Dowladda Soomaaliya oo aan weli furin safaaraddii Kenya iyo muwaadiniin ka cabanaya.

Puntlandtimes (Nairobi)-Waxaa guud ahaanba weli xiran isla markaana aysan dowladda federalka ah ee Soomaaliya dib u furin safaaraddii Soomaaliya ay ku lahayd magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Qaar kamid ah mhuwaadiniin Soomaaliyeed ee kunool wadanka Kenya ayaa sheegay inay dhibaato xoogan ku qabaan ayna ka xayiran yihiin shaqooyinkii la xiriiray duulimaadyada Soomaaliya maadaama aysan jirin safaarada siinaysa fiisayaasha dalka ku galka ee guud ahaan Soomaaliya.

Cabdirisaaq Maxamed oo qoyskiisa ay ku xayiran yihiin dalka Kenya ayaa sheegay in culeys aad u farabadan ay ku heysto xirnanshaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka kenya, isla markaana siwyen looga dareemay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Dhanka kalena Cabdirisaaq ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in safaaradda dib loo furi doono kadib heshiis hordhac ah oo ay dhowaan gaareen dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya oo horay xiriirka diblumaasiyadeed isugu gooyey arrimo siyaasadeed awgood.

1 Comment

  1. Asc.
    War soomaaliya yaa hadda madaxweyne u ah oo ad ka sugaysaan in uu safaarad furo?Ma waxaad wali u qabtaan in uu Ina Farmaajo yahay madaxweyne?Ma aha oo waatuu dhammaaday wakhtigiisii ahaa afarta sano.Tan kale haddii ay xamar ka jirto dawlad dhab ah may xamar maamusho illaa xamar inteeda badan Shabaab baa ka taliyee?War magaalo waxaa xukuma maamulka candhuurta shacabka ka qaata oo ay shacabku ka baqaan.Kaasina waa shabaab.Shabaab xamar waxaa uga furan maxkamado,dugsiyo quraan,xaafiisyo,geerashyo baabuuta lagu farsameeyo.Shabaabka xamar jooga isma qariyaan.Bangiyada xamar bay shabaab isticmaalaan oo isma qariyaan.TV iyo weebsaydyo bay leeyahiin.
    Calaa kulli xaal Ina Farmaajo wuu ku fashilmay in uu shabaab xamar ka saaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*