Guddiga doorashooyinka oo lagu amray inay Muqdisho ku soo xeroodaan.

Xubnaha farsamada doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in  xubnaha guddiyada doorashooyinku soo xaroodaan ugu dambeyn Khamiista si loogu bilaabo tababar ku saabsan sidii ay u shaqeyn lahaayeen.

Guddoomiyaha  Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa sheegay in mudo todobaad ah uu Guddiyada tababarka u socon doono kadibna ay iska dhex dooran doonaan Guddoonkooda.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha in intaasi kadib ay guda geli doonaan howlhoda doorashooyinka, iyaga oo ka bilaabi doona degaannada dowlad Goboleedyada dalka kajira iyo Gobolka Banaadir si loo qabto doorasho loo dhan yahay.

Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in guddiyadaan ay yihiin kuwo madax banana oo sharci ahaan soo saari lahaa Xildhibannaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya lana bari doono sida ay u Shaqeyn lahaayeen.

4 Comments

  1. “…guddiyadaan ay yihiin kuwo madax banana oo sharci ahaan soo saari lahaa Xildhibannaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya…”

    Ma dhowrkan qof ayaa intaas oo xildhibaan oo dalka daafahiisa kalafog matali doona sooxulaya ayaa la inoogu sheekeynayaa?

    Haddee marka hore taasu doorasho ma aha ee waa xulasho, marka labaadna ma aha xulasho sax ah ee waa mid gurracan. Bilaash iyo macnodarro ayaa sanad dhan la iskugumarnaa mar haddii ay hawshuba kistan yar iskugusoo uruurtay.

    Nidaamkii hore ee ay shacabka maxalliga ah iyo duubabkoodu xildhibaannadooda sooxulanayeen ayaa kun jeer kasaxsanaa oo kana dimuqraaddisanaa.

    Waa yaab iyo amankaag in dhowrkan qof aawadood ay intaas oo madax ahi iyo wakiillo beesha caalamka kasocda muddada intaas la’eg kuqaadatay inay Xamar kushiraan!

    Is this a silly joke or a sick joke?

  2. Kkkkk waa xukuumad lagu gowracan yahad waa xukuumad loo igmaday in ay u soo xushaan cidii ay doonaan iyo goobtii ay doonaan, waa shaxdii nabad iyo nolol oo sidii loogu talo galay u shaqeyneysa waa xukuumad aan labali karin waxna laga qaban karin ee dadoow iska daawada film kii QARNIGA EE SOOMAALIYA. KKKKKKK

    • Saxid
      Waa xukuumad aan la badali karin waxna laga qaban karin ee daddow iska dulqaata qalad iyo saxba. Kkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*