Qaban qaabada shirka madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka bilaabatay.

Magalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaaray Wakiilo ka socda dowlad Goboleedyada, kuwaas oo  qaban qaabinaya shirka Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir la filayo in 20-ka Bishaan yeeshaan, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Guddiga ayaa shirkooda waxaa uu kaga hadleen u diyar garoowga shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka oo uu iclmaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow oo bartiisa twitter-ka ku shaaciyay Kulanka ay yeesheen gudiga qaban qaabada ayaa sheegay in uu socdo diyar garoowgii ugu dambeeyay ee qabsoomida shirka 20-ka May.

“ U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana  Gudiga qaban qaabada ee ka socda  Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen  Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  ayuu yiri” Macalimow.

10 Comments

  1. Waxaan halkan kabaafinayaa jaalkeen, Al-Ustaad A.Arar oo indhawaaleba madasha kamaqan. Waxaan urajeynayaa inuu nabad iyo caafimaad kusuganyahay oo uu dhowaan dib noogusoo laaban doono – Eebbe Idamkii.

    Waxaan hawada usoomarinayaa salaan gobeed iyo hambalyada Ciydul Fitriga; isaga iyo ehelladiisaba. Meeshu la’aantaa way dhaxmootay yaa Ustaad.

  2. Soo dhowaada oo heshiiya oo doorasho qabta. Haddii aad heshiin weydaan ceebtiina maahee waa caadadiina.

  3. Soomaalidu waa is dagaashay dabadeedna kala guurtay midkastana tuuladiisii xirmaystay, seere weyna ku xayndaabay si aan kuwa kale uga soogudbin. Ma xuma in qolawaliba deegaankeeda dhisto amnigiisana sugto, dhibtuse waa in lakala fogaaday welina laheshiin.
    Tusaale waxaa inoogu filan, waxaan hadda kor su’aalo weydiiyey dad u kala dhashay qabiilada Soomaaliyeed kuna kala sugan deegaano badan oo Soomaaliya ka midah. Waxaana ii soo baxday in qolawaliba wax tabanayso qabiilada kale, aaminsantahayna in laysugu tegay oo lawada laayey. Qaarbaa sheegaya in dawladii kacaanka qabiil ahaan u laysay; qaarbaa oranaya jabhadihii ayaa qabiil noo laayey; qaarkale waxay dhehayaan haddaaba nalagumaadaa. Taasi waxay kutusaysaa in weli loobaahanyahay dibuheshiisiin mugleh iyo iscafis saraaxa ah inta aan dawladnimo kaga wada hadlin, sababtuna waxay tahay inaan dawlad loodhanyahay dhismayn iyadoo aan laheshiin oo aan layscafin, hanti iyo deegaanna laysu celin.
    Ogaada Soomaaliyey inaanay suurtugal ahay in wax lawada yeesho ayadoo aan heshiis la ahayn. Oraah Soomaaliyeed baa tiri: laba heshiisaa wax wada yeesha. Maxaa diidaya inlays weydiiyo dibu heshiisiin loo dhanyahay intaan dawlad iyo doorasho laga hadlin.
    Anigu waxaan qabaa inayna isxaqireen dhulka ay kunoolyihiinna kala sheegteen beelaha Soomaaliyeed hadday heshiiyaan oo garramaan.
    Waxaa ii muuqda in dad isnacay oo aan heshiis ahayn wax wada dhista lagu khasbayo.

  4. @@Oday Biiqay,

    Inkasta oo aan jeclayn inaan meesha kubadbato ayaysan haddana kafursanaynin, sida marka uu ruux sidaada dadweynaha halkan kuxiran soo dhexdhigo oo arrin mise su’aal kulawadaago. Xadaarad la’aanta iyo dabeecad xumada ayay kamid tahay in qof binu-aadam ah oo dad hadal lawadaagay laga aamuso, Soomaaliduse waxba uma aragto.

    Dabcan, dhibtaas aad kadhawaajisay waa mid jirta oo cabaqada uguweyn ku ah inay Soomaalidu qarannimo dhab ah sosho oo saldhigato. Aniga oddorskaygu wuxuu iimuujiyay in dib-uheshiisiintii loobahnaa fursaddeedii billawgii horeba la dayacay markii hawshaas lagudagalay qabtii bacdigeeda (Soodare/Carta/ Mbagathi iwm).

    Maadaama lalasoodaahay, sida kaduwan oo isla hadafkaas loogaari karo waa in hannaanka federaaliga inta lagu adkeysto qummaati loodhaqangeliyo, si markaasi ay beeluhu intii hadba Maamul Midaleed isku oggol oo wada yagleelatay geyigooda udhistaan oo ismaamulkooda hooseena usugtaan in muddo ah; markaas kadibna dawlad qaran oo dallad ah la iskugu gacansaarto.

