XOG: Ciidankii gedoodka ka sameeyey muddo kororsiga oo kahor yimid awaamiir ka soo baxday madaxda DFS.

Puntlandtimes (MUQDISHO)-Ilo xogagaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa u xaqiijiyey Puntlandtimes in saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ka dhanka ah muddo kordhintii golaha shacabku dhowaan sameeyeen ay ka soo horjeedeen awaamiir ka soo baxday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuusan jiri doonin wax isbedel ah ayna ciidanka hoggaamin doonaan saraakiishii hore, iyadoona Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku amray dhammaan ciidanka dowladdu inay ku laabtaan fariisimadii ay ka soo laabteen taasi oo ay diidan yihiin ciidanka gedoodka sameeyey.

Kadib kulamo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho saraakiisha hoggaaminaysay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen inaysan suurtagal ahayn in ciidanka la hoosgeeyo saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii ay kula dagaalameen magaalada Muqdisho.

“Waxaa tan lagu ogaan karaa in Rooble uu beddelo taliyayaasha ku lugta lahaa dagaalka iyo in kale,” ayaa laga soo xigtay xubno ka tirsan saraakiisha oo shirka ku qeyb galay.

Saraakiisha qaar ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu amar ku bixiyey in baaritaan lagu sameeyo saraakiishii hoggaaminaysay gedoodka derejooyinkana laga qaado si lamid ahna la joojiyo mushaharkii billaha ahaa ee ay ciidankaasi qaadan jireen.

3 Comments

  1. Is af garanwaa is afgarad baa ka roon. Kala shaki is aamin baa ka dooroon. Is hor fadhi kala gurashaa dhaanta. Dagaal lama goodle dagaal shaanshiyeed baa ka fiican. Malaha qaar baan aqoon dagaal shaanshiyeedka iyo dagaal lama goodlaha. Dagaal lama goodle (laba go’le) waa kan lays laayo ee dhimashada, dhaawaca, ama barakaca keena. Dagaal shaanshiyeed waa kan laysu alaab tirsado; kii alaabtiisu hor dhammaato ayaa laga guulaystaa. Dhimasho, dhaawac iyo barakac midna malaha. Dagaal reer magaal iga dheh.

  2. Awoodda iyo madaxbannaanida Rooble waxaa lagu ogaan doonaa sida uu ka yeelo ciidammada Farmaajo afarta sano u dhisanayey inuu Soomaali ku cabburiyo. Afartaa sano wax kale oo uu qabtay majiraan oo aan ka ahayn inuu maleego keligitalisnimo. Miskiin! Maxamed Siyaad buu ismooday! War Maxamed Siyaad, keligtaliye ha ahaado, laakiin wuxuu ahaa nin waddani ah oo qab leh; oo aan u dabcin gaal cad iyo mid madow; oo wax badan qabtay intii uu sida wanaagsan u fakerayey; oo aftahan ah; oo kal cabsata aan aqoon; oo rag yaqaan.

    Taliyeyaasha Farmaajo waa in xilka laga qaadaa, kuwoodaa hawlgabka ahna la rukhseeyaa. Waa in Gorgor iyo Haramcad la kalafirdhiyaa oo lagu qasaa ciidamada kale ee joogaa degmooyinka iyo gobollada. Maleeshiyada Duufaan waa la kaladiraa sababtoo ah ciidan shirciyeysan ma aha ee maleeshiyo lagu soo uruuriyey ‘yaa maali jireyeey!’

    Haddii aan sidaa la yeelin, ciidanka mucaaradku Xamar iyo dhufeysyada kama baxayaan, shirar iyo wadahadalna dhicimayaan.

  3. Ini fargaajo waa inan layaal villa wardhiigley wuxuu ku jooga Saynab macalin qaarkeeda hoose, hadiise xaalku xumaado oo xabadi bilaabato kuma badbaadi doono Saynab Macalin ee waa la birayndoonaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*