Beesha caalamka oo war ka soo saartay doorashadii Somaliland.

Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay doorashadii 31-kii May ka dhacday Somaliland, iyagoo sheegay in ay ka dhabeeyeen ballaan-qaadkii doorashooyinka, geeddi socodka ka qeybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

“Saaxiibada Caalamku waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Somaliland, xisbiyada siyaasadda, guddiga doorashooyinka qaran iyo hay’adaha kale ee dowladda sida wanaagsan ee ay u hirgaliyeen doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka iyo habsami u socodka doorashada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in saaxiibada caalamka ee Somaliland ay soo dhaweynayaan doorashada xubnaha beelaha la heybsooco ee loo doortay goleyaasha deeganka iyo wakiillada, laakiin ay ka xunyihiin hoos u dhaca matalaadda haweenka, iyagoo ku boorriyay maamulka iyo xisbiyada Somaliland inay xaqiijiyaan doorka haweenka ee doorashooyinka mustaqbalka.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheeegay in saaxiibada Somaliland ay ka go’antahay sii wadista wadashaqeyn wax ku ool ah oo la xiriirta xoojinta dimuqraadiyadda iyo taageerada doorashooyinka joogtada ah ee heerarka kala duwan ee wakhtigooda ku dhaca.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo saaray; Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom.

3 Comments

  1. Abaabah! Ar somaliwaqoyi hamoodina warkas inusyahayn run. Maaweelo Lee waaye. Waa lamid Lee kii loodirsey mucaaradka si ay kharburaad u sameenin.

    • Idinka gooryaan aad tihiin ku nool dhiigga Somalida, waxba soo saarin gobolkooda iyo caasimadooda Alshabaab iyo Kenya ku dheelaan, adiga taada ka shaqee inta xaasidnimo kaa hadlinayso walaalow, ninka tiisa daryeela baa qof kale talo siin kara.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*