DAAWO-Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee golaha wasiirada Puntland

Puntlandtimes (Garoowe)-Madaxweynaha dowladdda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey kulankii todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deegaanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo iyo saameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland.

Waxaa shirkan oo uu ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa Goluhu dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerka Gudniinka Gabdhaha iyo Xeerka Daroogada oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda Puntland.

Wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland ayaa Golaha Wasiirada uga mahad celisay ansixinta xeerka Gudniinka Gabdhaha, iyada oo Madaxweyne Deni uu Golaha ka codsaday inay daradr geliyaan howlahooda Shaqo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*