Boqor Burhaan oo weerar ku qaaday xukuumadda Puntland kana horyimid tallaabo ay qaaday.

Puntlandtimes (Qardho)-Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah isimada Puntland ayaa  shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, ayaa si kulul uga hadlay xeerka joojinta gudniinka gabdhaha oo ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada Puntland.

Boqor Burhaan oo ka hadlayey khilaafka culimada iyo xukuumadda ee la xiriira xeerka gudniinka hablaha Puntland ayaa sheegay inay talaabadani tahay mid aan laga aamusi karin, dhaawacna u geysanaysa diinta islaamka, isla markaana cidna uga habaysan doonin wax walba oo khilaafaya diinta.

” Anagu mujtamaca iyo umadda wixii wanaageeda ah oo diinteeda ay ku badbaadi kadho, cidna uga haybaysan mayno diyaar baanu u nahay af iyo addinba inaanu kaga hornimaadno, mana aqbalayno “.

Dhanka kalena, Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray in xukuumada Puntland inaysan isku mashquulin wax aanan u suurtagalayn maadaama sharcigani lid ku yahay qanuunkii ilaahey, sida uu hadalka u dhigay.

” Waxaa laga hortagay oo waqti badan la geliyey gudniinkii fircowniga ahaa waxay ahayd arrin culimo iyo maamul iyo dowlado kuliba la iska kaashaday, in hadana loosoo gudbo sunigii iyo arrinkii ilaahey weyne ahaa iyo rasuulkiisa, waa wax aan soconayn. Waxaa idinka maamul ahaan wax idiinka soconaynna inaad wakhti badan ku lumisaan maaha…”

11 Comments

  1. SALAAMU CALEEKUM

    War boqorka war bixin qalad ah aa loo geeyey…

    BOQOR BURHAAN waa ixtiraamaynaa.. ee hal su’aal ha la weydiiyo:

    NEBI MOXAMED CSW meeqa uu dhalay gabdho… Gabdhahaas hadii la guday, waa raacaynaa.. Hadii aan la gudin, dee meelna diinta islaamka kama soo gasho..

    Bal waa kaase, hal xadiis ha keenaan?? ama hal aayad qur’aan.. Waxaan waxaa wata qolada la yiraahdo suufiyeen, oo diinta aan waxba ka aqoonin.

    Waa kaas, Boqorkiina weey naga qaldeen…

    Waxaan ku tallin lahaa, dawlada PUNTLAND ha qabato dood-cilmiyeed… Ninkii qiil haaystaa ee gudninka banaanka ha soo dhigo..

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  2. Dhibaatada aan had-iyo-jeer ka deyriyo waxan oo kale ayaa daliil u noqda. Waxay nagutahay ceeb iyo fadeexad inay issimadeenna guud iyo madaxdeenna siyaasadeed dadka hortooda isku khilaafaan. Hoggaan-siyaasadeedkeenna iyo hoggaan-dhaqameedkeenna wargudasho rasmi ah oo heer dawladeed ushaqeynaysa kamadhexeyso, aan ka ahayn mararka ay xiisado beeleed isugu gurmanayaan.

    Waagii aynu xadaaradda lahayn, culimadeenna iyo issimadeenna rasmiga ahaa ayaa talada masiiriga iyo hannaanka dawligaba majaraha uhayay oo Caalamka Islaamkana roogcas laguqaabili jiray. Waana sababta ay Puntlandnimadu weli isuqaban la’dahay maadaama aysan dawladnimadeennu ahayn mid soojireenkaas asliga ah saldhigatay sidii ay himiladu iyo hiigsigu ahaayeen sanadkii 1998.

    Waxaysan beelaheenna degelkeenan barakeysan kutoleysan dareensanayn wadalahaansho iyo lexojeclo ku-aaddan nidaam masiiri ah ee kadhexeeya, ay uwada udhanyihiin oo kuwada dhanyihiin sidii uu hiraalku ahaa sanadkaas 1998. Waxaana lagadheehan karaa Puntlandnimada markasta “Majeerteen” mise “Maxamuud Saleebaan” laguhiifayo maadaama uu qaladkaas istraatijiga ah dhacay oo lakala aaminbaxay.

    Waxaa degdeg loogubaahanyahay in dastuurka iyo dawladnimada Puntland dib loomuraajaceeyo oo sida ay tahayna wax dib loogusaxo.

