DF Soomaaliya “Majirto ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay Gobalka Tigrey, Ma jiro ciidan dulfadhiya AXUM”

MUQDISHO(P-TIMES) – Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa kajwaabtay cabasho ay maanta direen qaar kamid ah Waalidiin Soomaaliyeed oo ka welwelsan bad-qabka wiilashooda oo kamid noqday ciidamo ay dawladda Soomaaliya tababar ugu dirtay dalka Eritrea oo deris la ah Itoobiya, ayna maalmihii u dambeeyey kasoo baxayeen macluumaad tilmaamaya in ay qeyb kanoqdeen Isku dhacyo hubeysan oo kadhacay gobalka Tigrey ee dalka Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abokor Dube ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidan Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdeen dagaalada gobalka Tigrey ka dhacay, wuxuu beeniyey wararka ku saabsan arrintaas oo uu sheegay in laga leeyahy ujeedooyin guracan.

Mr, Dube ayaa sheegay in ay ciidamadaas kusugan yihiin Xeryahoodii ciidan oo aysan jirin wararka sheegaya in ay kusugan yihiin magaalada AXUM ee dalka Itoobiya, isagoo kusifeeyey warar la doonayo in lagu dhibo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey kuwa kasoo horjeeda Horumarka laamaha Amniga & Dibu dhiska ciidanka in ay u adeegsanayaan ajendayaal siyasadeed, wuxuuna kusifeeyey kuwa ay tahay in aan warba laga dhageysan.

Dawladda Faderaalka ayey noqonaysa markii 2aad oo ay si rasmi ah u beenisay in ciidan Soomaaliyeed uu ka qeybgalay dagaaladii ka dhacay gobalka Tigrey ee dalka Itoobiya, waxaana mucaaradka Midowga Musharaxiinta qaar kamid ah ay aaminsan yihiin in ciidamo Soomaali ah ay qeyb kanoqdeen dagaalkaas.

Mucaaradka ayaa qorshaha ciidankan ka dhigay mid kamid ah kaararka siyaasadeed ee ay u adeegsadaan Madaxda dawladda Faderaalka ee ay isku hayaan arrimaha siyaasadda.

23 Comments

  1. DUBBI

    BEENLAAWEEEEEEEEEEEEE, BEENLAAWEEEEEEEEEEEEE, BEENLAAWEEEEEEEEEEEEE, BEENLAAWEEEEEEEEEEEEE, BEENLAAWEEEEEEEEEEEEE, BEENLAAWEEEEEEEEEEEEE,

    • Afhayeenka madaxa dowlada wuxuu akhriyaa waraaqda uu madaxweynuhu Farmaajo u dhiibay, dowlada ayaa been sheegaya, isaga maah.

      • Wasiir dube waa ninka keliya ee loo igmaday in uu ka jawaabo dacaayada raqiiska ah ee wareejinayaan mucaaradkii laga itaal roonaaday,
        farmaajo na kadhigay mucaaradka hadalkoodi dameer dhuusyo dhaqaaq oo isku qiima ma,ahan afka daboolan ee farmaajo iyo af been iyo xaarka ka socda ee mucaaradka dabadeedna XAALADOODA NOQOTAY isku badashay (NIN DAAD QAADAY XUMBO CUSKAY) MASAAKINTA MUCAARADKA WAXAY MACIIN BIDEEN (BEEN) EE BEENI RAAD MALAHEE MR DUBE WAXUU IDIN LEEYAHAY (HAATUU BURHAANAKUM IN KUNTUM SAADIQIIN) kkkkkkk

  2. Arrinta la hubo ayaa ah.
    1-In ciidanka uu tabar usoco.
    2-In hooyo ooynaysay aanay wiil ka maqnayn wiilna aysan bacdhalin
    3-In ciidan dagaalka Tigre gali karaa uusan ba jirin meesha.

    ILMIHII GEBRE AYAA DAYUUSKII XUKUMI JIRAY RAAFINAAYA GABRE WUU BAKHTIYAY.

