War kasoo baxay xubnaha beesha Caalamka ayaa dowladda dhexe looga dalbaday in doorashada ay ku qabato heshiis iyo Wada ogol.
Warka kasoo baxay beesha Caalamka ayaa sidaan u qornaa:
Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.
Xuseyna muhiimadda uu leeyahay Shir-madaxeedka la qorsheeyay ee DFS-DXDF, Saaxiibada Caalamku waxay ku boorrinayaan in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed.
Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto.
Be the first to comment