DAAWO-Laba nabadoon oo Garoowe aas ballaaran loogu sameeyey.

Qabuuraha Islaan Maxamed ee duleedka magaalada Garoowe ayaa saaka aroortii aas ballaaran loogu sameeyey AUN Nabadoon Abshir Caydiid Soo-dhakhsade iyo nabadoon Maxamed Diiriye Qoorad oo shalay iyo xalay ku geeriyoodey Garoowe.

Aaska laabda marxuum waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka barlamaanka Puntland, xubno katirsan golayaasha dowladda, isimo, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Garoowe.

Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo kamid ah isimadii ka qaybgalay aaska ayaa u duceeyey labada marxuum waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in qof walba diyaarsado sahaydiisa aakhrio.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*