    • Hadii Dillaal Dube run sheegaayo maxaa ciidanka tababarka ku maqan waalidiintooda ula soo hadliwaayeen?
      Waalidiinta waa in eey caruurtooda la hadli karaan.

  3. Xasan shiekh culusow
    Nonkii hore ee galada
    Usujuudi jiray
    Ayaa wali uqabo in
    Larabo waxaa uu dhacay
    Xasan sh maxamuud
    Lacagtii ciidamada kuwii
    Mucawimada canshurtii
    Dalka xasan waxaa uu
    Iskudayay dalka in uu
    1991 kucaliyo asagoo
    Qabiil huwan waxas
    Lah somaliland waa xor
    Jahiil aan xishon ayaad
    Tahay xasan

  4. Haddii aad ku mashquushaan waa Run waa Been malaha Danbi baad kororsanaysaan ma jiraa qof asagoo allah ka cabsanaya xaqiiqda og iska dhaaf wax qofkale sheegay haddii ah maya tahay tuhun iyo is eedayn waxba qofawna ha ku dhisin waxaa hubaal ah maalin baa jirta qofkastoo waxaad sheegtay la waydiin doono cidda aad taageersan tahayna aysan ku caawinayn

  5. Dubbe yaa warkiisa rumeysanaya, waa microphone wixii lagu afuufo baahiya. Hore, xitaa in ciidan Eritreya la geeyey ma aysan qirsanayn. Hadda warbixinta UN baa xaraj galisay.

    Dhallinyaradaas kuwa ugu waqti gaaban baa maqan in ka badan hal sano. Maxay ilaa berigaa baranayaan? Kuwa ugu xirfad adag baa baran kara taangi; 2 sano taangi barashadiis ma lagu maqnaadaa? Immisa dafcadood oo Turki tababar kusoo qaatay baa soo noqday intii dhallinyarada Eritreya maqnaayeen? Waddan yar oo faqri ah oo dhallinyaradiisii badda ku dhammaadeen iyagoo ka cararaya keligitaliye Afawerqi iyo saboolnimo, maxay dhallinyarada Soomaaliyeed ka qabanayaan celcelis ahaan sannad iyo bar?

    Waxaan u maleynayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Soomaali waa sixreen; si kasta oo ay u qayliyaan huur iska saarimayaan! Mise dollarka Qatar baa sixir ka daran? Af wax cunay xishoo!

  6. Dube jiho laawe, waaa nin shaqo tagay , hawlihiisa wata , hadalkan uu ku hadlayo waxa uu siistay $ 1000000. Been ayuu sheegay & Run buu sheegayaa meesha ma taalo isagan waxba kama gelin cida Eritereeya laga iibiyay Tigareya ku dhimatay.

  7. Xusuuusta… Xasan culusoow qoslaaye.. 2000 oo gabdhood oo Soomaali ah ayuu Sucuudiga ka iibiyay, si carabtu ugu niikiso , maantana waxa uu iska dhigayaa qof damiir leh oo wanaagsan. meeesha waa la kala shaqaysanayaa . Dube , yaaan lala Yaaabi.

  8. In Soomaalidu dhoohan tahay waxaad ku garan . Ex MDxwene , Xasan yalaxoow culasoow qoslaaye . 2000 oo gabdhoo oo soomaali ah ayuu Saudi Arebiya ka iibiyay, qof la xisaabtamaya ma jiro qof su,aaal ka wreydiinya ma jidho. waxa uu dadka ku mashquulinayaa Dhaliyaro ayaa Eriterya loo diray Tigeaaya ku dhimatay. waxa oo dhooqo marinayaa Farmaajo , ma aha in dhaliyaro khalad lagu qaaday uu u doodayo.

