Dacwad ka dhan ah madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo loo gudbiyey xeer ilaaliyaha Qaranka.

Waxaa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed loo gudbiyey laba qoraalo kala duwan kuwaasoo ku saabsan qadiyadda askarta uu maamulka Farmaajo sida qarsoodiga ah tababarka ugu diray Eritrea.

Warqadda koowaad waxaa diray guddi ka kooban 10 xubnood oo la sheegay in ay iska soo dhex-xuleen waalidiinta askartaas oo da’doodu u dhaxeysay 18-jir illaa 25-sano jir ah – taasoo ka dhigan in ay badankoodu yihiin da’yar.

Dhanka kalena, qoraalka labaad waxaa gudbiyey ku-xigeenka labaad ee afhayeenka Aqalka Sare, Senator Abshir Axmed Bukhaari, kaasoo tibaaxay in waalidiinta ay u soo gudbiyeen warqadda isla markaana uu isagu ku hagaajiyey dacwad-oogaha guud ee dalka.

3 Comments

  1. OO DADKAAN DACWADA BEENTA AH KA GUDBINAAYO MADAXDA WADDANKA HADII CIYAAL KII LOO KEENO AMA LALA HADAL SIIYO WAALADIINTOODA SOO IYAGA DAMBIILAYAAL MA NOQONAYAAN OO BEENTII AY KU DACWOODEEN SOO LOOMA XIRI DOONA MUCAARADKA HADA DABADA KARIIXAAYANA LAXAGTA KU BIXINAAYA IN WAR BEEN AH KU BANAAN BAXAAN, GUD AYAAY KURIDAYAAN WAXNA UMA QABAN DOONAAN . EE DAD WAYNOO 30 SANO AYAA SI QABIIL LA IDIINKU ADEEGSANAYAY EE WAR SIYAASADEYSAN HADA YAAN LA IDIINKU ADEEGAN . OO XABSI HA KU MUTEYSANINA DACWAD BEENTA AAD GUDBINAYSAAN OO MUCAARADKA IDIIN SOI DHIIBAY. WAA IIGA TALO (INTA AADAN FALIN KAFIIRSO)

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*