XOG: Madaxda dowlad goboleedyada oo aan ka dhoofi karin Muqdisho & 3 arrin oo sabab u ah.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa weli ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, kadib heshiiskii arrimaha doorashada ee lagu gaarey magaalada Muqdisho.

\Madaxda dowlad goboleedyada ayaa waxa ay u joogaan Muqdisho dhamaystirka heshiiskii arrimaha doorashooyinka gaar ahaan fulinta qodobo gundhig u ah oo ay kamid ahaayeen gobolka Gedo, khilaafka guddiga doorashooyinka iyo kuraasta Somaliland.

1: Soo gudbinta xubnihii muranku ka taagnaa ee guddiga doorashooyinka oo loo qabtay muddo saddex cisho ah in loo soo gudbiyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

2: Dhissmaha guddiga dibu-heshiisiinta gobolka Gedo oo ay soo magacaabayaan dowlad goboleedyada dalku.

3: Iyo taabagelinta guddiga guud ee nabad gelyada doorashooyinka Soomaaliya ayaa ah qodobada horyaal madaxdii heshiiska saxiixay inta aysan ka duulin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, dibna ugu laaban caasimadaha dowlad goboleedyada dalka.

20 Comments

  1. Calaamadaha fajicisooyinka ee Soomaalida lagu arkay ayay kamid yihiin in dad:-

    (i) weli dib looheshiisiinayo ee aan isutallaabi karin haddana “doorasho-qaran” geli rabaan.

    (ii) haddii ay goob siyaasadeed kukulmaan diriraya oo in ciidan hubeysan lagu kala ilaaliyo ubaahaan “doorasho-qaran” geli rabaan.

    (iii) aan lahayn qaddiyad mideysan iyo hannaan qaran oo iswadaajinaya haddana la leeyahay “doorasho-qaran” ayay geli rabaan.

    (iv) uu dastuurku weli qabyo ka yahay la leeyahay “doorasho-qaran” ayay geli rabaan.

    (v) aan weli lahayn hay’ad qaran oo doorasho la leeyahay “doorasho-qaran” ayay geli rabaan.

    (vi) aan maxkamad dastuuri ah oo sugan lahayn oo haddana la leeyahay “doorasho-qaran” ayay geli rabaan.

    (vii) aanay dawladdooda guud iyo dawladahooda gaarka ah wax wadashaqeyn ah kadhexeynin oo haddana la leeyahay “doorasho-qaran” ayay geli rabaan.

    Bal waynu arki sida ay kudambeyn doonto.

  2. Waxaa kale oo aan maalinkii “heshiiska” la iclaaminayay khudbadaha kamaqlayay iyada oo Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir la islasimayay oo iskumar lasoo hadalqaadayay.

    Haddii Gobolka Banaadir mansab maamul goboleed ah lasiiyay, waxay taasu abuuraysaa qalalaase dastuuri ah maadaama ay kahorreeyeen gobollo kale oo sanado badan dalbanayay in maamullo loo aqoonsado oo haddana toos loo inkirayay.

    Dalkaas ay dawladnimadiisu “la jiifiyaana bannaan” kushaqeyso ayay noogu sheekeynayaan “doorasho” ayuu geli karaa; isdhaadhaafiskaa iyo qarddajeexnimadaa waa waxa la eeday oo halkaa inadhigay maanta.

  3. @ Awlal

    Aar duqii wuu isku dhex yaacay. Kkkk

    Sxb wax aad dooneyso iyo jiho aad u socoto cidina garan kari meyso. Kkk

    Wax walba ood tidhi laga soo bilaabo C/Qaasim wey soo taagnaayeen. Shan Maxaxweyne ayaa meesha iskaga dabo mary? Maanta maxaa soo kordhey oo uusan mid kale 4ta sano ee soosocda usoo xeydxeydan Karin?

    Ma Farmaajo ayaad rabtaa inuu sii joogo?

    Ma Banaadir baanad Maamul in loo aqoonsado la rabin?

    Mise Maakhirlantii hawada ka dhisneyd iyo Khaatumadii Ceeryaanta dhaafi weydey iyo Awdal Statekii Mareynka iyo Europe beri lagaga dhawaaqay ayaad rabtaa iney Gobolka Banaadir ka kasoo hormaraan?

    Sow dabcan maaha in Cashuurta Gobolka Banaadir iyaga lagu dhiso illeyn wey ka mudanyihiine?

