XOG: Wafti ka socda Qadar oo la kulmaya madaxda dowlad goboleedyada xilli PL & JL diideen inay Muqdisho aadaan.

Puntlandtimes (MUQDISHO)-Xilli ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kulamo kala duwan ka wadaan wafdiga ka socda Dowladda Qatar ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah inay la kulmaan qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa la kulmi doono Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle. Sidoo kale Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa isagana Maanta ka soo kicitimaya Baydhabo, si uu Ergeyga ula kulmo.

Wafdiga Qatar ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada kala hadli doona Arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya iyo caqabadaha weli hortaagan qabsoomideeda, iyagoona horay ula kulmay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, sida Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyeyaasha labada Aqal iyo Madaxweyne Farmaajo, inkastoo kulankaas la qariyay, iyo Midowga Musharixiinta.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay uga cudur daarteen inay Muqdisho ugu yimaadaan Wafdiga Qatar, isla markaana ay macquul tahay inay Wafdiga Watat tagaan Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

7 Comments

  1. Qatar waa DAWLAD yar oon masaaxaday ku fadhidaa ka badnayn 10,000 square kilometers xoogaa kaash ahna haysata, miyaanay marka cadayn in siyaasadii Somalia kusoo ururtay “jeebka gacanta geli” iyo yaa “Alle wax siiyay”, 30 sano oo hore baa SOOMAALI ka luntay lixdan kalena ku dar..

    Afarta jifood(dal) ee carbeed een dabka kala qaadan maxay MARYOOLEY ku biirin aan xasarad ka ahayn!!!

  2. Somali waan kadaalay nimanyahow, 40% dadka somalia dagan waa jaahiliin oo qabiil caabuda
    ,dadkas ayaa noo taliya, dadkaan dad is rabo ma ahanee mee wadan wadan naga dhigaan.
    ilaahey dad mabadalo ilaa ay isbadalaan.

  3. Qolo carabi u talisay oo kob caleen leh kasoo durdurisay NOO SHEEG?

    Ciraaq iyo Falastiinba ayagaa loo adeegsaday, hooyadii ka guure Aayadii uma nagaado!!!

    Carabi waa xin iyo xasarad dhexdooda ah kaliya, aqoon baana kuugu dhiman yaroowe..

  4. Qadar maslaxadeeday wadataa oo qolyaha ay is hayaana waxa ay u sheegayaan in as ay ka roon yihiin ciddii taageertana aanay cidla kaga tegeyn. Laakiin TV goodii afka dheeraa wuu ka gaabsaday.

  5. Qatar iyo Turki wax abaal ah ma taaraan wejina kama sameysan dowladaha iyo dadka Puntland iyo Jubbaland. Wax kasta oo ay Soomaali tareen waxay ku shubeen Xamar, si dadbanna wax ugama soo gaarin Puntland iyo Jubbaland. Intaa waxaa dheer inay naaxiyeen keligitaliye.

    Waxaan aamisanahay in aysan Qatar ka xin yarayn Imaaraatka oo aysan jeclayn Somalia oo soo noolaata oo cagaheeda ku istaagta. Waxaa tusaale kuugu filan inay maalgashatay badda Somalia ee Kenya doonayso inay boobto. Xitaa inta lagu kalabaxayo ayey sugiweyday, markii arrinka looga cabtayna waa is-dhegamarsiisay. Qatar waa dal aad u yar oo luuq ku jira;Iran oo xirta gacanka Hormuz ayaa neefqabatayn kara, sidaa awgeed marna raalli kama aha in Somalia nabad noqoto oo lasoo baxdo gaaska, kaas oo looga maarmi doono kan Qatar. Carab isku rati baa dhalay.

    Ugu dambeyn, Puntland iyo Jubbaland waa labada aag ee ugu istaraatijisan Somalia isla markaana lagu tuhunsan yahay inay ku jiraan kaydka batroolka iyo gaaska ugu badan dhulka Somalia. Haddii Turki iyo Qatar ay rajo waqtiga dheer ka qabaan Somalia, waa inay kasbadaan oo abaal toos ah gashadaan dalka iyo dadka labadaas degaan.

  6. XINKA CARABTA YUUSAN IDIN SAAMEYN PUNTLAND DONT WORY TELL THEM YOU’RE WELCOME TO COME TO PUNTLAND ANY PROJECT YOU WANT TO HELP IS OK. EMARATES SAME THING IF YOU CAN FUFIL THE BOSSASO PORT PROJECT WE HAVE CHINA 🇨🇳 AND TURKEY 🇹🇷 WE KNOW AND UNDERSTAND EMIRATES THEY’RE CHALLENGING DJIBOUTI 🇩🇯 TO BERBERA PORT AFTER LOSING DORALEH PORT TO CHINA 🇨🇳 . QATAR 🇶🇦 IS WELCOME TO PUNTLAND I REPEAT QATAR 🇶🇦 THEY ARE WELCOME TO PUNTLAND THE LAND OF PLENTY. LET THEM KNOW WE’RE THE INHERITANCE OF KINGDOMS, SULTANATES, ISIMS AND GARADS. ISLAM CAME HERE BEFORE MANY DISERT COUNTRIES. PLEASE REPEAT AND REMIND THEM WE DON’T NEED ANY PROBLEMS BETWEEN QATAR 🇶🇦 AND UNITED ARAB EMIRATES 🇦🇪 TO BRING HERE. SOMALIA 🇸🇴 IS ONE OF OLDEST MUSLIM NATIONS AND WE UNDERSTAND THE WORLD IS CHANGING AND WE’RE ON OUR OWN DESTINY OF REBUILDING OUR COUNTRY WE HAVE ENOUGH PROBLEMS TO SOLVE AND THESE REASONS WE DON’T NEED IT TO BE TRANSPORTED OTHER COUNTRIES “XIN” OR ISSUES SO WELCOME TO PUNTLAND. AND I HOPE JUBALAND DO THE SAME WE’RE ON OUR OWN DESTINY OF SOLVING PROBLEMS INTERNALLY AND WE CAN WORK TOGETHER WELCOME TO JUBALAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*