Puntland oo lacag ku maalgelinaysa ururada siyaasaddda & Axmed Karaash oo u hanjabey.

Puntlandtimes (QARDHO)-Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in dowladdu ay $ 90, 000 doollar ay u qonddeyeen arurrada siyaasadeedyada Puntland.

Axmed Karaash ayaa waxa uu balanqaadkaan ku dhawaaqay xilli uu magaalada Qardho ka daah-furayey is diiwaan gellinta dadweynaha doorashada golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee nidaamka axsaabta badan.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in sagaalka urur siyaasadeed midkiiba la siin doono bishii $10, 000 doollar, si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda, si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo uu u noqdo mid guulaysta.

Dhanka kalena, madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in lacagtaasi ay ku dabageli doonaan ururada siyaasadeed si ay u dardargeliyaan shaqooyinka horyaala aysanna aqbali doonin urur siyaasadeed lacag qaata oo sii liciifaya ama aan wadin shaqooyinkii looga baahnaa.

11 Comments

  1. Waa guul iyo horumar wanaagsan, marba hadii laga gudbi doono doorasha baarlamaankii, qaabka darnaa ee lacagra lagu kala qaadan jirey.

  2. HIRAALKII SALDANAD SOOMAALIYEED EE REER PUNTLAND…

    Wuxuu curtay muddo aad ufogayd oo hiigsigeedana gundhig loogadhigay Suraab Soomaaliyeed oo mandiqaddeena ka yagleelma. Waxaa jira xaqiiqooyin dhab ah ee ay lagama maarmaan tahay in qummaati loodhaado si khuraafaad badan oo “xuduudaha” kusaabsan waxa ay yihiin loomuujiyo.

    Waa marka hore ee Suraabkii Soomaaliya loogu magacdaray hortii Puntland aqlabiyaddeedu waxay ahayd SANAAG; Sanaagna ilaa iyo Xaafuun ayay fidsanayd. Waxaa garbaha iskuhayay Nugaal oo ilaa Qardho teedsanaa iyo Sanaag. Sanaagna Saldanadii ugu qaddiimsanayd ee kabilatay waxay ahayd tii Warsangeli. Xududaha rasmi ahi kuwan bay ahaayeen oo qarniyo kasii horreeyay wixii beenbeenta ahaa ee ay farenjigu iska xarxarriiqdeen.

    Maadaama ay Soomaalida Woqooyiga iyo Galbeedka mandiqadda Soomaaliyeed (Woqooyi Bari, Woqooyi Galbeed, iyo Ogaadeeniya) toos ugatirsanaayeen isbahaysigii Saldanadihii facaweynaa ee Cadal iyo Ujuuraan, dabcan waxaa dhacday qiso cajiib ah ee ay Soomaalidu badankeedu weli ka jaahilsantahay.

    Kadib burburkii Khilaafadii Cuthmaaniga iyo Saldanadii Ujuuraan ayaa sanadkii 1919kii waxay reer Puntland aasaaseen hannaan federaali ah ee loogu magacdaray “Boqrtooyada Soomaaliyeed”, kaasoo nadaamyadii jajabka ahaa ee sooharay dallad qura qaab dawlad-wadaag ah uhoos keenay.

  3. Caasimaddeedu: Muqdisho.
    Suldaanka Guud: Suldaan Maxamuud Cali Shire
    Madaxweynaha Dawladda: Boqor Cismaan Maxaamuud
    Wasiirka Arrimaha Dibedda: Cabdullaahi Maxamed Faadil
    Wasiirka Dhaqaalaha: Maxamuud Geelle Yuusuf
    Wasiirka Amniga: Ismaaciil Cali Abokor

    Waxay Boqortooyadu lahayd lacag u gaar ahayd. Waxay lahayd oo kale ciidamo berriga iyo badda ah oo dhisnaa: shan maraakiibta dagaal (destroyers) ayay lahayd oo Jarmanka ka iibsatay. Hub iyo saanado casrisanaa iyana way lahayd. Waxayna xiriir caalami ah oo fiican lalahayd dunida inteeda kale ee aan ka ahayn affar nacab Soomaaliyeed ahaa oo welina ah: Ingiriiska; Fraansiiska; Talyaaniga, iyo Xabashida.

    Haddaba dadka ka jaahilsanoow, lafahma hiraalka qaddiyadda Soomaalinimo ee ay reer Puntland taariikh ahaan usoohalgamayeen teer iyo qarniyo hortood, garab iyo gacanna kusiiya. Nadaamyadii qalaad 60 sanadood ayay na anfaci waayeen oo walleysan Saldanad Soomaaliyeed oo sooyaalkeennaas saldhigatay dawladnimo iyo qarannimo inoogasokayn.

  4. Awlal

    Maanta maxaa ku dhacey hantaaticii aad soo fatahin jirtey kolka mawduuc doorasho khuseeya lasoo hadal qaadi?

