DAAWO-DFS oo kashiftay maamul goboleed aan weli soo gudbin bedelka xubnihii lagu celiyey ee guddiga doorashada.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ayaa faray in habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee ay soo magacaabeen dowlad-goboleedyadu, isaggoo ku baaqay in xubnaha harsan dhaqso loo soo gudbiyo.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ah Gudoomiyaha Guddiga ayaa sheegay inta badan ay soo gudbiyeen maamulada xubnaha guddiyada ee lagu badalaayo kuwii horay guddiga looga saaray, wuxuuna sheegay inuu jiro maamul aan weli soo gudbin xubnihii lagu soo celieyey.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Xaaladda amniga dalka iyadoo lagu dhageystay warbixinno ku saabsan Amniga dalka, Caabuqa Covid-19, Gurmadka Abaaraha & Fatahaadaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*