  3. Aniga si weyn baan isugu dayey bal arrintaan Gudniinka-Fircooniga,waa Su’aal bal isweydiino maxaa magaca Gudniinka Fircooniga loogu bixiyey? Fircoon soow ma ahan Sheydaankii weynaa Mase waa Cid kale?
    Gudniinka Fircooniga ah in Gabadhaha lagu sameeyo Ma Aayad Qur’aan ah baa lagu sheegay Mase Xadiis? Wixii aan lagu sheegin ama lagu xusin Ayaad Qur’aan ah ama Xadiis ma Xaareymeyn karnaa Ama Dambi ma ka dhigi karnaa??
    Aniga Deni-Aaranjaan ma taageero haddii aan Awoodana Xabsi dheer baan u diri lahaa,laakiin Arrinta Gudniinka in la joojiyo waan ku raacsanahay 100% waayo Diinteena Suuban waa inaan haysannaa ku dhaqannaa, ku dhimannaa,marka Arrin Diinteena ah la tixraacayo waxaa laga raadiyaa Qur’aan ka kariimka ah iyo Xaddiisyada Culimada intooda badan isku raacsan yihiin,laakiin haddii wax Dhaqan ah Diin laga dhigto waa wax laga Qurux badan yahay, sidoo kalena waxaan Aaminsanahay iney wanaagsan tahay in Dhaqanka wanaagsan la haysto waayo dhaqanku waa wax muhiim u ah Bulshada, laakiin wax dhaqan ah in Diin loo nasbeeyo waa wax laga Qurux badan yahay.
    Waxaa jira wax dhaqan ah oo aan wanaagsaneyn,islamarkaana kaba soo horjeeda Horumarka Bulshada haddana dadku si xoog badan Amaba la oran karo waxaay ka dhigteen Caaqiido Ama Diin.
    Tusaale Gudniinka Fircooniga waa dhaqan ee ma ahan Diin,waxaa jira waddamo badan African ah oo aan Muslim aheyn haddana Ku dhaqma Gudniinka Fircooniga ah,xattaa haddii Ninku ka aado meel fog inuu Naagtiisa ama Xaaskiisa lagu sameeyo Toltolidda Fircooniga ah.
    Reer Hebel isma guursanno waa dhaqan, Gabadhaha Hanti ha laga Bixiyo marka la guursanayo waa dhaqan, in Wiilka marka uu dhasho lagu farxo,Gabadhana aan lagu farxin dadka qaarkiis waa dhaqan, Ninku inuusan Jikada Gelin waa dhaqan asagoo Feero weyn haddii Xaaskiisu jiran tahay waa in Qof kale oo Dumar ah Reerka caawisa loo raadiyo waa dhaqan, waxyaabahaas aan kor ku soo xusay waa dhaqan ee Diin ma ahan, islamarkaana waa dhaqan xun oo aan laheyn wax Faa’iido ah, iskaba daa Horumar.
    Sidaas awgeed waxaan leeyahay Dhaqan iyo Diinta yaan la isku qaldin,dhaqanka wanaagsan ha la haysto kuwa xunna ha la iska daayo.

