Lacagta musharixiinta haweenka ah ee barlamaanka Somalia oo kala bar laga dhimay.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Golaha wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in boqolkiiba konton 50% la dhimo khidmada laga qaadayo musharaxiinta haweenka ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha musharaxiinta haweenka ee u loolamaya Aqalka Sare ayaa hadda laga qaadi doonaa adduun lacageed oo gaaraya toban kun oo doolar ($10, 000), halka kuwa Golaha Shacabka doonayana laga qaadayo shan kun oo doolar ($5,000).

Waxaa horay lacagta diiwaangelin musharax kasta oo u tartamaya Aqalka Sare ay ahayd labaatan kun oo doolar ($20,000), halka musharixiinta golaha Shacabka ay ahayd toban kun oo doolar ($10, 000).

Tallaabadaan lagu dhimay guud ahaanba lacagaha laga qaadayo haweenka u tartamaya xildhinaannada labada aqal ee Soomaaliya ayaa timid markii ururada haweenka ay ka timid cabasho la xiriirta arrinaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*