    Haddii qaabkaas lagu kalaxasilo oo tuhunka “isu-dawladeynta” iyo “isu-talinta” qabaliga ah meesha kabaxaan, dan bay si tartiib ah is-aaminaaddu iyo iskukalsoonaantu usoo noqon doonaan oo qaab dabiici ah “heshiisku” uhirgali doonaa.

  5. Anigu ninkaas odeyga ah ayaanu isku fikrad nahay. Horta waa su’aale ‘BIIQAY’ waa maxey? Aniga ereygaasi cay ama wax guracan ayuu iila egyahay.

    Hadaan arinta Soomaaliya kusoo laabto, dhowr goor oo hore ayaan kaga dhawaajiyay in dib u heshiisiin dhab ah loo baahan yahay. Arinta Federaalku waa ibtilo cusub oo meesha kusoo biirtey. Sidey u’egtahayna Reer Soomaaliya iskuma raacsana. Qabiilo aanan is rabin oo la’isku kabkabayo iyo degaano la’isku rarayo oo iyagiiba ama aano kala tirsanaya ama gurada weli iskula jiraa is raacintoodu waxey sii fogeyso mooyaane soo kordhin meyso. Waxaasoo dhana is aamin la’aanta ayaa keentay.

    Federaalka iyo 4.5 waa labadii fikradood ee ugu xumaa abid ee Reer Soomaaliya lagu soo dhex tuuro. Wadiiqo ka sokeysa oo xaaladan cakiran lagu furdaamin karo oon dib u heshiisiin dhab ah aheyni ma jirto. Kolka is aaminaadu soo noqoto ayaa laabuhuna isku furmi karaan.

    Ta kale ee soo raacdaana waa iyada oo Somaliland isku qorqorideeda laga dheeraado oo Reer Soomaaliya Dawladey Talyaaniga ka dhaxleen yabyabtaan oo dastuur ay isla ogol yihiin u sameystaan. Sameystaan Maxkamad Dastuuri ah oo khilaafkooda xalisa kolka ay is qabsadaanba. Waayo Somaliland 35 ilaa iyo 36 shir oo dib u heshiisiin ah ayay qabsatey. Heshiisyadaas oo lagu soo afjaray wax kala tabashadii iyo amnigiiba. Haa Wey jiraan woxoogey yaryar oo in la furdaamiyo u baahan, laakiinse waa la’iskaga iman oo la xalin. Waabana basiid. Arintaas Reer Soomaaliya Italianana ay weli na dabo wadaana lug ayay ku leedahay. Laakiinse khasaare iyo sii jiitan mooyee wax macaash ah oo ugu jira ayaaba iska yar. Sii jiitanku waa iyaga oo qaabkan xun ee kala lulashada ah uu kusii dabo dheeraado iyo Dastuurkooda oonan weligiis ansax noqoneyn. Khasaaruhuna waa iyagoo Dadka iyo Dawladaha Soomaaliya iyo Somaliland kala fogeeya oo xuduudo adag kala dhex dhigo.

    1. In 4.5, Federaal iyo Somaliland banaanka la’isla dhigo.

    2. In dib uheshiisiin dhab ah la sameeyo oo la’iska xanaf tiro wixii la’iska tirsanayo oo dhan.

    3. In Dastuur la’isku wada raacsan yahay iyo Maxkamdii Distooriga aheyd la sameysto.

    Xalku intaas ayuu Reer Soomaaliya ugu jiraa. Intase intaas yar la garan la’yahayse, waxba soo kordhi maayaan. Jugjug meeshaas joog, isla meereysi, kala fadhi, wada kuudud, waxaad doonto ku sheeg. Waa isla halkuu uun.

  6. Shiine,

    “Reer Soomaaliya…” Yaan laguguqoslin saaxiib ee kajoog! 4.5 gobollada Woqooyi Galbeedna kamid bay yihiin oo xisaabtaas bartanka ayay kagajiraan.

    Midda kale, beelaha Woqooyigu aanooyin ciiddaas kabadan makalatabanayaan miyaad noogusheekayn rabtaa? Inta ay Samaroonku, Ciisuhu, Gabooyuhu, Dhulbahantuhu, Gahayluhu, iyo Warsangeligu Isaaqa katabanayaan ayaan laqiyaasi karin, iyada oo aan inta ay Isaaqu dhexdooda kalatirsanayaan lasoogaarin!

    Mamooddaa inaad waddan rasmi u jira iyo bulsho Soomaalida kabaxsan oo nadiif ah kasohadlayso. We are all in this mess together, chinkie – North, South, East, and West.

    Dadka indhaha hakacarreyn Shiinoow, godkan Soomaalidu way kuwadadhacday oo xalkuna waa mid ay uwada baahantahay. “Reer Soomaaliya” kulahaa!

