Garoowe oo kulmisay tacsida labo kamid ah nabadoonadii ugu caansanaa gobolka Nugaal.

Puntlandtimes (Garoowe)-Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa xalay kulmisay tacsida Allaha u naxariistee labo kamid ah cuqaashii ugu caansanayd guud ahaan gobolka Nugaal.

Fiidnimadii xalay ayaa waxaa magaalada Garoowe ku geeriyoodey Allaha u naxariistee Nabadoon Abshir Caydiid Soo-dhakhsade oo ka mid ahaa cuqaasha caanka ee Gobolka Nugaal.

Marxuumka ayaa noqonaya caaqilkii 2aad oo saacadihii lasoo dhaafey ku geeriyooday magaalada GAROWE, iyadoona shalay galinkii dambe ee isla GAROWE uu ku geeriyooday Nabadoon Maxamed Diiriye Qoorad.

Maanta oo jimce ah ayaa lafilayaa in duleedka Garoowe aas ballaaran caaqilka loogu sameeyo ayna ka qaybgalaan mas’uuliyiin dowladda katirsan, cuqaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*