DEG DEG: Ciidanka Haram-cad oo qabsaday caasimadda mid kamid ah maamul goboleedyada.

Puntlandtimes (JOWHAR)-Ciidamo gedoodsan oo la sheegay inay katirsan yihiin booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa Maanta gadoodsan ka sameeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Waxaa la xaqiijiyey in ciidanka gedoodka sameeyey oo ka tirsan Ciidamada Haramcad ay wataan 50 gaari oo nooca dagaalka ah, waxaana ay xirteen qaybo kamid ah wadooyinka muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka oo ku taalla Magaalada Jowhar.

Ilo-wareedyo ku sugan Caasimadda Hirshabeelle ayaa sheegaya in Ciidamada Haramcad ee gadoodka sameeyay ay doonayaan in dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho oo markii hore laga qaaday.

Majjiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay taliyayaasha ciidamada Booliska dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku aadan tallaabada ay ku dalbanayaan Ciidamadan in dib loogu soo celiyo Muqdisho.

4 Comments

  1. Ciidan meel ma doorto, ee askarigu meeshii loo diro ayuu bilaa su’aal ku aadaa.
    Waxay ku tusin aqoon yarida haysata ciyaalka dagaalkii sokeeye ku dhashay ee aan arkin nidaam iyo dawlad.
    Waxuun baa la iska qori.

  2. Haramcadku miyaanu ahayn bahalka duurka ku nool ee ugaarta cuna, goormaa la tababaray oo ciidan laga dhigay waa yaabe.
    Ciidanadii hore ee Soomaaliya waxa oran jiray: daraawiish,tortoryaale, seerjito, cali boobaye, cali ku mute, cali bacaad, cali xiirane, miranaayo, ayronootico, guulwadayaal, hangash, dhabarjebin, nss, madka ma cuntaa iwm.
    Ciidamada hadda jira waxaa la yiraahdaa: gorgor, haramcad, subxaanyo, danab, waran, iwm. Farqiga u dhexeeya waxa weeye kuwii hore waxay ahaayeen dad ama magac Soomaali ha wataan ama magac talyaani ha sitaan halka kuwa hadda jiraa ay bahalo yihiin ama magac bahal ana shay wataan. Waana sababta ay wax u qaban la’ yihiin oo ay awood lama’aanta u yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*