  9. Xiriirka iskaashiga Saddax geesoodka ah ee Somalia, Ethiopia iyo Ertheria
    “Tripartite agreement” ee la isaga kaashanayo dhinaca Nabadgalyadu waxa uu bilaawday 5 Sept 2018. kii 2baad 8 Nov 2018, kii 3aad 27 jan 2020, kadibna October 2020 in kasta oo ey jireen shirar kale oo dhaxtaal ahaay.
    In Ertheria Ciidamo loogu qaado tababar waxa ey bilaabatay Sept 2019. waxaa loo qaaday 600 Asgari, waxaa lagu qiyaasayaa in kadibna qaar kale loo qaaday oo gaarayo 1500 , waxaa dib Dalka loogu soo celiyay 500-600 kuwaa oo 110 ka mid ah la geeyay Gobalka Gedo.
    Waxaa lagu heshiiyay in kharajka tababarka ey Dowlad waliba iska bixiso. Somaliya waxa ey weydiisatay Dawladda Qatar in ey ka bixiso kharajka, laakin Qatar si Cad ayeey u diiday in Lacag ey ku wareejiyo Ertheria oo Ciidamadeeda ey imaaraadku maamulaan.
    kadibna Ethiopia ayaa Ballan qaaday in ey naga bixineyso kharajka, iyadiina ma bixin, balantiina waa nooga baxday.
    kadib waxaa lagu kulmay Shirkii “Tokyo international conference for African Develpment”. ( TICAD) ee 28/8/2019, kaa oo 20 Madaxweyne oo Afrikaan ahi ey ka qeyb galeen. markii Shirkii dhamaaday ayaa wafdigii Somalia ee Md. Farmajo hogaminayay, kii Ethiopia ee Abiy Axmed uu hogaaminayay iyo kii Erthria ee Wasiirka Arrimaha dibadda Osman Salah uu hogaaminayay wax ey soo aadeen Asmara ,si loo sii wado Heshiisyadii.
    Sept 2020 ayaa la go’aamiyay in Ciidamada dhamaan loo soo qaado Somalia, Dowladda UAE oo Gacanta ku heysay Ciidamada Erithrea ayaa laga codsaday in ey Soo daabushu iyadiina waa diiday Dayaaradihii lagu soo qaadi lahaa kharajkooda in ey bixiso, sababta oo aheyd Arrima Siyaasadeed oo ey kula taliyeen Wadamo Reer Galbeed ah , oo ka shakisnaa in Ciidamadaa haddii la keeno Somalia loo isticmaali doono Doorashadii Somalida oo markaa la sugayay in ey bilaabato daba yaaqadii Sannadkii 2020.
    Dhinaca kale Oct. 2020 Ethiopia waxa ey bilawday Diyaargaroowgii Dagaalkii tigreega, waxa eyna Erthria kala hadashay Heshiiskii isbaheysiga 3 geesoodku in ey ka qeyb qaato. laakin arrintaa Somaliya aad loogama tixgalin.
    Haddii Ethiopia ku guuleysan leheeyd Ciidan ahaan oo kaliya, waan ku faani leheeyn Anaguna Guusha isbaheysigaa Saddax geesoofka. Laakin hadda Ciidamadii waxaa Caalamku ku eedeeyay xasuuq Dad shacab ah, kadibbnna waa la waa inkiray si aan cidna loogu eedeyn in Ciidamadoodu ey xasuuqa ka qeyb qaateen, Ethiopia waxa ey inkitay xasuuqii, Somalia iyo Ethriana waa inkireen in ey Ciidamo u direen.
    22 Jan.2021 Ethiopia waa beeniyeen in 370 Asgari oo Somali ah la geeyay tigray, waxaana beeniyay Wasiirkooda Arrimaha Dibadda Dina Mufti, dhinaca Somalia waxaa beeniyay Wasiirka warfaafinta Osman Abukar Dubbe 20.Jan.2021 in 100 Asgari oo Somaliya la geeyay Magaaalda Mekhelle ee Gobalka Oxum . Wasaaradda Gaashaan dhiguna waxa ey muujiday in eyna ka warqabin.
    Beetnintaa kadib waxaa soo baxay warar kala duwan oo Arrinta Ciidamada ku saabsan, sida warbixintii UN ee 17ka Bog aheyd iyo in 28 Asgari oo somali ah lagu aasay Dhabarka dambe ee Kaniisadda “.
    Orthodox church” markii Laba Asgari oo Somali ahi oo dhaawac ahi ey codsadeen in sida Islaamku farayo loo aaso Askartooda dhimatay, waana laga Aqbalay.
    Ma ahan in masuuliyiintu ey inkiraan ama ka aamusaan xasuuqaa dhalinyatada. Arrintaan oo kale haddii ey dhacdo waa khiyaano Qaran, Dowladaha ayaa isku casilo, waana la isku maxkamadeeyaa.
    Ugu yaraan 15 ka mid ah waxa ey ahaayeen dhalin yaro aan shakhsiyan aqiin, ma ogi xaalkoodu halka uu ku dambeeyay, aad ayaan uga murugeysanahay. Ka fikir arrintaan in ey Adiga, walaalkaa, wiilkaaga ama waalidkaa ey ku dhacdo
    Erthria waxa ey ka faa’iiday:
    1.Erithrea kharajkii ey ku tababartay waa deyn ey nagu leedahay.
    2. Asgartoodii Gobalka Tigreyga ka dagaalamayay ayeey Miina baar uga dhigteen kuwa somalida,
    3. Waxa ey ka dhigteen Xoog Lacag la’aan ah oo u dhiso dhismooyin culus sida Waddooyinka.
    4. kuwii ku dhintay Dagaalku Xuquuq kuma leh.
    Soo jeedin:-
    Waxaa ila haboon, In loo diro wafdi soo celiyo intii badbaaday,
    ugu yaraanna ka kooban: 1 wasiir. 1 Janaral.1 Qareen. 1 Waalid. 1 Ururada bulshada. 1 police CID, 1 wariye iyo Kor joogaayaal Caalami ah. (F.S: 1-4aad).
    Intii ku dhimatay Dambigooda Alla ha u Cafiyo janatul fardoosa Allaah gurigooda ha ka dhigo. inta Jabuuti Nolol ku soo gaartay, inta dhaawacaa iyo inta noolna Dalkooda si Nabad ah Alla ha ugu soo celiyo. Aamiin.
    Qore: Yahya Amir

