Midowga Musharixiinta oo sheegay in RW Rooble uusan daacad ka ahayn doorashada.

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay shaki geliyeen in uu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha doorashada Soomaaliya, iyaga oo ugu baaqay in uu muujiyo kalsooni iyo madax banaani.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta oo loo diray dhinacyada Soomaalida & Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanayo dibadda.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu bilabo howlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

6 Comments

  1. Waxa aan malqi jidhay, “dibiga geesa adag iyo weedha maxaa kulmiyey!”

    Maxaa kulmiyey kulankii Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, H.E. Muhammed Hussein Roble, iyo Uhuru-Kenyata, ku dhexmaray Jabuuti & warqaddan hadda ka soo baxaday midawga-barakinta/murashixiinta?!

    Haddaba, iyada oo kulankaas koobnaa ee labada masuul laga duulayo, warqaddan waxaa loo fasiran karaa in ay xiriir la leedahay kulankaas, oo arrin cusubi ay uga timid dhinaca Nairobi, oo weliba hadda uu ku sugan yahay Mr. Deni, oo xulufo la ah kooxda warqaddan soo tuurtay. Intaa waxaa dheer, Mr. Geellena meesha waa ka agdhowaa, oo gurigiisaa marti lagu ahaa; sheekadu waa dheeratahay.

    Taa marka laga yimaaddo, waxa muuqata in qorshaha kooxdani uu yahay in ay khilaaf ka dhex abuuraan wasiirka koowaad & madaxweynaha qaranka. Si taasi haddaba ugu suurtagasho waa in ay culays kasta saaraan wasiirka koowaad.

    Gunaanadkii, shirkii baa soo dhowaaday; marka, waxaa durba bilaabmay dhagaxtuurkii & qashqashaaddii ay kooxdani caanka ku ahayd si loo khalkhal geliyo habsami u socodka & jadwalka doorashoodhinka. Waxa ayna ku qanci karaan labadan qodob ee hoose:

    Tan koowaad, waa in la isku dayaa (waddo kastaba haloo mara e) in Rooble & Farmaajo khilaaf la kala dhexdhigo. Waxa ay istuseen ama Geelle & Uhuru ay u soo waarideen in dantoodu ay ku jidho kala irdhaynta madaxweynaha & ra’iisal wasaarihiisa.

    Tan labaadna, waa in haddii ay tan koowaad suurtagasho, ay madaxweynaha qaranka, H.E. Farmaajo, ku khasbaan in uu doorashada ka haro. Waa aragtida dad badan u muuqan kadha, oo aniguna aan qabo. Waayo dhaqamada kooxdan baa middaas laga dhex fahmi karaa.

  2. Rooble kulahaa. Kkkk

    Magaca la helow baan labyaabi jirey. Miskiin aanan miciyo wax qaniina laheyn weeye.

    Farmaajo inta uu weli Villada fadhiyo wax hagaagayaa ma jiraan. Wakhtigii uu kordhistey wuu u socdaa weli. Illaa iyo casilaad lagu khasbana Rooble goonidiisa far uma dhaqaajin karo.

    Rooble laheloow. He is no better than a puppet. His Master Farmaajo will forever pull his strings.

    Farmaajo waxa uu imika jooga meel wacan. Fartiisii haduu malabka ku dhuuqi kari waayay, waxa uu maanta heystaa ta Rooble oo inta jeer ee uu doono ku darsan karo.

  3. @@Hillaac,

    Sow tan maanta kaahoosbaxday ma aha? ‘His Excellency’ sida caadiga ah waa magac-astaameed oo aan Ra’iisal Wasaare loo adeegsanin. Miyaad durbaba kaboodday jaalkaa HE Maxamed C. Farmaajo? Maxaa isbeddelay?

    Nairobi iyo Ismaaciil Cumar Geelle labaduba shirarka dib-udhiska Soomaaliyada cusub ee teer iyo 1994 lagu gudajiray qayb weyn bay kasoo ahaayeen oo kaalin muhiima ahna way kagajireen – maxaa hadda wax qariib ah ama qaldan kayeelaya inay lug iyo gacanba kusii lahaadaan oo isbeddelay?

