VIDEO: Senator Faroole,”Ninkii gurigaygii Xamar burburiyey ayaa Garoowe deris ku nahay”

Puntlandtimes (GAROOWE)-Madaxweynihii hore ee Puntland ahna senator katirsan aqalka sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka hadlay hantidii ku burburtay iyo dhacii ka dhacay Muqdisho xilligii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in burbur iyo kala googo aysan Soomaaliya dani ugu jirin isla markaana uu xusuusto dhibaatadii ka dhalatay 1990 ayna isaga iyo carruurtiisu kamid ahaayeen dadkii dalka ka cararay isla markaana lagu qabsaday hantidii ay Muqdisho ku lahaayeen aysanna cidna u haysan xilligaan wixii soo gaarey.

“Wax colaad ah cidaan u qabaa majirto, Xamar baan tegey rag ayaana ii sheegay inay ii hagaajinayaan guryihii iga burburay, dowladi ma burburin Allaylehe guribaa hal nin wax ku dhuftay nin oday ahoo hadda Garoowe jooga weligayna ma xusuusin ankee deris baan la ahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Ugu dambayntiina waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federalka ah iyo dhammaan kuwa kale ee Soomaalida inaan dadka lakala saarin isla markaana laysku hayo shacabka dhibaatooyinka soo maray sida uu hadalka u dhigay.

14 Comments

  1. Faroole waxaa u fiican da’na wuu ku jiraa in uu towbada u jeesto intuu mar walba qoys iyo qabiil un ka hadli lahaa, da’diisa oo kale ummadda bey isu keenaan laakiin isaga wax badan baa ka buuxa oo uu qabo.

  2. Senetor . Faroole waa waayo arag. he is Banker waa qof dhaqalaaha aad u yaqaana waa qof wanaagasan Soomaali ka faa,di karto .. hadiii la maqlayo

  3. Majeerteen , waxaan ku idhi dooon degaysa ha raacina , way i diideen . markaaa qaran Somaliland oo xoog leh ayaan dhisayaa, wax Zoomaali la dhaho ma jidho.

  4. Majeerteen.. Fedraal & wax aan loo joogin, Soomli aqoon & dhaqan aanay u lahayn ayay ka hadlayaan.

  5. Faroole ciise riyoole by matala
    Puntland garowe ba ku cayiishay
    Fadaraal coodba loqadaya
    Dani iyo Ahmed Madobe iskafa lagala dalaya..
    Faroole iyo dani waji llatumay
    Leyihiin wa ino sabtiida 2 sano korarsado abgaalow badar nasioya
    Ooya tayiir ban kulaynayna aranjan

  6. Faroole waa nin somali
    Ah laakiin diinta ku
    Yar because qabiil nabigaa
    Noshagay oo yiri qabyaladu
    Waa qurene kalaxada hadaba
    Adarkay faroole waxaan
    Dhilahaa naso oo masjidka
    Ubado allah bari runtii
    Waqtigu waa dhowyahay
    Somalida maanta diinta
    Waybarteen school waytageen
    Hadalka oo dadka waa well
    Educates maanta
    Farmajo waxa buu uqabtay
    Somali in adiga oo adeerkis
    Ah marna abti u ah uu
    Kaashaqayen waayo mafiicna
    Adeer farolow asc
    Somali wayen……….–,,

  7. 80 Jir aan xishoonayn oon illahay ka baqayn waaye Faroole ninka leh Cumar Maxamud iyo Cismaan Maxamuud marti baad ku tihiin Garawe oo u samaystay AARANJAAN ayaa beentaa Somalida u sheegaya.
    NINKII GUROGAYGA DUMIYAY AYAAN DERIS NAHAY KKKKKK
    Majeerteen dulqaadkaas illahay uma samayn.
    Beenlow dhareer badan.

  8. Waa Odeyga somaliyeed oo da ah yaan loo qaban wixii qalad ah , mida kale waxaan ku oran lahaa faroolow warka badan iskadaa oo tasbiixso oo naso ,

  9. Qofkii runta sheega waa ninxun ninkii beensheega keligii taliska ku dhaqma somalina Kala fogaynaya kama arki farmaajo siduu rabay ayuu kasameeyey galmudug,hirshabeele,k/galbeed balese waxa uu ku guy laysan waayey pliyo j/l hada jl wuu kala qaybiyo gedana gacan tuu kudhigay waxa uu rabaa in uu kursiga ku hayati riyoo been ah lagama yaani 2 labo arin dhacdo 1)indoorasho la aado 2)in uu tanaasulo Somali waa in ayka ta shataa taliskaan Isla waynida qaba

  10. PL masiibad uu farmaajo Soo wado hadii ay iska difaacin oo aan lakin dhibweyn ayaa Soo socda waxa uu rabaa in uu PL kasoo hadlo sooliyosanaag isagoo adeegsanayo siyaasiyiin kasoo jeeda pl iyo lacag malaayiin doolar wuxuu rabaa in uu burburiyo maamulka PL

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*