    Tollow halkee xukuumadahooda ku meelgaadhka lagu sii heyn doonaa? Ma filooyin yaryar ayaa Vila Soomaaliya looga dhex dhisi doonaa?

    Ma Isimadii aad kunqarweysay ayaad rabtaa in Villada lagu guro oo Isimweynayaal iney noqdaan baad rabtaa?

    Oo sow Federaalku meesha ka bixi maayo? Oo sow hadana Federaalka ma rabtid?

    Maxaa laga yeelayaa Mustafe Martin? Ninkii sakhradu tusi jirtey meyti codeyneysa, Dabadeed isagoo inta dhimatay codkooda isku tashanaya marna Madaxweyne isku cumaamaday, kolkii uu heerfiican ka gaadheyna yidhi Xamarbaan iska soo sharaxayaa. Mr. Martin for Madaxweyne. Mudo Xileedkiisa soonka iyo salaadaba dadka wuu ka wuu kadeynayaa. Ilaa rooxaantuna wey u codeyneysaaye, ha’u deymo la’aanin.

    Malaha waxaas oo dhan Martin baa loo qaatey. Waayo isagu Aaarsta sanadoodoo cee uu xilka hayo , soonka iyo salaadaba shacabka masaakiinta ah wuu ka ddeynayaa.Cirkaa aayuu Reer oSomoaliyaudiridoonaa.Muqdishona shir dib u heshiineyd oo dhaba ayuu ka dhigayaa. Inta hawada lagu maqan yahayna Jifo walba wuxuu ka saxeexayaa heshiishka. Youtubekana wuu soo gelinayaa si beeshii khadka ka baxda ee iskiisadu wax masaxdo xusuus ugu noqoto.

    Yeah four years of ‘Kumbaya my lord, Kumbaya (lord being Mr. Martin).

    Kkkkkkkk

    Habeen walba uu Sharma Boy, CAAWANA MARKALE noo qaadi.

    Markalee markalee markale
    Martinoow caawna markale
    Markalee markalee markale
    Martinoow noogu celi markale
    Markalee markalee markale
    Markalee diidaa markale

    Fajacuu, waaluu, dawakhuu weeye waxaagu sxb.

  4. Shiine,

    Aan baan kuugunaxaa saaxiib, waayo labadeenna ninka uu iskudhexyaacu qoraalladiisa kamuuqdo waa un adiga.

    Bal hadda waxaas aad kuhadaaqday yaa afyaqaanna oo fasiri kara? Meeshan akhyaar baa daalacata ee garaadkooda meelkadhaca ka ilaali.

      • Qoraalkeygaas sare wax badan baad ka fahmi laheyd hadaad tahay qof la socda waxa sanad iyo badhkii u danbeeyay geyigeena ka socday. Siyaasad iyo budhuubadhaaba.

  5. @Awlal

    Sxb adaan kuu naxayaa anigu. Waayo waxaagu waa xeydha jecli, beerka jecli. Hada mayee labadaba waan necebahay. Hadana mala mid baan jecelahay oo midbaan necebahay ama vise versa.

    Doorasho waad rabtaa hadana ma garaneysid noocii laga dhigi lahaa. Dimuquraadiyada casriga ahi waa faasid. Isimadii inagu cesha. Maantase lagu noqon kari maayo oo xaaladeedii lama joogo. Bal heshiiya oo Doorasho uun noo qabta. Hadana waxaad ka dabo keeneysaa maxaa doorasho noocey doontoba ha ahaatee la qabtaa dib u heshiisiin dhab ahba lama qabane. Maxkamad Dastuuri ahi ma jirto. Xitaa Dastuurkaa qabyo ah. Aar saaxiiboow adaa kun wax is dhex yaacinaya.

    Ta’ugu qosolka badani waa Banaadir iyo Maamul Gobileedyadii kale ayaa magacooda isku mar lagu dhawaaqay. Taasina waxey keeneysaa khalkhal Dastuureed. Kkkkk

    Oo sow Banaadir shirka qeyb kamay aheyn oo heshiiskan wax kumay darsanin? Dastuurkuse waa kee dee? Soo ka aad leedahay oo waa qabyo maaha? Mase ogtahay Dastuurku inuu weligiis qabyo ahaanayo? Sababta uu ay Reer Soomaliya iyagu dabreen ma garaneysaa waxa ay tahay? Kkkk

    Saaxiib ama mabda meel loogu soo hagaago karo yeelo ama meesha ka fadhiiso waad dawakhdaye.

