Cali Guudlaawe oo xiriir toos ah la sameeyey dowladda Itoobiya iyo ajandaha kulan dhexmaray.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan xoojinta howlgalada la dagaalanka Al-Shabaab ee ka socda degaannada Hir-Shabeelle.

Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa balan qaaday in Maamulka Hir-Shabeelle ay kala Shaqeyn doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kula qaato Magaalada Muqdisho mas’uuliyiin kala duwan kadibna uu dib ugu laabto Magaalada Jowhar.

1 Comment

  1. ETHIOPIA, Kenya and others Somalia marnaba faraha kala bixi maayaan waayo caqliga siyaasiga soomaaliiga ah waa gali la’dahay inuu xorno noqdo oo dalkiisa dadkiisa ku kalsoonaado..

    Jiilkii colaada u hayay cadawga waa dhamaaday waxana badalay ku u haysta inay xajka la siman yihiin kuwaas aan soo sheegnay, gaar ahaan qurbajooge isagu waxba ma aaminsana, waa xagay ka bisishahay xaalkiisu…

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*