Guddoomiyaha aqalka sare oo ka horyimid go’aamadii golaha shacabka & ansixinta dhamaan..

Puntlandtimes (Muqdisho)-Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku tilmaamay ansixinta hay’ado aan soo marin aqalka sare ee Soomaaliya, kuwaasoo ah ilaa lix sharci iyo hey’addo la ansixiyay intii ay jirtay Xukuumadda Xil gaarsiinta.

Arrimaha uu qaadacay waxaa kamid ah ansixinta wax ka bedelka sharciga maareynta guu, ansixinta guddiga madaxa banaan ee musuqmaasuqa,golaha adeegga garsoorka,Ansixinta sharciga hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha,Wax ka bedelka sharciga lagu dhisay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

War saxaafadeedka ayuu goluhu ku sheegay iney si dhaw ula socdaan, isla markaana u diiwaan galiyeen dhamaan isku dayada, iyo wareegtooyinka lagu dhaqan galinayo shuruuc, laguna sameynayo hey’addo khilaafsan dastuurka KMG ah, kuwaasoo aan soo marin aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Golaha Aqalka Sare wuxuu ku war galinayaa digniintan dhammaan hey’adaha Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hey’adaha Bulshada Rayidka ah, iyo hey’adaha Caalamiga ah ee kaalmeeya Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka

7 Comments

  1. Odey xaashi malaga wuu wareeray mise rajo beyl baa ku dhacay ? kkkkkk train kii doorashada somaliya oo station kiisa ka soo dhaqaaqay ayuu lee yahay dadkii soo raacay oo anigu aan ogeyn , haka dageen kkkkk malaha xukuumada xilgaarsiinta rooble ayuu ismoodey kkkkkk .

    • Ixtiraamka ilalah odayga haku jees jeesin ninka ankiray shaqada u hayo iyo labadii aqal mid kamidah iyo gudoomiye wadaninimo ku caan baxay marhaduusan u heesayn kaa ayaa wareersan oo wax qaladan yihiin

  2. @@Fuad,

    Duq Xaashi mawareerin ee waxaa iskudhex yaacsan oo aan kalacaddayn hannaanka uu dalku kudhaqmayo.

    1. Dawladda iyo maamullada xubnaha ka ah waxay weli kushaqeynayaan oo adeegsanayaan sharciyadii dawladdii kacaanka.

    2. Nidaamka dimuqraaddigu wuxuu qeexayaa in dawladnimadu saddex dabqadood kakoobnaato oo kushaqeyso.

    3. Nidaamka uu dalku kushaqeynayo isna waa kan awood-qaybsiga qabaliga salka kuhaya.

    Sidii saddexdaas la isuwaafajin lahaa ayuu jahawareerku ka taaganyahay oo cid aqoon dawladeed leh ayaa xataa la dawakhi lahayd xaqiiqdii.

  3. Cabdi xXaashi Cabdullahi:
    Waxay u muuqata in qoraaljan,gaddivabuu isago qoray,oo uusan been abuur ahayn,waxa ay ku noqon Cabdi Xaadhi Cabdullahi,arin nagac xumo iyo in ay ahsyd in uu waqtigeedii ka hadlo.
    Shaqada ay qabtaan labada aqal waa,kuwo ay isla meel dhigaan iyo kuwo golava uu iskii u fuliyo.
    Bal aano ka warsugno,gokaha Baarlamanja iyo sharci yaqaanads ku xeel dheer arimahaasi.
    Watigii dooradha loo filayey,ayaa ah mid aan dheerayn walow ay jiraan,arimo weli u baahan turxaanbixin.
    Gunaanadkii Cabdi Xaashi waa shaqsi ay wadaniyado ku dheertahay taasina waxa uu ku mudan yahay had iyo goor ixtiraam.
    SOOMAALIYA GUUL IYO GOBANIMO.

  4. Nidaamka federalka wali lama fahmin.
    Aqalka sare maba yaqaan shaqadiisa duqaan.
    AQALKA SARE WAA IN MEESHA LAGA SAARAA WAXBA MA SOO KORDHINAYO AAN BUUQ KA AHAYN.
    Haddii maamul goboleed ka hor imaan karo DF,Goboladu automatically wey ka hor imaan karaan dawalad goboleedka ay ka tirsan yihiin sidoo kale degmooyinka sababtoo ah awooddii oo dhan 1 nin ayaa loo dhiibay.AAWAY DICTATORSHIP kii laga cararaayay?

  5. WAXAAN SHAQADOODA AQOON KOOXDA WAALAN
    OO DIYAARADDA QAADKA KU BEDESHAY KALLUUNKII IYO KHRYRAADKII DALKA.
    KOOXDAAN WAALAN EE MASIIBADA AH ILAAH SI SHARAF LEH HA INOO DHAAFIYO.
    ALOOW HA INAGU SOO CELIN FARMAAJO, FAHAD YASIN, JEESOOW IYO WAX NOOCA AH.
    ODAY XAASHI WAA WADANI DHAB AH.

  6. Duqa in uu nasto ayaa u haboon sooyaalkiisii hadduu laha wax waxtar ahaa ha qoro oo dhalinta haw soo bandhigo si ay waxtar ugu noqoto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*