  6. Shiine,

    In lakala aragti iyo fikrado duwanaado waa wax caadi ah, dadka ilbaxda ahina isuguma dudaan ee way isku-qaddariyaan oo wixii ay doodo kuwadaagi karaanna kuwadaagaan.

    Maryooleyda un baa ruuxii waxa uu midkeedba aaminsanyahay ka-aragti iyo fikrad geddisnaada wax waalan, doqon, iyo cadoow u-aragta; xadaarad la’aanta ayaana kukalliftay.

  7. Shiine,

    Waxaad tiri: “Sababta uu ay Reer Soomaliya iyagu dabreen ma garaneysaa waxa ay tahay? Kkkk”.

    Saaxiib, adiguba “reer Soomaaliya” ayaad si rasmi ah utahay, haddana waxaad isuhaysataa inaad ahayn oo aad dal aan dunidaba kajirin muwaaddin ka-tahay (“Somaliland”); sida aan hubona dadku aad ayay arrinkaas yaabka leh uguqoslaan, adiguna waadba islasii qummantahay!

    Mabda’ayga haddii aad weli kajaahilsantahay waan kaxumahay, waayo waa hore ayaan caddeeyay – cid igunacday iyo cidkaleba. Anigu cilmaani ma ahi oo Rabbigay baan ka-magangalay, qaddiyaddaydu waa Khilaafada Islaamiga oo markale mandiqadda Soomaaliyeed iyo Caalamka Islaamkaba lagasoonooleeyo oo lagana dhaqangaliyo.

    Dayuus ayay diintu kutilmaantay cidda inta sooyaalkeeda liidda cid kale keeda heeryadiisa iskurarta; aadmiguna doqon ahbal ah ayay uyaqaaniin. The choice is yours which camp you belong; mine is crystal clear.

  8. Awlal

    Sowdigaas sidaadii xanaaqay ee caytamay maaha. Carabigiina Dayuus ayaad iigu yeedhay. Soomalihiina doqon abhal ah. Kkkkkk

    Si dadban iyo toosbaa caydaas anigu waxba uma arko waayo meel daloosha oo ay iga gadleysaa ma jirto. Kkkkkk

    Hadaan qadiyadaada kusoo noqdo ama noqnoqdo. Shareecada Islaamku waa ta ugu wanaagsan ee la’isku shaqo. Cid taas diidi kartaa ma jirto. Laakiinse labo goorba xaqiiqada waad ka boodsan tahay. Dunida Islaamka inta ku dhaqantaa waa faro ku tiris. Mid sidey tahay ugu dhaqmana soo heli meysid. Sucuudiga oo ah bartii Xaramku ku yaalay oo tidhaahda waanu ku dhaqanaa, musuqmaasuqa iyo nijaasnimada ka socota sankaad ka qabsaneysaa. Waa ta labaade Soomaali beynu nahay, kolka laga soo tago waxa gaaladu nala jeceshahay, waxay leenahay kooxo badan oo hadaan lakala xadeyn xitaa masaajidada ku heshiin Karin. Taasoo dhaqankeenii guracnaa inoo dheeryahay. Xaqiiqada jirta ayaa ah inaanay taasi kasuurtoobi karin jiilalka imika jira. Wakhti dheer, wacyi gelin, manhaj mid ah iyo shaqo badanaa kasoo sokeysa. Tan Isimadu wax soo xulanayaana weligeed dhici meyso. Wey suushaybaanan laheyn, beri hore ayay dabargo’dey. Extinct never to return.

    Su’aasha imika taagan waxa weeye, sidee imika wax loo xaliyaa? Teynu hiigsaneynaa wey fogtahay oo shaqey u baahan tahay tan imika inagu taagan sideynu uga gudubnaa?

    Hadaba anigu adaan kuu daynaa waxa ama Carabi ama Soomaali loogu qofka shaqo hada u taala inuu qabto ka doorbida inuu ka shaqeeyo mid tobonaan sanadood dabadeed malaha suurtoobi karta?

