Puntland oo ku guuleysatay qabashada hub laga keenay dibada Soomaaliya.

BOOSAASO(P-TIMES) – Ciidamada Puntland ayaa qabtay hub fara badan oo ladoonayay in laga soo dajiyo xeebaha gobalka Sanaag, gaar ahaana agagaarka deegaanka Ceelaayo, waxaana hubkas la xaqiijiyey in laga keenay dhinaca dalka Yemen, sida ay tilmaamayaan macluumad soo gaaraya Warsidaha Puntlandtimes.

Saraakiisha Amnigu, waxay sheegeen in ay shaki ka qabaan in hubkaas loo waday kooxo kasoo horjeeda Amniga & Horumarka Puntland, haddana uu ku jiro gacanta ciidanka Amniga, oo ay ku wadaan baaris kala duwan oo ay cadeyn doonaan waxyaabaha uga soo baxa baaritaankan.

Puntland, waxay dagaal kula jirtaa kooxaha Argagixisada ee Daacish & Al- Shabaab oo labaduba kusugan buuraleyda gobalada Barri & Sanaag, waxayna xooga saraan sidii ay u geysan lahaayeen ficilo kasoo horjeeda Amniga & daganaanshaha mandiqada.

Maalmo ka hor ciidanka Mareykanka ee kusugan xeebaha Soomaaliya ayaa qabtay dooni hub ah oo la rumeysan yahay in aykusoo jeeday xeebaha Puntland, taas oo waday hub aan noociisa lagu isticmaalin Soomaaliya, oo ay ku jireen madaafiicda loogu talo-galay burburinta Taangiyada iyo hubka waa weyn ee aan oolin Soomaaliya.

Ilo Amni, waxay xaqiijinayaan in ay jiraan shabakado is biirsaday oo iskugu jira Soomaaliya, Yemen & Ajaaniib u dhalatay dalalka deriska la ah Soomaaliya oo doonaya in ay hub kala soo dagaan dhul xeebedka Badda dheer ee Soomaaliya, yoolkuna yahay in ay u gudbiyaan dalalka jaarka ah.

Iskaashi amni oo dhexmaray laamaha Amniga ee gobalka Geeska Afrika ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii looga hortagi lahaa kooxaha doonaya in ay dhibaateeyaan amniga guud ee gobalka, waxaana kooxaha Amniga kasoo horjeeda ay u muuqdaan kuwa iska kaashanaya sidii ay hub ku heli lahaayeen.

8 Comments

  1. SALAAMU CALEEKUM

    Maantay waxaan u duceenaa reer PUNTLAND:

    ” اللهم بارك أهل بونتلاند في ثمراتهم (فوح وبييو) ، وبارك لهم في مدنهم وبارك لهم في صاعيهم ، وبارك لهم في جميع
    مناطقه”.
    اللهم أني أستودعتك وطنهم وأهلها، أمنها وأمانها، ليلها ونهارها، أرضها وسماءها، وإسلامها . . . فأحفظ بوتلاند ربي من الطغاة وكل من يريد بها سوء . . . . ومن تعدا عليك وعلى رسولك . . . وأرنا فيهم عجائب قدرتك . . . . اللهم إنا نستودعك رجال وطن بونتلاند ونساءها وشبابها وأطفالها و أموالها يا من لا تضيع عنده الودائع” يا ودود يا ودود يا ذي العرش المجيد يا رب.
    اللهم آمنا في أوطان بونتلاند وأصلح أئمتهم وولاة أمورهم وأيد بالحق إمامهم (الملك سعيد دني ) وولي أمرهم وهيء لهم البطانة الصالحة التي تعينه على الخير.
    اللهم وفقهم وإخوانهم وأعوانه لما فيه خير البلاد والعباد يا ذا الجلال والإكرام.
    اللهم من أراد بلاهما وبلاد المسلمين بسوء فأشغله بنفسه ورد كيده في نحره وأجعل تدبيره تدميرا يا سميع الدعاء.
    اللهم إحفظ بونتلاند وبلاد المسلمين من شر الأشرار وكيد الفجار وشر طوارق الليل والنهار.
    اللهم إحفظ بلادهم من عبث العابثين وكيد الكائدين وعدوان المعتدين.

