Dowladda Itoobiya oo argagixiso u aqoonsatay ururada TPLF iyo OLF ee kajira dalkeeda.

Dowladda Ethiopia ayaa liiska argagixisada ku dartay ururrada TIPLF iyo OLF, waxaana go’aankan laga soo saaay shirkii golaha wasiirada ee uu shir guddoomiyay Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed.

Maamulka Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa dabayaaqadii sanadkii hore weerar ku qaaday gobolka Tigray, halkaas oo saldhig u aheyd TPLF oo hore u soo xukuntay dalka Ethiopia.

Golaha wasiirada ayaa sheegay in sidoo kale OLF-Shene loo aqansaday aragagixiso, kaddib markii sida ay sheegeen saraakiisu ammaanku weerarro dhowr ah ku qaadeen meelo kala duwan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah iyo kaabayaasha bulshada labadii sano ee la soo dhaafay.

Soo jeedinta golaha Wasiirada ayaa ansax noqon doonta marka golaha baarlamanka Itoobiyo ay meel mariyo hindisahan.

Warbaahinta FANA ayaa soo werisay in bayaanka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha lagu sheegay in labadan kooxood ay yihiin qaran dumis, isla markaana ay u shaqeeyaan sidii argagixisadii.

Sidoo kale dowladda Itoobiya waxay ku guda jirtaa hawlgallada ka dhanka ah OLA, oo ah koox milateri oo ka goostay Jabhadda Xoreynta Oromada, oo inta badan ka hawlgasha gobolka Oromiya.

4 Comments

  1. Meeshan waxaa intaas lagaga calaacalaa waxa ay Itoobiyaanku Soomaalida kuhayaan, waxaananse weli arkin cid soo hadalqaadda sababta keli ah ee ay Rabbi fadligii Soomaalidu qarniyadaas oo dhan sharkooda kaga bedbaadday; waana sababata aan kumuujiyo astaamaha calameed ee aan halkan kusoogalo.

    Waxay taariikhda Geeska Afrika marag buuxda ka tahay in haddii sida ay Itoobiyaanku damacsanaayeen wax ugu suuragali lahaayeen aynaan maanta Soomaaliya iyo Soomaaliba ka hadalneen ee aynu qowm kale oo la dhalanrogay ee ay Xabashidu addoonsatay ahaan lahayn. Runtuna waxay tahay, in Soomaaliyi sharkooda iskaga gaashaantay fadliga Saldanadnimo Soomaaliyeed oo calanka tawxiidka iskudugsanaysay.

    Dhagarta iyo damaca Itoobiyaanku weli waa uun kuwii aynu ogayn oo aan sina wax iskaga beddelin, maanta ayaynuna uugu nugulnahay jabka ay qarniyo badan noomaleegayeen haddii aynaan xaqiiqada dhaadin oo sooyaalkeennaas dib ucuskanin. Kuwa isleh casri cusub ayaynu kujirnaa iyo UN baa jira iwm, waxaan leeyahay waddamada UN-ta kuqaraabta Itoobiya xaram diimeed ayay utahay.

    Haddii ay xataa Itoobiyaanku ka gaabsadaan inay duullaan kulul naguqabsadaan, haddaba way billaabeen duullaankii qaboobaa ee ay mandiqaddeenna kudhaxalwareegsan lahaayeen oo hawshu qummaati ayay isugudubbadhacaysaa. Magaalooyinkayaga waaweyn hoos u eega qulqulka bulsheed ee tartiib uqarqinaya.

    War kale oo murugo lehna waan idiin kubishaareynayaa, kaasoo ah in marka doorashadan qalaad iyo nidaamkeeda siyaasadeed dalka laga dhaqangeliyo hadhow nala kuxujeyn doono “international human rights” iyo buhuu-bahaadaas khassab la inoogayeeli doono in aynaan Itoobiyaanka nagusoo qulqulaya hadal kakeenin. Dhaxalwareegguna qaabkaas ayuu ugu hirgali doonaa oo qiilna u noqon doona ay ciidamada badda Itoobiya xeebaheenna rasmi uga hawlgalaan. Yaan la sugi waayin.

    Boqortooyo Soomaaliyeed wallaanay bedbaado inooga sokayn!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*