  9. Shiine,

    – “Sowdigaas sidaadii xanaaqay ee caytamay maaha. Carabigiina Dayuus ayaad iigu yeedhay. Soomalihiina doqon abhal ah. Kkkkkk”: Xaasha! Adba waad ogtahay in aanan anigu dadka caay uquurin ee waad isyeelyeelaysaa saaxiib, dooddana inaad kagagalgalato sidaadii ayaad rabtaa. Ereyadaas si cumuuman ah ee aan caay loolaqasdiyin ayaa doodaha maskaxeed loogu adeegsadaa; haddii kale waxaad ulajeeddaa inay diintuba “caaytantay” marka ay tilmaamahaas iyo kuwo lamida adeegsatay.

    – “Shareecada Islaamku waa ta ugu wanaagsan ee la’isku shaqo. Cid taas diidi kartaa ma jirto…Laakiinse…”: “Laakiintu” meesha maba soogalayso saaxiib, halkaas ayaadna iskukashiftay waayo inaysan daacad kaa ahayn amase aad labac-labac tahay ayaad umuuqatay.

    Waxaas oo qiil ahna waxaad ugusooxoqatay inaad Shareecada oo la iskuxumo kawarwareegto maadaama aad hannaanka kufriga ee ay xuduudaha gumeysiga aad qaddiyaddaada “Somaliland” kusaleysiisatay hoosta kajeceshahay oo una xaglineyso. “Laakiin”-taasu qummaati ayay dooddaada utoogatay Shiinoow. Wax walba oo dunida kasocda annaga waajibkeennu waxaa weeye inaynu halgan culus ugujirno sidii Hannaanka Islaamiga dib loogusoonooleyn lahaa oo la isugudhiqi lahaa. Haddii aad qiilal uraadsato, baabka munaafaqadda ayay xaajo kaagalaysaa oo halis kugu ah.

    Ogowna inaysan Diinta Islaamku Sacuudiga ahayn oo aysan Sacuudiguna Diinta Islaamka ahayn. Haddii ay Sacuudiyiintu wada gaaloobaan Diinta Islaamku waa siijiraysaa ilaa Qiyaamaha. Qiilasha jaban ee khatarta ah abidkaa aad ugataxaddar. Uguyaraan waa inay hiraalka iyo hiigsiga Khilaafadu dhimbil sideeda qalbigaaga kaagadhegantahay, haddii kale daacad ayaysan kaa ahayn.

  10. Runtii oo gingimanna waatan Shiinoow: majiro hannaan aan kan Islaamiga ahayn ee ay Soomaalidu iyo Muslimiintu abid kunegaan doonaan, sikasta oo ay nadaamyo kale dagaal-sokeeye kaga dabagabbadaan in muddo ah.

    Waxaysan abid haleeli doonin degganaanshaha dhabta iyo taamka ah ee walaalnimada, kalgacalka, kaladambeynta, is-xaqdhowrka, isuturidda, isuhuridda, midnimada, iskuduubnida, iyo wadajirka runta ah ee uu Hannaanka Islaamigu kudugsiin lahaa haddii ay isaga iskudhaqaan.

  11. Awlal

    Sxb caydu waa cay ama cumaam ama fulaal. Kkkk Si cilmiyaysan ayaan kuu caayay, waa isla waan ku caayay uun. Findhicilku ma xun yahay iyo soo hadalqaadkiisa ayaaban munaasib aheyn. Caydana sidii la doonaba haloo dhigee, marba hadey meesha soo gasho, wey tirsoomaysaa. Sidaas ugalaam jeedin laga dabo keenaa waa marmarsiinyo. Dhiiqadana kaa saari meyso. Waayo maxayba ku timid weeye hadaaney ula jeedo jirin. Ha dagmin sxb dadku caamo ma wada aha’e. Waa Illaahay mahadiise, Alle ereyada inooma qadhiidhin. Ereyo kale oo munaasib ah ayay isticmaali karnaa.

  12. Dhanka kale, adigoo dhanwalba ka darsanaya aniga koone yar iguma riixi kartide ka joog. Diinteenuna wey ka Sharaf, Karaamo iyo Qadarin badan tahay wax dood lagu qurxisto.

    Adigu Qabyaalad caadi ah oo waadax ah oo Daaroodism ah ayaad wax ku goobtaa. Laakiinse kun erey oo shaaximan ayaad ku sakaashaa. Doofaar hadaad dhar iyo lips usoo mariso sow isla doofaarkii uun maaha? Hadaan ubax qudhmey cadar kusoo buufiyo sow ubaxii qudhmay uun maaha?

