Midowga Yurub oo fariin adag u diray Mucaaradka ciidamada Aruurinaya “Qofkii Doorasho raba hala shaqeeyo RW Rooble”

MUQDISHO(P-TIMES) – Midowga Yurub ayaa ugu yeeray dhammaan dhinacyad Siyaasadda ee Soomaaliya in ay kala shaqeeyan Raysawasaare Rooble hirgalinta doorasho wanaagsan iyo arrimaha siyaasadda, si loo gaaro horumar wanagsan oo ku wajahan tubta doorashooyinka ee dalka.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambasador Nicolas Berlanga ayaa sheegay in looga baahan yahay cid kasta oo doorashada doonayso in ay si hufan ula shaqeyso Raysalwasaaraha Xukuumadda Faderaalka.

“Kuwa doonaya in ay doorashada door fiican ka ciyaarayaan/qaataan waa in ay Raysalwasaare Rooble ku taageeraan shaqada muhiimka ah ee uu wado” ayuu yiri Ambasador.

Sidaas oo kale, wuxuu ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in kuwa doonaya in ay fowdo iyo dagaal abuuran ay ka shaqeynayaan jid aan sax aheyn.

“In Mogadishu Ciidamada laga saaro waa door muhiim ah hada, fowdo , Maleeshiyaad iyo kantrool la,aan maaha mid Soomaaliya caawinaysa” ayaa lagu yiri qoraalkan oo koobnaa.

Saacadihii lasoo dhaafay qaar kamid ah xildhibaano katirsan golaha Shacabka, kana mid ah Saaxiibada Madaxweyne hore oo soo xukumay Soomaaliya ayaa abaabulay maleeshiyaad qabaa’il, oo sida ay sheegeen ay ku doonayaan in ay awooda ku qabsadaan.

Dhawaaqa ka yimi Midowga Yurub, ayaa kusoo beegmaya xili Raysalwasaaraha Soomaaliya Max’ed Xuseen Rooble amray in looga baahan yahay in ciidamadu ay dib ugu laabtaan xeryahooda, laga dhex-saaro siyaasadda, uuna sheegay in uu magacaabayo guddi gaar ah oo ka shaqeynaya.

DAAWO: DF Soomaaliya oo dib usoo ceshatay Gaadiid dagaal & Askar shalay galab sheegay in ay ka goosteen

8 Comments

  1. WAA TII AAN HOREY U IRI SHAXDII QARNIGA NABAD IYO NOLOL WAA IN LOO HOGAAN SAMAA HADII KALE …….. KKKKKKK QAS WADE IYO DOORASHO DIID WAA LASOO QABAN KKKKKK waxaan maqli jiray ciyaal nimadii (Intee ka baxaa meel alle ) ee reer caano nuug meel aad ka baxdaan malahan ee ilaah u noqda dadkii dhinac karaac.waa talo walal.

  2. PUNTLANDER MAGACA HA NOOGA XAARIN.
    GUUL WAXAA NOOGU FILAN FARMAAJO QADARI OO QOORTA LA SOO QABTO OO LA KEENO SKOLE ISKOOLE POLICE.
    KKKKKK

  3. KKKKK FARMAAJO CIDII RABTAA VISA HA U QAADATO VILLA SOMALIA KKKKK NINKII DENI KADII CASHADA ROOBLE AYAY KU QASBANYIHIIN IN AY LA SHAQEEYAAN MUCAARADKA. KKKKKKK EE FADLAN “FARMAAJO IIGEEYA ” YAAN LA IDANKA MAQLIN KKK SHAXDAAN WAXAA LA YIRAAHDAA shaxdii nabad iyo nolol, iyada ayay ku gowracan yihiin mucaaradka midoobay. Kkkkkkkk
    Kkkkkkkkk
    Kkkkkkkkkkkkkkk🤣🤣🤣🤣🤣😂😂😂😂😂😜😜😜😜🤪🤪🤪🤪🤪

  4. Eu , warkeedu waxa uu dhigan yahay sidan. Rooble bacaac waa in aad taageero ka raadsataa dawladaha xubnaha ka ah Fedraalka ( madoobe & dani) iyo mucaaridka kale si cidamada maleeshiyaadka ah ee iska soo horjeeda loo xakameeyo.

  5. Madoobe & Dani, wali waxay taagan yihiin diidnay. waxay ogyihiin waxan Rooble baacaac wado in ay yihiin wax loo soo dhiibay aanay ahayn fikir uu isagu leeyahay wax gacanta ugu jiraana ay jirin markaa arinku waa jug jug halkaaga joog.

  6. Kķkkkk mr dollar qaate deni iyo aqli madoobe fariimahoodu waxay u muuqdaan mid laga soo qorey kenya iyo emarite ka 😄 ee Somalia somali baa leh.

    • Ee Doorasho diidow 20 may 2021 yaan la idinka weynin Muqdisho hadii kale………. kkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*