    Middeeda kale, kooxdani weedheedu waxay kadhigantahay tuuggii tuugga kale farta kufiiqay ee “waa tuug!” yiri. Giddigoodu way wada fashilmeen oo inay dalka dhinac udhafaan ayuu waajibku yahay.

    Doorashadan nacasta ah ee aad u ololeynaysana, waa mid aan hannaan rasmi ah ee dalka ka jira oo dadkiisana iskuxiraya salka kuhaynin; aan iskusi dalka ugadhici karin; berri-ka-maalinna xasarad iyo khilaafyo horleh curin doonta marka uu mid kasta oo ku guuldarreysta “daahfurnaanteeda” iyo “xalaalnimadeeda” hadal kakeeno oo iskuqabqabsigu faraha kabaxo.

  4. Waan idin salaamahayaa akhyaarta fikirkoora sida xorta ah u cabbirayda.

    Mr. Awlal, waad ku mahadsantahay sixitaankaaga, laakiin inta aan ka ogahay cinwaanka H.E. Waa loo adeegsadaa ra’iisal wasaaraha; arrinkaas dib ugu noqo, waayo wasiirka koowaad waa madaxa xukuumadda, halka uu madaxweynuhu ka yahay madaxa dawladda. Xitaa badhasaabada waa loo isticmaalaa iyo qaybo farabadan oo kale.

    Haddaan u soo noqdo, waa xaqiiq in hannaanka dawlad wanaagga aynu shalay iyo maantaba ka leexannay. Waa xaqiiq in aynaan dastuurkii ku heshiinin oo aynaan dhammaystirin. Waa xaqiiq in aynaanba heshiis ku ahayn hannaanka federaalka ee aynu qaadanayno. Waa xaqiiq in aynaan haynin hannaan GARSOOR oo madaxbannaan oo tayo leh oo ina kala saari kara. Waa xaqiiq in aynaan haynin gole baarlkamaan ama shacab oo madaxbannaan oo tayo leh oo la xisaab tami kara xukuumadda.

    Iyada oo ay haddaba intaasi jidho, oo shalay, doraad & maantaba laga gaabiyey; waxaa aniga ila habboon in aynu quruxsanno waxa aynu markaa haysanno si aynu u gaadhno halka aynu higsanayno.

    Tan Jabuuti & Kenya, dad badani waxa ay qabaan in sidii aynu ugu lisnay aysan siyaasiyiinta Jabuuti noogu hanbayn. Kenyana warkeedu waa cad yahay oo kuma rafanayo; nin ragina waa ogyahay nacasna loo sheegi maayo.

    Haddaanse Jabuuti daba dhigto, 1991 baa shir lagu qabtay (sida aan dheegtay) waxaana lagu soo magacaabay Cali-mahdi, iyada oo uu jiray khilaaf u baahnaa in marka hore la xalliyo. Khilaafkaas oo u dhaxeeyey qoladii MANIFESTO ee rayidka u badnayn & jabhadihii hubaysnaa, ee ay saddexda ururi horboodayeen. Waa Jees, Caydiid & Tuur, oo horay heshiis ugu gaaray MUSTAXIIL.

    Marka, siyaasiyiinta Jabuuti way ogaayeen kala qaybsanaanta meesha jidhay. Meeshii ay haddaba ka shaqayn lahaayeen in ay isu keenaan kooxihii is hayey bay dhinac soo dhiseen!! Haddaba, khaladkaas dhacay ee siyaasiyiinta Jabuuti bud-dhigga u ahaayeen waxa uu sababay in dagaal qaraari uu ka dhaco magaalada Muqdisha.

    Kii labaad ee Carta lagu qabtay ee muddada loo fadhiyey, waxa kaliya ee uu dhalay waa 4.5, oo illaa maanta la garan la’yahay sidii laysaga hor leexin lahaa. Marka aan sidaa leeyahay kama wado Jabuuti waxba nama tarin, laakiin illaa maanta HAGRASHO ayaa kujidha. Oo waata aynu maanta aragno sida uu Ismaaciil u dhaqmayo.

    Isku soo wada duub, wasiirka koowaad ee qaranka & madaxweynahiisu aad bay uga macquulsan yihiin kooxdan magacyada badan. Marka aan sidaa leeyahay, anigu madaxweyne Farmaajo taageere uma ihi, laakiin aragtidaydaan si xor ah u cabbirayaa.