    Ma diiwaangelin baroobeyn goobo xadidan ah oo Puntland ah ayaa ku bedeshay?

    Cisho dhoweyd Doorashooyinka Somaliland kusoo foolleh waxaad ka laheyd Doorashoo dhami wax jirta maaha oo xorba ma’ahan. Waa huuhaa iyo indho sarcaad. Dad baa jira awoodu ay gacantoodu ku jirto oo daaha dabadiisa wax ka haga.

    Maanta sowdiga fuqii waxaasi kasoo burqan jireen dhanka kale u jeedshay oo sheeko kale noogu eedaamay.kkkkk Tollow inyarna ka dhahoo maku leedahay in ay wax doorasho ku saansaanlihi Puntland meel ka mid ah ka dhaceyso? Kkkk

    Saaxiib ogaalkeyga Saldanadii Shirshoore ee awooda badneyn waxey ciidamadoodu ku qalabeysnaayee kaashado iyo qaanso iyo leebyo.

    Shanta Markab ee dagaal ee qalabeysan eed tidhi Germany baa laga soo iibsadey, imisa Warsangeli ah oo falaadho ku jibeysan ayaa ka howl geli jirey? Kkkkkk

  5. @@Shiine,

    Marar badan ayaan kuusheegay in marka aad cid wax kuraddinayso qodobka sooxigato ama naqliso, caddaymana sooqaadato. Masabbidaaddu mafiicna Shiinoow.

    Maqaalkaygan kore waxba “doorashada” nacasta ah ee la hadalhayo kama khuseeyaan; jumlad aan kusoo hadalqaadayna kumajirto (sooxigo haddii aad kahesho); isku baabna xataa ma aha.

    Haddii aad saska ka qaadday xuduudihii rasmiga ahaa ee isticmaarkii kahorreeyay ee aan sooxigtay waa danahaaga iyo hawlaha maraakiibta jaalle, waayo waa xaqiiqo jirta oo taariikhdana kusugan.

    Welina mowqifkayga ku aaddan “doorashadan” macasta ah waxba iskamabeddelin oo wax ay kusaleysantahay iyo macne ay sookordhinayso ayaanba jirin sidii aan horeba ugu nuuxnuuxsaday.

    Dal aan lahayn hannaan iyo qaddiyad kadhexeeya ee iskuguntaya doorasho rasmi ahi kamaqabsoomi karto sideedaba.

  6. Awlal

    Aar saaxiibow waxaa lagaaga baahan yahay inaad dhaliishaada ku saabsan mawduucyada qaarkood joogteyso. Kkkk

    Hadaad Doorashooyinka Somaliland kolka lasoo hadal qaado si ilbidhiqsi ah oonu dib u dhac ku jirin aad u deedafeyso adoo Doorashoo dhanba ganafka ku dhufanaya waa in aad si taas la mid ah hawada ugu solotaa ta Soomaaliya ama meel ka midh ah Soomaaliya ka dhaceyso. Iyadoon weliba daahid ama segsaag aanu ku jirin.

    Hadii kale waxa la arkayaa in barahaagu ay ka galiilyoodaan kolka Somaliland ta ka dhaceyso lasoo hadal qaado oo uu midabkooda doorsoomo. Yaan lagaa garan sxb. Kkkkkk

    Aniga tooshkeygu meelo badan buu iftiimiyaa. Qoodhyarada xitaa waxbuu ka ifiyaa. Kkkk

  7. Shiine, adiga ayaa ookiyaale calanka SNM kusuntan qoraallada ku dheeda ah ee anigu intii aan baabkan doorashada kafaalloonayay waxaan ugahadlayay heerka Soomaaliya oo idil. Dib ugunoqo oo qummaati usoo wada akhri adiga oo aan ookiyaalaha SNM geshanayn.

    Abidkay mid “Somaliland” ku gaar ah goonideeda wax ugamasheegin, caddaalad darradaasna igamasuurowdo. Bal ookiyaalaha SNM iskayar siib adiga ayaa arki doonee.

  8. Waxaa muuqata in Kaah looga guulaysan doono Qardho iyo Ufayn. Ma aqbali doonaan in wadanku nidaam axsaab ah ka hanaqaado mise caqligoodii liitay bay ku dhaqmi doonaan. Allah baanu ka barinay sidii wanaagsan.

  9. Ma Xuma Dimoqradayadaynta Maamul Beeleedyadu Inay Gaarto Deegaan Tuulo iyo Degmo, Balse Waxaan La Yaabay Axmed Karaash Deegaan Doorashadiisu Ma Qardho Baa?? ….Sidee buu Xildhibaan U Noqon doonaa Mise Isaxmabaarkii Beesha Waqooyi Ee Goonigasatada Ah Maamulkoodu Samayn Jiray Mid La Mid Ah Buu Samayn Doonaa?!! Xuddun Bay Ahayd Inuu Arrinta Ku Daah Furo!!…..

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*