    Anigu Somaliland ayaan aaminsanahay, taasooy qolooyin badan ila wadaagaan. Soomaali inteeda kalena aanu Walaalo nahay. Wax walba oon xukunka ka aheyn wadaagi karno. Sax iyo khalad, kaad doonto ayaad igu eedeyn kartaa. Waan kuu qirayaa inaan Somaliland aaminsanahay. Intaanse kuu qurxiyo mayee Somaliland kama wado’e Soomaali baan ka wadaa ku odhanmaayo.

    Quraanka uu Illaahay noosoo dejiyayna ma diidana in hadaanan shareecada qumaati looga hor imaneyn in wax la isla ogol yahay lagu heshiin karo.

    Nabigeena suubanaa ee Maxamedba SCW qunyarqunyar ayuu dadka diinta uga dhaadhicinayay. Cidnaba kumuu khasbeyn oo qoorqabad diinta Islaamka kuma cabsiineyn.

    Waxba aniga ama u go ama ka go iyo ultimatum ha iila imanin. Illaahay iyo sidaan shakhsiyan u caabudo waa aniga iyo isaga dhexdayada. Qofwalbaana xilka saaran isaguunbaa kasoo bixi kara ama ku dhici kara.

    Waar walaalkaabaa kuu xigoo hadaanu waxwalba kugula heshiin karin, inta aad ku heshiin kartaan ee saxda ah ayaa lala qaataa. Dabadeedna waxa laa dhiraandhiriyaa, oo la hogo tusaaleeyaa oo aad loogu dadaalaa inta hadheyna in sida saxda ah lagu soo dabaalo. Soomaaliduna waa sidaas oo kale. Maanta hadii la yidhaahdo Shareecada sidey tahay ayaynu u qaadaneynaa hadadan, in badan oo ka mid ah ayaa kugu diideysa. Sababtey doonaanba ha u diideen. Ma jaahilbey ka yihiin oo diintaba ma garanayaan mise aamin baan jirin oo shaki badan ayay qabaan. Kolkaas ma waxaad odhaneysaa nagu kala kexeeya meesha mise waxaad falowgeeda geleysaa sidaad inta la isku waafiqi karona la qaadato, inta kale sidii la’iskugu fahmilahaa ka shaqeyso?

    Bal car wakaasi adoon xaqa ka boodeyn intaas aan diinta ka idhi haday wax diinta khilaafsan ku jiraan kasoo sheeg.

  13. Shiine,

    Ninyahow bal adiga un afkaaga/gacmahaaga ha iskukashifin; hadalka aad iguhaysato waakan ee daalaco:

    “Dayuus ayay diintu kutilmaantay cidda inta sooyaalkeeda liidda cid kale keeda heeryadiisa iskurarta; aadmiguna doqon ahbal ah ayay uyaqaaniin.”

    Marka aan siyaabaha kaladuwan ee hawraarta loodhigo jumladdaas kuugumacneeyo, wuxuu hadalku udhigmayaa hawraarta DADKA OO DHAN si CUMUUMAN ah ugahadla ee aan CID KHAAS AH loolaqasdin oo laguna ganin. Labadeenna waxaa nookala garnaqaysa kalmadda ‘CIDDA’ ee aan adeegsaday – taasoo macnawiyan aan qof gaar ah ahayn.

    Haddii aan ‘ADIGA’ mise magacaaga oran/qori lahaa dacwadaada waad igaga garheli lahayd, haddase meel ay hawraartaydu adiga si TOOS AH kuu abbaarayso majirto saaxiib oo dacwadaadu waa mid aan sal-iyo-raad toona lahayn. Way kuufiicnaan lahayd inaad qareennimada iyo gardhaha wax kasoobarato (caayna iga ma aha). Kuma aanan caayin ee doodda hakacararin.

  14. Shiinoow, haddii aad kusii adkeysato inaad hawraartaas caay adiga shakhsiyan kugusocota ka-aaminsantahay markaasi waxaad iskuqirtay inaad kamid tahay dadka ay tilmaamahaasu qabanayaan oo ah sababta aad ugahalcatay – afkaaga/gacmahaaga ha iskukashifin.

    Intaas kale ee aad la-damdamleysay jawaabtoodii oo gaaban waatan: haddii aynu muslimiin nahay, umabaahnin inaynu “heshiisyo” qabali ah galno waayo Hannaankeenna Islaamiga oo dheelitiran ayaynu haysannaa oo wax walba oo nolosheenna taabanaya noosii dhammaystiray oo noosii sallaxay.

