Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo war cusub soo saaray.

Puntlandtimes (GAROOWE)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda 1-da May oo ah maalinta Shaqaalaha adduunka, wuxuu u hambalyeeyay Shaqaalaha Puntland.

“Munaasabadda maalinta Shaqaalaha darteed, waxaan u hambalyeenaya Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Puntland oo lafdhabar u ah horumarka socda. Waxaan bogaadinaya shaqaalaha ku jira furimaha hore, sida wiilasha iyo gabdhaha ka shaqeynaya Amniga iyo la dagaalanka COVID-19.

Dhanka kalena, madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed  Maxamed  Islaam, ayaa munaasabada 1-da May oo ah maalinta Shaqaalaha adduunka, waxaa uu ugu hambalyeeyay shaqaalaha  Jubaland .

“ Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed si gaar ahna shaqaalaha Jubaland oo mar walba u taagan shaqooyinka loo igmaday taas oo muhiim u ah adeegyada kala duwan ee Bulshada ay u hayaan” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray shaqaalaha heeganka ah si gaar ah Ciidamada ku sugan jiida hore iyo dhakhatiirta dagaalka adag kula jira caabuqa COVID19 kuwaas oo naftooda u huraya sidii ay u badbaadin lahayeen Shacabka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in kor loo qaado tayada iyo tirada shaqaalaha kala duwan iyadoo diirada la saarayo baahiyaha jira isla markana la joogtaynayo kor u qaadista xirfadahooda si shaqooyinka ay hayaan ay u noqdaan kuwo waxtar leh.

4 Comments

  1. Ciidamada iyo shaqaale waa kala labo, ee Gaylaan weynaan buu magaalo kusoo galay. Qofku haduu iska imaadow yahay isma qarin karo.

  2. Haliye.
    CIIDANKU WAA SHAQAALE DOWLADED, MADAXWEYNE WAA SHAQAALE DOWLADED, PM WAA SHAQAALE DOWLADED, SIDAA WAX U OGAW CIDWALBA OO U SHAQEYSA DOWLADA WAA SHAQAALE DOWLADED TEEDAKALE CIIDANKA DARBIGA UMMA SHAQEEYAN

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*