gaaraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*