    Iskumaheli karno inaynu qaab qabali ah udhaqanno oo islamarkaana muslimnimo sheeganno – taasu waa mustaxiil. Hannaanka Islaamigana, hadafkiisa guud ayaaba ah inuu ummadda SIKASTA UMIDEEYO oo DHANWALBANA KA-MIDEEYO. Majiraan wax aynu iskukhilaafi karno aslanba mar haddii aynu Hannaanka Islaamiga iskudhaqno – bataatan! Hannaankan la’aantiisa weeye waxa khilaafyada iyo colaadaha dhaliyay, isaga ayaana ah XALKA KAMADAMBEYSKA AH ee khilaafyada Soomaalida kadhexeeya.

    Adigu dib isulaxisaabtan oo waxaad isweyddiisa inay Islaamnimadaada waafaqsantahay inaad dad muslimiin ah oo dhalasho iyo dal wadaaga tafaraaruq iyo colaad qabali ah kadhex abuurto oo kadibna aad xal kadhigato nadaam kufri ah iyo xuduudihiisa xaaraanta ah ee awalkoodii horeba in ummaddan muslimka ah lagu kalafaquuqo loogutalagalay. Naftaada laxisaabtan illayn xisaabtan aakhiro way kusugaysaa ee.

  15. Wax aad arkeyso ood iska indho toreyso anigu khasab kaaga yeedhsiin kari maayo. Kolkaas taada ayaan kuu raacayaa. Yaanay ku arkin adoo beri Wadiiqo kale iyo wax kaloon loo joogin nagu afuufayay.

    • Qoraalkayga hoose iyo kaagan iskumar ayaynu hawada soogelinnay oo kaagan maan arkin. Yaa Salaam! War kheyr Alle hakusiiyo mar haddii aad xaqa iyo Islaamnimada lasafatay Shiinoow!

      May ahayn jawaab aan kaafilayay xaqiiqdii, waadna kumahadsantahay 100% saaxiib. Xaasha inaysan jirin oo jiri doonin “wax kale” oo kan kaduwan ee aan duulin doono. Adigaaba udhashay oo kasoojeeda geyiga Soomaaliyeed ee xadaaradda Islaamiga saldhigga usoo ahaa. Sooyaalkaaga kufaan oo kor iyo hoos u-muuji.

  16. Shiine,

    War oo koobani waakan. Hannaanka Islaamiga ah la’aantii weeye waxa muslimiinta darxumada, silaca, iyo saxariirta ay kuwada jiraan kusababay – dunida daafaheeda oo dhan oo aynu annaguna kujirno.

    Dagaalkii-sokeeye ee dalkeenna ciidda afka udaray waxaa sababay nadaamyada kufriga ah: ama kan Galbeediga ha-noqdo mise kan Shuuciyadda ha-noqdo ee. Hubkii aynu iskulaynnayna iyaga un baa sameeyay oo haddana naga iibiyay. Hubkoodii ayaynu nadaamyadoodii kufriga aawadooda annagu gamta iskaga-saarnay; haddana waxaa jira qaar aad adigu kamid tahay oo weli aaminsan in isla nadaamyadaas kufriga ah xuduudahooda aawadood intaynu isla hubkooda markale isu-urursanno nagta iskaga-dhigno.

    Anigu waalli iyo liidnimo taas kaxun abid maan arkin oo maan maqlin. Runtu waatan ee iga guddoonso: waxaynu si dhab ah oo kamadambeys ah uguxasili karnaa oo keliya annaga oo Hannaanka Islaamiga sideenii hore iskudhaqna. Majiraan wax kale oo aafaadkii dhacay qummaati umasixi kara oo islamarkaana naga bedbaadin kara- aslanba.

    Wayna sahlantahay inaynu mar qura hannaankan haybsanno haddii Islaamnimadu daacad nagatahay. “Laakiin” meesha masoogali karto sideedaba. Nadaam galeed iyo xuduudihiisa dhibaatan dhaliyay ayaynu haddana sii kulaalaynaa oo xal kadhex raadinaynaa waa….haddii aan istilxaadka kuhabboon adeegsadana sidaadii baad inaan “kucaayay” igu eedeyn doontaa – iska qiyaas macnaha aan ulajeedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*