  4. DHIBAATOOYINKA GUDNIINKA FIRCOONIGA❗
    Gudniinka Fircooniga ahi wa mid kamida dhibaatooyinka lagula kaco Hablaha marka ay yar yihiin,Hayadaha ay kamid yihiin WHO. UNICEF, UNFPA Waxay Gudniinkan ku qeexeen inu yahay Qaliin halis ah, oo lagu jarayo qaybo kamida ama dhamaan Xubinka taranka ee Gabdhaha yar-yar, sabao laxidhiidha dhaqan ama Caafimaad.
    Noocyada gudniinka Fircooniga ah:
    Gudniinka Fircooniga ah Waxa loo qaybiyaba Afar qaybood oo kala Duwan, marka loo eego qaybaha la jarayo
    Nooca 1aad waxa la jara qaybta uguso horeysa xubinka taranka ee Dumarka, uguna Dareenka badan ee kintirka/Clitoris.
    Nooca 2aad waxa la jara qayb kamida kintirka iyo Dubnaha sare ee xubinka taranka.
    Nooca 3aad waxa la jara kintirka, Dubunaha sare iyo kuwa hoose ee xubinka taranka.
    Nooca 4aad oo ad kan ugu halista badan waxa la jara dhamaan xubnaha Gudaha ee Xubinka taranka Dumarka.
    Type 1 – Mali, Nigeria, Burkina Faso and Senegal;
    Type 2 – Sudan and Burkina Faso
    Type 3 –IV Djibouti, Egypt, Gambia, Mali, Eritrea, Ethiopia, Somalia and Sudan.
    Daraasad ay samaysay Hayadda Caafimaadka Adduunka ee WHO Sanadkii 2011 ki waxay ku qiyaastay 100 ila 140 million Dumar ah, oo kunool wadamo kala duwan oo caalamka ah ay la noolyihiin dhibaatoyin kaso gaadhay Gudniinka Fircooniga ah.
    Qaaradda Africa oo ah meesha ugu badan ee lagu sameeyo Gudniinkan waxa lagu qiyaasa 92 million oo Dumar ah in lagu sameeyay Gudniinkan, Da`doduna lagu qiyaasay 10-5 sano iyo wixi kasareeya, taso kadhigan in Daqiiqad kasta la Gudo qiyaas ahan Afar Hablood!
    Badana Gudniinkan waxa sameeya Dumarka loo yaqaan umulis-Dhaqameedka, kuwaso Da` ahan badana kasareya 60 sano, araga indhahoodu anu sax ahayn, isticmaalana Qalab aan nadiif ahay, Gudbinkarana Xanuunada lagu kala qaado Qalabka aan nadiifka ahayn sida AIDS ka iyo kuwo kale oo halis ah.
    Badana waxa Gudniinkan lagu sameeya hablaha yar-yar ee Da`doodu u dhaxayso 4 jir ila 14 sano jir. Ujeedooyinka lo sameeyo Gudniinkani way fara badanyihiin waxan kamid ah
    Sababo la xidhiidha dhaqanka Bulshada, Qabaa`ilada ama bulshooyinka qaar aya dhaqan ahan aaminsan Gudniinkani yahay dhaqan so jireen ah.
    Sababo la xidhiidha jinsiga ama dheddignimada inanta, iyago aaminsan in gabadha yari marka la xalaaleeyo ka gudbayso marxaladi caruurnimo, una Gudbayso marxalad inanimo, gudniinkuna cadeyn uyahay in ay ka gudubtay marlaxadii caruurnimada
    Sababo laxidhiidha Difaac, in Gudniinkani hoos u dhigayo hammadii inanta iyo baahidi galmo, kana badbaadinayo galmo kahoreysa xiliga guurka, ama uur, taso sharaf dhac ku ah reerka inanta.
    Sababo la xidhiidha kufsiga, in la qodbo inanta, si an loo kufsan , maadaama ay jiraan rag markasta ku dhiirada kufsiga dumarka.
    Sababo Nadaafadeed, in dadku Dhaqan ahaan aaminsan yihiin in Dumarka an la xalaalayn anay daahir ama nadiif ahayn, wana tan keenta in anay u diran hablaha inta an la xalaalyan waxyaabaha qaar sida biyaha iyo cuntada.
    Qaabkee loo sameeyaa gudniinka fircooniga ah:Marka hore inanta yar waxa goobta lagu keena hab khiyaano ah, lagana qariya in laguna wado halkii lagu xalaalayanayey. Marka goobta lageeyo Waxa markiiba isku qabta dhawr Dumar ah oo la shaqeeya islaanta wax xalaalaynaysa. Waxay si arxan darro ah u qab-qabtaan inanta yar, iyagoo dhulka ku xejinaya si aanay u dhaq-dhaqain madama oo an lasuuxin ama la kababyeyn inanta yar, taso sababta xanuun xad dhaaf ah, wayo waxa lajaraya xubinta jidhkeeda ugu dareenka badan,lagana yaabo in intaa ay dumarkaasi xooga ku qaqabayaan ay dhibaato kale so gaadho inanta yare ee la xalaalaynayo.