  10. Xiriirka iskaashiga Saddax geesoodka ah ee Somalia, Ethiopia iyo Ertheria

  11. Ciidanka Soomalida loo diray Ereterya Tigreeya ka dagaalamay , sharciga caalimiga ah ( Rul of the war) waxa uu dhigayaa waa calooshisa u shaqaysayaal la kiraysatay aan wax xuquuq ahna cidna ku lahayn, maadama ay xuduudhii dawladooda ka talaabeen cid sheegaynaysa aanay jirin.. waa calool u shaqaysataal la kiraystay sida uu sharcigu qabo

  12. Daahir maxaa tiri kkkkkkkk Intii ku dhimatay Dambigooda Alla ha u Cafiyo janatul fardoosa Allaah gurigooda ha ka dhigo kkkkk. Alla ma waardiye janada furaheeda hayaa? kkkkk daalim kasto waxa somali dhadaa Alla janatul fardoosa ha geeyo waana gaf xun maxaa wacay ruux ruux kale dila waa in loo qasaaso ciqaabteeda akhiro waa naarta. Alla waardiye maqaayad furaheeda inii hayo maahan naar lee sugeyso kkkkk.

  13. Warbixinta UN waxay sheegaysaa in ciidan Zoomalia galay dagaalka Tigraya , inkiraad & waji gabax & cabaadaka & ilmada ka da aysa waalidkii dhalay dhalintaa, waxba tari mayso, waa go,aan siyaasadeed oo ay qaadatay dawlada farmaajo & khayre..

