Midowga AFRICA oo ka hadlay ka laabashada muddo kororsigii Farmaajo, wakiil cusubna u soo magacaabaya Somalia.

Puntlandtimes (ADDIS ABABA)-Guddoomiyaha guud ee midowga Afrika Moussa Faki Mohamed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo magacaabayo wakiil cusub oo midowga Africa u qaabil sanaan doona arrima siyaasadda Soomaaliya.

Moussa Faki Mohamed, waxa uu ugu horrayn soo dhoweeyey go’aanka golaha shacabka ku laaleen go’aankoodii 12kii April,waxaa kale oo uu soo dhaweeyay go’aanka uu Madaxweynaha Soomaalida Amniga doorashada iyo hanaanka doorashadaba ugu wareejiyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Maxameed Xuseen Rooble.

Qaybo kamid ah warbaahinta Africa ayaa hadal heysa qoifka uu noqon doono Ergeygaas iyada oo loo badinayo John Mahama Madaxweynihii hore ee Waddanka Ghana oo ka mid ah Waddamada ay Ciidamada AMISOM ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Ergeygaan cusub oo aan weli la shaacin haseyeeshee la sheegay in la soo magacaabi doono ayaa lagu wadaa in marka la soo magacaabo uu horay ka guda galo shaqadiisa cusub ee la xiriirta siyaasadda iyo doorashada Soomaaliya oo uu is mariwaa ka taaganyahay.

Golaha ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa dhowaan  kulan ay ku yeesheen Magaaalada Adis ababa ku go’aamiyay in ay magacaabaan Ergey ka socda Midowga Afrika oo ka shaqeeya Siyaasadda Soomaaliya iyo doorashada.

4 Comments

  1. Talow mucaaradka doorasho diidka ah miyay oran doonaan ninkaan farmaajo ayaa horey usoo balan saday…ee dooni meyno kkkkkkkk

  2. Casimada somalia hada waa
    Muqdisho waxaan dhamaan
    Umada somaliyed rabaa in aan
    Xasuusiyo dhibka jiraa waa
    Casimada yeeli mayno in markasta xamar lagudhiso
    Lacag lagu sooqaday magaca
    Somalia hadana nin uu yiraahdo anigaa lah ama uuba
    Dumiyo dhamaan cashabka somaliyed iyo somalia waxaan
    Ushagayaa ayaga oo mahadsan
    In xamar aay noqoto casimada
    Somalia ama aay noqoto xarun
    Ganacsi madaama aay dakad ladaha casimadana meel kale
    Lageeyo suudi yalaxow waa
    Moryaan 80 jir ah
    Geela ayuu 1991 ku soqory
    Somaliyey odogaas gofkiisa
    Ogaguura

  3. Mohamed Ali saaxiiboow gefka iska daa Xamar in ay caasimad Somaali u siman tahay waxay muujisay 8 Februray 2017 markii doorasho xor iyo xalaal ah uu Maxamed Farmaajo uga guuleystay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif sheekh Axmed waxaa lagu wareejiyay Somali mid ah oo laba aqal ,mid hoose iyo mid sare ,Xukumad, Maamul goboleedyo mideysan iyo shacab u so baxay oo habeenimo u feesteeyay, lacag 7 Milion dollars oo kahsnadda Bank Dhexe ku jirta.

    Maanta xagee la marayaa ishaa macallin ah qabyaladda ka xorow oo Somaalinimada meel ha uga dhicin.

    Manta waxaa la marayaa labadii a

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*