Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi oo shuruud hordhigay Ra’iisul Wasaare Rooble & shirka arrimaha doorashooyinka.

Puntlandtimes (MUQDDISHO)-Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada deegaan doorashoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey dibu-dhacyada doorashooyinka dalka iyo maqnaanshaha kaalintii Somaliland iyagoona ku goodiyey inay ka tashan doonaan Soomaaliya haddii aan xuquuqdooda siyaasiga ah la siin.

Xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan raali ka ahayn heshiisyada lagu go’aaminayo doorashooyinka dalka oo ay ka maqan yihiin siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada waqooyi ee maamulka Somaliland ka arrimiyo.

Waxa ay sheegeen in heshiisyadii la gaarey ay dhammaan ka maqnaayeen reer Waqooyi ayna u dhexeeyeen dhinacyada kale ee Soomaalida loona baahan yahay in doorkooda uu ku matalo guddoomiyaha aqalka sare maamdaama Somaliland aysan xilligaan siyaasad ahaan diyaar u ahayn ka qaybgalka shirarka Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumaddii Khayre Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inay doonayaan in shirarka soo socda laga siiyo doorkooda, isagoona carabka ku adkeeyey inaysan diyaar u noqon doonin shir ay ka maqan yihiin siyaasiyiinta iyo xubnaha matala gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

13 Comments

  1. kkkkkkkkkkkk.. Xaarmaajo dhib weyn ayaa haysta.. 60 kursi oo Somaliland ayuu jeebka isaga ritay… halkaa soo dhig oo soo hunqaac ayaa lagu yidhi….kkkkkkkk

  2. Ibraahim.
    Adeer kuwaa ha nagu soo celin , halkooda ha joogaa.. Dube, jiho laawe. Somaliland uma baahna…kkkkkkkkkkk

  3. Xamar muufadiina isga cuna iska shaqaysata. waxay boobayaan la boooba. marka danbe cafis soo qorta.

  4. Waa yaabe, waa kuma siyaasiga Soomaaliyeed oo cid metelaa?
    Waxaan ogaa ayagoo jeebkooda metelee goormay is bedeleen?
    Siyaasigii ilmihiisa laga soo helo Soomaaliya malaha waa la oran karaa xataa gurugiisuu metelaa.

  5. Musuq maasuq waa meherad Sooomali. meeshan wax metelaad ah ma jirto, waa la shaqo tagay. Xeedhada gacanta geli waxaad qaadan karto kala soo bax.
    Kuraasida Somaliland waxay jeebka ugu jiraan Xaarmaajo isagaa soo qoraya magacyada. sidaa u fahma ciyaaaloow.

  6. Siyaasiyiintu waa isku mid,Somalia waa Somalia, gobolada waqooyi kuwa metala iyo kuwa kale waa isku mid Yey metalaan oo soo dirsaday?

  7. Siyaasintu isku mid ma aha , kuwa dadka ayaa toos u soo doorta sida Somaliland, kuwa kale waa kuwa Xamar ku murmaya Amisom karbaashto oo aan cidna metelin.

  8. Mubarik yusuf.
    WAR NAGA AAMUS XOOLO YAHOW SEDDEXDA XISBI EE MAAMUL GOBOLEEDKA SOOMALILAND WAXAA LEH HAL QABIIL, TEEDAKALE DOORASHADAN LA SHEEGAYO EE MAAMUL GOBOLEEDKA SOMALILAND MA AHA MID LOO DHAN YAHAY TUULOYINKA INEY SANDUUQYO LA TAGAAN AYEY DADKA REER BAADIYAHAY LACAG YAR U QEYBIYAAN WAA FAKE ELECTION

  9. بسم الله الرحمن الرحيم
    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته أما
    Waxa wax laga xishoodo ah wadan ay ku NOOLYIHIIN dad ku dhow afar milyan ay 10 nin inyay moqdisho tagaan ay yidhaahdaan waxaanu doonaynaa wixii loo igmaday Somaliland…waa ceeb Soomaalida ayaa ku maahmaahda nin hunguri qaaday waa nin seefi qaaday….Hunguri dheh….MOQDISHO waxaan dhibaato ahayn lama joogaan iyo lacag ay fadhiga ku qaataaan…..Waxa jirtay inay markii hore Dawladihii soo maray Soomaaliya ay oran jireen Somaliland waa ka QAYB laakiin arintaasi way fashilmatay 100% oo waxa ka socda Soomaaliya iyo shirarka is daba jooga ah marnaba laba soo hadel qaadin arinta Somaliland…Markaa Nimankan hadlaya badii ayaa soo tuftay ….Hargeisa waa ka wanted.
    Ramadaan kareem

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*