  7. @Axmed Shiine
    Biiqay waxay leedahay saddex micne oo kala ah: qof duqoobay oo da’ daraadeed yaraaday. Taas dadka qaar ayaa yiraahda da’ awgeed ayaa rifan iyo lisan ku dhacay (da’ buu la dhammaaday).
    Micnaha labaad waa fulay ama wuu biiqay (baqay) ama biiq. = fulay. Taas laftigeedu yaraan kama narna.
    Micnaha saddexaad waxaa weeye: qaabka diigu dugaagada ugu galmaado oo ah orgayn ama rimin. Xilli waxaa jirtay dhallinyaradu oranjirtay waan soo biiqay (waan u soo galmooday.
    Magaca Oday Biiqay wuxuu ku jiray qisadii caanka ahayd “Arraweelo ama Carraweelo” boqoradii soomaaliyeed ee ragga ciniinyaha ka dhufaani jirtay. Oday Biiqay wuxuu ahaa oday da’ ah oo dhallinyaradu meel ku xasaysteen si ay uga helaan talooyin. Markii dambena isagaa u sabab noqday in arraweelo laga takhaluso, arraweelana waxaa dilay wiil ay ayeeyo u ahayd oo la soo tashaday Oday Biiqay. Waxaa laga yaabaa inaad intaas micne ka bedelan u taqaan.

  8. Soomaalidii hore “oday biiqay@ waxay u bixin jireen qofka barta yar. Anigu ma baryari, laakiin waxaan magaca ka dhaxlay qisadii “carraweelo iyo Oday Biiqay”.
    Qisooyin waxaa jiray hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ku caan ahaan jiray sida: Carraweelo iyo Oday Biiqay; Dheg Dheer; Cigaal Shiidaad; Yoonis Tuug; Ina Xagaa Dheere; Amba Maan Doonto; Geeddi Shaanbow; Hakaba Yaallow Hilimo iinka Weel; Nasiib Buundo; Tuug iyo Libaax; Cali Duulduul; iyo kuwa kale oo badan. Qaar waa wax dhacay qaarna waa wax la sameeyey.

  9. Oday Biiqay

    Aad baad ugu mahadsan tahay macnahaas waafiga ah iyo sida aad nooga haqab tirtayba. Ereyga ‘biiqay’ anigu maba garaneyn hadaan runta sheego. Laakiinse dhadhankiisa uma bogin. Illaa iyo imikana kuma qanacsani waayo anoo yidhaa Odey Madhay ayaa xitaa dhaanta dhawaaqiisa. Waxaan Odeyada ku ladhnaa anagu, waayeel, da, gaboobey, duqoobey xitaa iskaga dar. Laakiinse Biiqey Maya.

    Waxaas oo sheekooyin ood soo taxdey sadexda aan garanayo ama wax ka maqlay waa Cigaal Shiidaal, Dhegdheer iyo Araweelo. Odeygse ‘da’da ama gaboobey’ ayaanse ku maqlay sheekada. Anigu waxaan ka mid ahay da’dii dagaalada sokeeye seejiyeen dugsiyadii hoose/Dhexe. Wax fursad ahna uma helin akhrinta buugaagtii ama sheekooyinkii caanka ahaa. Waaba hadey qornaayeene. Sheekooyinkaanu maqalno qaxootiyadii ayaanu iyagoo kala version version ah maqli jirney.

    Awgeedi Shaambowna beri dhoweyd ayaaban maqley qisadiisa oo waaban amakaagay. Waxaan rajeynayaa in taasi tahay mala’awaal iyo been ama uu jirey casrigii jaahiliyada eenu dadkeenu diinba heysan. Hadii kale, Walaweynta waxaa ugu badan Qabiilka Ow Geedi Shaambow ee weynaan garaneyn. Kkkkkk Istaaqfurillaah. Intaasi danbi ha’iigu ekaato maanta.

  10. Xagga waqooyi ee dalka Soomaaliya waxaa sida Geeddi Shaambow u dhaqmi jiray nin la oran jiray: Bucurbacayr. Koonfurta hoose waxaa jiray nin la oran jiray: Nasiib Buundo. Nimankaasi waxay jireen oo hoggaamiyaal ahaayeen xilli Soomaalidu diin la’aan ahayd. Waxaa nimankaas jebiyey culimadii dalka Soomaaliya diinta keentay. Bucurbacayr waxaa jebiyey sheekh yusuf alkownayn (awbarkhadle). Geeddi shaambow waxaa jebiyey sheekh aweys dheere. Basin buundo waxaa jeniyey sheekh murjaan.
    Casrigan cusub waxaa jira kuwa kale oo ayagii u eg. Qabqablayaashii dagaalka iyo kooxa kale oo diimeed oo iska soo horjeeda ayaa inoola dhaqmi gaaray sidaas si u eg. Waxaa meelaha qaar ka dhacay xilliyadaas Kufsi baahsan iyo inla khasbo gabdhaha yaryar oo aan weli qaangaarin. Waxay ahaayeen geeddi shaambowyo cusub marhadday dariiqii alle ka weecdeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*