XOG: Ra’iisul Wasaare Rooble oo safar ku tegi doona wadanka Kenya.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa socdaal aan la sii shaacin ku tegi doona magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya sida ay warbaahinta u sheegeen ilo xogagaal ah.

Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa waxa ay gaari doonaan magaalada Nairobi muddo kooban kadib markii ay labada dal ka heshiiyeen xiisaddii dibulumaasiyadeed kuna dhawaaqeen soo celinta xiriirkoodii oo in muddo ah laabnaa.

Xogta ay heshay Puntlandtimes ayaa waxa ay xusaysaa in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana lagu wadaa in safarkaan uu noqdo mid xal looga gaaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dal.

Weli lama shaacin taariikhda rasmiga ah ee safarka Rooble, waxaase loo badinayaa toddobaadkan gudihiis. Rooble iyo Kenyatta ayaa laba toddobaad kahor si kooban ugu kulmay Jabuuti, halkaasi oo ay uga wada qeyb galeen caleemo-saarkii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*