    Badana waxa loo isticmaala in lagu xalaaleeyo hablaha yar-yar Qalab aan Nadiif ahayn, oo ay kamid yihiin Mindiyo, makiinado, xadhko, Qodax, Dhagxaan, looxaan, iyo irbadaha dharka, kaso midba shaqo gaar ah u qabto, lagana yaabo inay iyaduba (Umuliso Dhaqameedka) ay waalidkeed ka dhaxashay Qalabka an Nadiifta ahayn, ee Gudbinkara xanuuno badan.
    Dhibaatada ka dhalata Gudniinka fircooniga ah wa mid Dumarka ku lamaan inta ay noolyihiin, waxana loo ka qaybiya saddex Qaybood oo kala Ah.
    1) dhibaato dhanka Maskaxda ah (Pychological impact).
    2) mid Bulsho (social impact)
    3) Mid caafimaad (Health impact).
    Dhibaatada Maskaxeed ee gudniinka Fircooniga:
    waxa xaqiiq ah in badana hablaha lagu keeno Goobta Gudniinka hab Khiyaamo ah, loona sheego in meelo kale la geynayo, balse ay kawarhesho un iyado afka lagaso galiyay islaan mindiyo sidata, oo u diyaar ah inay jidhkeeda jar-jarto iyado an inticmaalin Dawooyinka wax lagu suuxinayo, waxana halka ka bilaabma dhibaatooyinka maskaxeed. Waxa markiiba hooyadeed ku wareejinaysa Dumar xoog weyn u qab-qabta islaanta kuwaso xoog iyo jujuub ku haynaya inta hawshu socoto, taso sababaysa inay cadaawad u qaado Hooyeed oo ah qofka Gacanta uso galiyay Dumarkan bila naxariista ah, sido kale waxa maskaxdeeda ku sawirmaya dhacdadii Xanuunka badneyd, waxana laga yaaba inay waligeed xasuusnaato, ama ay ka dhaxasho xanuuno ay sababan dhacdooyinka xanuunka badan ee Qofka somara.
    Dhibaatooyinka dhanka bulshada:
    Badana tani waxay timaada xilliga ay inantu hesho Caadada oo waxay dareenta xanuun badan, kaso sabab u noqda inay ka dhex maqnaato ma laga dhex waayo bulshadii ay la nooleyd sida Goobaha asxaabtu ku kulanto, Goobaha waxbarashada, ama shaqada, taso keenta in bulshada ay lanooshahay ku dacaayadeen sababta ay ku maqantahay, ama shaqooyinka loogaso eryo maqanaanshiyaha maalmahan. Waxase ta kasi daran markasta oo ay inantu Guur ku hamiso in raggu badana anay jecleyn hablaha Fircooniga ah, taso kunoqota dhibaato labaad oo ka qabsata bulshada dhexdeeda, caqabadna ku noqota mustaqbalkeeda.
    Dhibaatooyinka dhanka caafimaadka:
    Dhibaatoyinka Caafimad ee Gudniinka fircooniga ah aad ayay u badanyihiin badana waxa dhacda in inanta yari inta an Gudniinka lagu bilaabinba gasho xaalad cabsi iyo khal-khal ah, taso ku keenta inay Isdifaacdo, iskuna daydo inay ka baxsato Dumarka gacmaha yahay, taso sababi karta in ay jabto lafta kalxanta, lafaha gacmaha ama luguhu kala baxaan sababto la xidhiidha xoogga lagu xejinayo iyo rafashada ay rafanayso inanta yar. sido kale inay inbadan qayliso, dhidid badanina kabaxo taso ku keenta inay harraado, fuuqbaxdana wayo waxa ka baxaya dhidhid farabadan oo ah macdan jidhku u baahna, sido kale waxa ku yimaada Dhiigbax iyo Xanuun aad u daran, wayo waxa la jar-jaraya xubintii Jidhkeeda aadamka ugu dareenka badnayn, waliba iyado an lasuuxin. sido kale waxa dhacda in marka la xalaaleyo kadib laga ilaaliyo biyaha, laguna dhiiri geliyo inay kaadidada xajisato, si aanay boogta u damqin ayshiida kujirta kaadida, taso keeni karta in Kaadidu ku ceshoonto, Caabuq ku yimaada kaadi-mareenka, Caabuq ka kudhaca goobta la qodbay, Kelyaha ama kaba dhasha Qalabka wax lagu xalaalaynayo ee an Nadiifta ahayn. Sido kale wuxu dhaawac so gaadhikara xubnaha kale ee taranka inanta, sababo la xidhiidha Da`da ama indhaha Islaanta wax xalaalaynaysa oo an taam ahayn, ama jaraysa, Qodbaysa xubin an ahayn tii saxda ahayn. waxa kaloo ay dhibaato iyo xanuun aad u daran Dareenta xilliga Caadada, wayo waxa la qodbay marinkii qul-qulka Dhiiga Caadada, taso ku sababi karta xanuun, waxa kalo dhibaato timaada xilliga Guurka, ama xilliga uurka wayo waxa laga yaba in Qodobadi oo wada furmin uuraysato inanta, taso xilliga foosha ku keenikarta in fooshu raagto, ama isuku-furan(Fistula).

