Taliska ciidanka DFS oo awaamiir cusub soo saaray kadib eedaymihii midowga musharixiinta.

Puntlandtimes (MUQDISHO)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay ku Ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga muwaadiniinta iyo hantidooda.

War kasoo baxay Taliyaha ayaa waxaa lagu booriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay si wanaagsan  ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, xilli ay jiran in  marraka qaar Ciidamada ay dhibaateeyaan Shacabka.

Amarkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa u muuqda mid la doonayo in meesha looga saaro eedeyn ku saabsan in Ciidamada dowladda loo adeegsadao Arrimo siyaasadeed.

Midowga Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya iyo inta badan Mucaaradka ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxda muddo xileedkooda uu dhamaaday inay Ciidamada kala qeybiyeen, sidoo kale ay u adeegsadaan dadka kasoo horjeeda siyaasadooda.

4 Comments

  1. SALAAMU CALEEKUM

    Habar dhali weyday, allaaho ku waalatay.. XIJAAROOW, HAWIYE waa soo jeesaday… Ku noqo LOndon iyo ciyaalkaaga… PUNTLAND waxba kuuma haayso.. SOOMAALILAND waxba kuuma haayso.. HAWIYE waxba kuuma haayso..

    You are the Patient Status and go and join with your family in exile.

    Markii run loo sheego, ay qayliyaan

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  2. @Suldaan Cali,
    Intaan suaashaada laga jawaabin miyaad garanaysaa waxaa Soomaali oo idil rabto oo horay loogu socon la’yahay.

  3. @BARWANI – HAWIYE WAX LA DHAHO OO WAX DIIDAYA MIYAA ARAGTAY MISE XASAN SHEIKH IYO INA CABDISHAKUURBAA HAWIYE U TAQAAN? MIDA KALE PUNTLAND IYO SOMALILAND WAA MA WAX JIRAA MISE WAA MAGACYO KOOXA MAFIA AH KU QARAABTAAN OO TPLF SAMAYSAY? WAXAY U EG TAHAY CAQLI CARUUR LAGU YIRI MAAMUL GOBOLEED AA LEEDAHAY EE DIFAACO. IT IS HOAX BRO. COME BACK TO REALITY

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*