  14. Wasiir dube waa ninka keliya ee loo igmaday in uu ka jawaabo dacaayada raqiiska ah ee wareejinayaan mucaaradkii laga itaal roonaaday,
    farmaajo na kadhigay mucaaradka hadalkoodi dameer dhuusyo dhaqaaq oo isku qiima ma,ahan afka daboolan ee farmaajo iyo af been iyo xaarka ka socda ee mucaaradka dabadeedna XAALADOODA NOQOTAY isku badashay (NIN DAAD QAADAY XUMBO CUSKAY) MASAAKINTA MUCAARADKA WAXAY MACIIN BIDEEN (BEEN) EE BEENI RAAD MALAHEE MR DUBE WAXUU IDIN LEEYAHAY (HAATUU BURHAANAKUM IN KUNTUM SAADIQIIN) kkkkkkk

  15. War ninkaan Fuad isu bixiyey macna yaraa, oo maskax yaraa.

    waxaaba dhaama wasiir Dubbe oo yiri: “Majirto ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay Gobalka Tigrey, Ma jiro ciidan dulfadhiya AXUM”.
    Il adagaayey iladagaayey, Alla wuxu il adagaa, ma af ay ku hadlaan baa ………… ku yaala!

    Fuad ma wuxuu beeninayaa dhacdada foosha xun ee lagu eedeeyey Farmaajo iyo Khayre, oo wuxuu leeyahay waxba kama jiraan, mise inuu u qareemo ayuu jeclaaday, oo waa u raad gadayaa!

    Haddaba looma raad gadi karo oo raadkoodii wali waa muuqdaa!
    Farmaajo waxa kaliya ee uu ku faano oo meel kasta ka sheego waa ciidan qaran baan dhisayaa, waxa hadda soo ifbaxayana waa fadeexad in si qarsoodi ah loo qoraney ciidan gaar ah oo lagu xushay astaamo gaar ah oo uu samaystay Fahad Yaasiin oo aan meelna kaga jirin diiwaanka dowladda lana soo marin golaha sharci dejinta (baarlamaanka), nadaamkaas oo ka baxsan hab dhaqanka dowladnimo.
    Arrintaas kaliya ayaa ah dambi uu xilka ku waayi karo madaxweynuhu haddii uu wax ka ogyahay ama ku lug yeesho, cid kale oo ka hoosaysana warkooda daa, Prime minister, wasiir, taliye ciidan.
    Arrintaani waa ku tagri fal iyo si khaldan u adeegsi mansabkii, awoodii, iyo hantidii dadweynaha.
    waxaa marka hore dambi ah sida loo soo uruurshay carruurtaas. Taas waxaa sii dheer in la yiraahdo Eritrea ayaa xirfad ciidan soo barasa. Waa gaf lagu sameeyey saraakiisha iyo tababarayaasha Soomaaliyeed oo la wada ogyahay xirfadooda, waana kuwii tababaray Jabhaddii Eritrea.
    Waxaa taas ka sii daran in aan maanta meel lagu sheegi karin oo aan laga war hayn meel ay ku sugan yihiin carruurtaasi. Bal yaa sheegi kara inta dhimatay, inta dhaawaca ah iyo inta bad qabta? Yaa sheegi kara tirada sugan ee carruurta la qaaday. yaa ka dambeeyey heshiiska in Eritrea ay ciidan u tababarto Soomaaliya? Heshiiskaas ma la hor keenay baarlamaanka?
    Farmaajo wuxuu mudan yahay inaan lala sugin doorashada ee hadda inta baarlamaanka shir gaar ah loogu yeero ay ka doodaan arrintaan, haddii ay ku caddaato inuu wax ka ogaana inta xilka laga xayuubiyo ka dibna maxkamad la taago.
    Haddii xil-ma-dhibaanada hadda jooga oo weliba ku dooda iney sii joogayaan inta xildhibaano cusub laga soo dooranayo, markaas baarlamaanka cusubi waa in uu daba galaa fadeexaddaan foosha xun oo aan looga harin dambigaan.
    Waxaa bogaadin mudan dadka ka damqaday fadeexaddaan oo ka hadlay

  16. Cabdule Muuse.
    Arin wanaagsan ayaad hadashay. qooraaral wanaagsan waad qortay… Fuaaad , waa ciyaalkii kacaanka , ha la yaaabin wax jira oo muuqda ayuu dafirayaaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*