  5. Layskuma hayo in gudniinku yahay dhaqan ee uusan ahayn diin. Laakiin Ma jidho Cid baaritaan ku sameysey Dhibaatooyinka laga sheego gudniinka. Badanaa waxaa meelaha ka qayliya dumar iyo haayado ku awr kacsanaya Ka hadalka gudniinka ayagoo haysan wax daliil ah aan ahayn habka wax loo gudo oo runtii gabdhu kala kulmaan xanun saaid ah wayo waxaa saminkaan lumay aqoontii iyo daawo dhaqaneedkii waayihii hore la isticmaali jirey oo ahaayd runtii farsamo cilmiyeed aad u sareysey oo gabdhaha iyo wiilasha la gudo ku buskoon jireen maalmo kooban. Tan kale sida hada wax loo gudo looma gudi jirin oo xubnaha dareemayaasha hablaha lama xaluufi jirin. Markii aqoontu iyo dhaqanku lumo waxaa dhaca dhibaatoonyin aan xaal loo heli karin.

  6. Subax wanagsan dhamaan somaliyey iyo meel walba.
    Gudniinka GABDHAHA Diiniyan iyo Cilmiyan wax badan baa laga qoray siiba:
    1. In Diinteena xaqqa ah beyaan quraaniya och mid axadiis ah toona lo daliilin, saan fahmay.
    2- Culimada Cafimaadka cilmiyan iyo itaabsi waxay qeexeen dhibta dhaw iyo tan dheer ee GABADHA la gudayo la dersaysa. Tusaale:
    Imisa dhiig bax u dhimata? Imisa infektion u dhimata? Imisa dhib iyo dhimasho so gaarta wakhtiga foosha? Qaar baa qalniin gala foosha kaddib.
    Imisa dhib la kulanta habeenka aroskooda?
    Gudniinka iyo Isimnimadu isma GALAAN! Eebe asaga na abuuray. Qayb kasta oo jirka ka mid ah dheefteeda nogu deeqay.
    Wa Bilaahi Tawfiq/
    D

  7. Maydaan fahmin gudniinka fircoonigu waa Khalad waana la isku raacay laakiin burhaan wuxuu ka hadlayaa gudniinka suniga ah pland xeer bey keentay lagu mamnuucayo gudniinka suniga intaa fahma ka bacdina ka faalooda

  8. Fadumo Omar

    Waa runtaa oo dhibaatooyinka aad soo tirisey iyo kuwo ka badan waay ku dhacaan dumarka la gudo. Xaqiiqdu waxay tahay in dhibtaasu khaas ku ahayn dumarka la gudo ee ay statistically la mid yihiin dumarka aan la gudin. Dunida aad iyo aad bay u korortay ilmaha ku dhalanaya Caesarean-ka. Dumarka ugu badan ee ilmaha lagu qalo oo dhibaatada kala kulma dhalmada ay yihiin dumarka aan dalalkooda laga isticmaalin gudniinka sida reer galbeedka.

    Uma doodayo gudniinka gabdhaha laakiin waxaan asminsanahay in gudninku noociisa fudud uu faido caafimaad u leeyahay hablaha si lamid ah sida uu gudninku faaiido ugu leeyahay wiilasha. Walaahu yaclamu. waxkasta xaqiiqdeeda Allah ayaa og laakiin waxaa fiican in la ogaado Faaiidada iyo khasarada jidha si loo gaaro go’aan cimiyeysan oo dhaxlgal noqda.
    Dhawaaqa ka yeeraya Social activistuhu ma ah cilmi baaarid lagu tashan karo.

  9. Genital mutilations:

    Gudniin fircooniga (genital mutilations) loo yaqaan waa xadgudub gabdhaha loo geysto oo aan wax qiila loo haysan. Aqoonyahanada diimeed iyo aqoonyahanada caafimaad waxay isku raaceen inuusan wax qiila haysan gudniinkani. In la joojiyaana waa tallaabo wanaagsan oo xagga saxda loo qaaday. Kuwa weli ku dheggan sida Burhaan oo kale waxaan u sheegaynaa inay xaqiiqda raadiyaan, inta qalin-duurre wax ka soo dhegadhegayn lahaayeen. Puntlandna waa ku ammaanaynaa tallaabadaas wax ku oolka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*