    PUNTLAND doqon kasta iska soo haweesanaysaa… Nacas aan aqoon baa PUNTLAND habaarayaa ama caynayaa…

    Laakeen waa u duceenaynaa… in ILAAAHEEY axfido oo tubta toosan ku hagaajiso..

    WALAAAHI GABAYGII KHALIIF SHEEKH MAXAMUUUD aan soo xasuustay:

    ** Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay,malab sidiisiiye
    ** Sidii miraha dhoocaan ka baxa, muudsay aadmiguye
    ** Nin waliba wuxuu mihindisaa, inu magawshaaye.
    ** Agoon maalki laga qaaday oo, meel kastaba jooga,
    ** Maraykaanta naagaha qaboo, madaxa loo saaray
    ** Oo mudanayaashii jeclaa, mooska laga yeeley.
    ** Dadku mowdka wasyka ogyahoo, Maalig baw qoraye,
    ** Meydkiyo raqdoodii miyaa, laga dul maansooday!
    ** Sidii wax aan Muslim ahayn miyaa, muxubbo loo laayey!
    ** Madfaciyo rasaastii miyaa, meel kastaba gaaray!
    ** Kulli miraha Daarood miyaa, keen isugu miirmay!
    ** Ma kuwaan Hartiga moodayaa, soo mashxaradaayay!
    ** Maangaab Dhulbahanta ah miyaa, nagu maraabeeyey!
    ** Margaguufyadii hore miyaa, muruqa noo tuujey!
    ** Muhanniga Ogaadeen miyow, mabay xumaanteenna!
    ** Warsangeliga maahee dadkii, mayna wada meershey
    ** Inkastay bahnimo muujiyeen, sooma mayl bixine
    ** Malkadaan ka sugayiyo ma iman, mowshinkaan rabaye;
    ** Hadday ficil maqiiqaan warmuhu, nama muquufeene
    ** Macag iyo Xadeed bay idaha, kaga maceeshaane
    ** Macna ineeyan noo tarin miyaa, meeshi ka caddaatay!

    War ABTIYAALOOOOOOOOOOW, hurdada ka kaca.. oo indhaha fura.. cadawgo waa badan yahay.. dir iyo daarood, qolo idin bixinaysaa ma jidho..

    Abtiyaasheey, inta ay faanka ku maqan yiheen, ayaa talada laga hoos bixinaa…

    ALLAAAAAAAAAAAAH YAXFADAKUM

    WA BILAAHI TAWFIIQ

    • Hadalkaagu waa sax maxaa yeelay Majeerteen ayaa kor ka ilaalinaya dhulka Warsangali iyo Dhulbahante 100%?

  2. Hubkaan Ethiopia ayuu u socday. Sirdoonka Ethiopia baa la socday kuna hagay in Puntland qabato. Waxyaabaha Dibiro loogu yeeray Addis bayna kamid tahay.

    • @ zode caaw adeer hooyaa akhlaaqda kaa ilowday afkaaguna waa uraya inangumeed inangumeed dhalay cuqdad u ildaran ayaad tahay. Puntland sirdoonkeeda ayaa ka horeeya kan geeska Africa oo dhan, inaad u quuri waydo libinta dad soomaaliyeed oo aad Amxaaro iyo Ethiopian la kadho waxay muujinaysa sida aad u tahay doofaar doofaar dhalay gun ah.

  3. Hubkii horey Soomaaliya u yaallay ayaa dhib noogu filan, waa maxay kan hadda la soo wadaa ma dhibkii hore dhib ku darsadaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*