    Tan ugu danbayda, waxaa habboon in aynu quruxsanno waxa foosha xun ee aynu hadda walaaqayno si aynu u gaadhno halka aan higsanayno, oo ah maamul wanaag kaamil ah.

  5. @@Hillaac,

    Adigaa mudan, waanna kuguraacsanahay inay akhyaarnimadu kujirto fikradaha iyo aragtiyada oo si xor iyo ilbaxnimo lagudheehay loodhiibto oo la isunaweydaarsado.

    Waa baab aan iskudayi doono inaan ayaamaha soosocda siiyara faaqido, aan jeclaan lahaana inay akhyaartu dhammaantood igala qaybqaadato, waana baabka aan jawaab arar ah halkaan kaasiinayo His Excellency Garaad Hillaac of the Shirshoore Dynasty.

    Sida caddaatayba, teer iyo qabtii Xamar iyo Koonfurba sixun ayaa loogu guuldarreystay inay qarannimo Soomaaliyeed dib ugasoo bilato, sababo dhowr ah aawadooda. Sababta gundhigga ah ee aad adiguba carrabbawday waa qaddiyaddii awrkacsiga ahayd ee “Iririye” loogu magacdarsaday, taasoo uu dabinkeedii Ismaaciil Cumar Geelle madaxmadax ugudhacay, waloow uu kaldambe garwaaqsaday oo iskafogeeyay.

    Sida ay dabaylaha siyaasadeed ee Soomaaliyeed haddeer isudibindaabinayaanse, waxay bayaan ugumuuqataa inay sidii ay isticmaarkii hortii ahayd dawladnimada Soomaaliyeed dib isugu biyoshubanayso. Waxaana weeye inay qarannimada Soomaaliyeed markale dib ugasoo curan doonto Woqooyiga (Bari iyo Galbeed) iyo Galbeedka (Kililka Shanaad). Halkaas ayaanna dooddan kasii ambaqaadi doonaa dowrarka xiga, Eebbe Idamkii.

  6. Anigu waxaan aaminsanahay inaanay Soomaaliya hagaageyn illaa hal arrin kaga funayo. Arrintaasoo ah in madaxweynayaha waqtigiisa lagu jaangooyo afar sano oo aan soolaabasho lahayn, dibna loo doorankarin.
    Haddii taasi dhacdo shaqsiga ladoortaa wuxuu iimaansan lahaa mudadaas kooban kursigana iskuma dhejiyeen sidii koollada.
    Taas waxaa dheer nidaamakan federaalku waa nidaam xal unoqonkara Soomaaliya haddii si fiican loo tarjumo lana qeexo nooca federaal aynnu qaadanay, waxaase ka horreeya in lahelo dadkii ka go’aan gaari lahaa.
    Muran kuma jiro in loobaahanyahay garsoor narjicah oo loo noqdo marka khilaaf yimaado. Waxaan ayadana muran kujirin inaan madaxweyne Soomaali ka suurto gelin inuu soomagacaabo garsoor dhexdhexaada oo isqabqabsiga xal unoqonkara, mid dantiisa fuliya maahee. Waxaan ku talinlahaa culimada Soomaaliyeed ee caanka ah toban kamida halaga dhigo garsoor loo noqdo, inay yeelayaan iyo inkale waa su’aal laysweydiin karo.
    Waxaa iyaduna xusid mudan inaan la qabankarin doorasho qof iyo cod ah illaa laga gudbo nidaamka 4.5 baarlamaankana lagu saleeyo deegaan.
    Tirakoob xadidaya deegaankasta inta kunool ayaa muhiimadiisa leh waa haddii wax la hagaajinayo.
    Kuwa talada dalka kuloolamaya waqtigan la joogo mucaarad iyo muxaafidba xalka qayb kama noqonkaraan, mana keeni karaan wanaag iyo talo fiicanoo lagu badhaadho maadama horay loo soo arkay waxay galaan iyo waxay gudaanba.
    Gorfeyn dabadeed, Soomaaliya xalbay u baahantahay si looga saaro mugdigan kala qoqobay mudada dheer.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*