Maamulka Somaliland & xukuumadda Thaiwan oo heshiis cusub kala saxiixday.

Wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay u soo dirayso hawlwadeeno caafimaad Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland, waxaana qorshahaan la sheegay inuu qayb ka yahay heshiiska iskaashiga caafimaadka ee Taiwan iyo Somaliland qalinka ku duugay Arbacadii, sida lagu sheegay bayaanka, oo la soo saaray xafladda saxiixa ka dib.

Waxaa mashruucaan qayb kasii noqon doona Isbitaal ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa si loo siiyo tababaro shaqaalaha caafimaadka ee maxalliga ah isla markaana gacan looga geysto kor u qaadista awoodda daryeelka caafimaad ee dhulkaas, ayaa lagu yiri qoraalka

Heshiiska “wuxuu awood u siinayaa saaxiibkeenna iyo bahwadaageenna inay kor u qaadaan awoodda adeegyada daryeelka caafimaadka ee ay ka faa’iideysanayaan dadka,” ayay Wasaaradda Arrimaha dibadda Taiwan ku sheegtay barta Twitter-ka isla maalintaas.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan Joseph  ayaa sheegay in Iskaashiga caafimaadka uu muhiimka u yahay labada dhinac, xilli uu ka hadlayay munaasabadda saxiixa heshiiska, waxaana lafilayaa in mashaariicdaasi bilaaban doonaan sanadkaan.

13 Comments

  1. Horumar wngsn reer Somaliland.

    Dhowaan dadka kunool dhamaan dhulka soomalida caafimaad Hargeisa usoo raadsan.

    Guul idiin rajaynaa!

  2. Waa labo maamul oo ka falaagoobay waddamadooda oo tabar u waayay China iyo somali waxaysan aqoonsi ka haysan UNka waxayna u shaqeestaan sidii maafiyo waxay heshiisyo lasoo galaan qarsoodi ah waddama aan sharci qaban sida USA iyo kuwo aan sharci ka jirin sida somali, kkkkkkk

    • @@@@ Fuaad.
      Waar farta miyaan lagu gelin Afsomaliga soo baro marka hore sida loo qoro Jaahilyow Waxma tara ahi yaa kuu dirsaday arimaha Somaliland taadiiba dayacana neefyohow Xasedka iyo xigdigu ka buuxo.
      Somalia magac ahaan ayay sidii Ul booc booca u jirtaa laakiin dowlad maaha waa meel muqsul oo kale ah cid walibaba ku xaarto daneheedana ka fushato yaa Xayawaan.
      Somaliland waa dal jira qof iyo cod laysku doorta cidna aan u baahan ilaahay mooyee waana kuwaa ismaamulaya aduunyaduna usoo kala dheereybayso waayo waa umad tashatay oo dadaalaya Afkaaga xun ka jeedi Yaa Nedel.

    • Bakheyl baa jira quduuca oo walaalkii baraarihiisa, bilkheyr aan odhan karayn, bulshada Somaliland anaa 100 jeer bilkheyr leh. Fuad wacal wacal dhalay dhallintii kacaanka ee boolida lagu soo korshay, caafimaad la siinayo dad Somaliyeed maxaad uga booyey, abidkaa xaasid lee ku jir, xaafaddaada markay waxba qabsan weyday baa dad dhaqdhaqaaya ka cabaaday, weligaa dhiig iyo dhididka Somali baad cunayey, Hawiye ayaa hadalkaaga noo keenay, ma hadasheen, dacartii baad cuni lahayd

      • Mustafa xassan @
        1 af caytamay ninkiisa ayuu ku yaa laa, waxa afkaaga ka soo baxaaya waxay cadeyn u tahay shaqsiyan waxaad tahay kkkkkk 2 waxaad tahay somali magaca somaliland waa dhul wuuna naga dhaxeeyaa ee yaan loogefin somaliweyn .

  3. Fuado.
    Adiga xiriirka Burundi iyo ugaandha wax ha kuu taro. Waligaa way kula joogayayaan Alshabaabna 100 ayay kaa dilaysaa. Mustaqbalkaagu wakaa, gobonimada sidaan ayaad u taqaano, Dameer.

  4. Waar ha la yareeyo afxumadda iyo ku digashada, ciddi kaama xigto Somaliga ku silcaya duleedkaaga haddaanad wax u tari karin ka xidho afkaaga hadday xitaa ku aflagaadeeyaan waayo boogtoodu waa mid Somali oo dhan ku taal.

  5. Insha Allaah wuxuu noqon doonaa heshiis mira dhala oo faa’iido iyo wanaag inoogu jiro.

    Waa in sidaas Waqqaf u fahmay oo kale aad intiina kale ee waxa haya aanan garaneynoow u fahantaan idina.

    Hargeysa imikadan aynu joogno ayaa Soomaali oo dhami usoo caafimaad doonataa. Waxa jira qaliimo laga fuliyo (siiba kuwa dhalaanka iyo caruurta) cisbitaalada Hargeysa qaar ka mid ah oonan laga helin xitaa Addis. Kuwaasoo xitaa qaarkood ay Dawlada Somaliland kharashkeeda bixiso iyadoonan u eegeyn halka uu qofkaas Soomaaliyeed kasoo jeedo.

    Hadaba maxeydin u maleyni, iyadoo Caafimaadka iyo adeega daryeel ee Cisbitaalada Hargeysa amaba Somaliland kor uga sii fiicnaadaan heerka ay imika taagan yihiin? Waxaan faa’iido aheyn oo usoo kordheysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan mooyaane, khasaare jiri maayo.

    Beri ka maalin, qof qoyskaaga ka mid ah ama aad qaraabo tihiin ayaa u baahan doona oo ka faa’iideysan doona adeegyadaas caafimaad.

    • Axmed shine @
      Sxb si wanaagsan ayaad u dhigtay hadalka oo waxaad ka hadashay xeshiiska faa,iidada uu ulee yahay bulshada iyo ga yiga Soomaaliyeed ee waxaan oranlahaa kuwa raba in ay difaacaan somaliland hadana
      caytamaaya waxaan idin way diinayaa ma waxaad ka xanaaqdeen kalmada FALAAGO oo waxaad doorbideysaan kalmada JAMHURIYADA ISKEED ISU MAGACOWDEY KKKKKKKK ee waxaan idin oran lahaa WAXAA TIHIIN MISE WAXA AAD ISMOODEEN …………. kkkk

  6. @Fu’aad

    Aar saaxiiboow horta hore waa inaad hal meel uun aad naga soo abaartaa waayo hal qof oo qudh ah ayaad tahay.

    Ama weerar ahow ama waajibkaaga garo.

    Siyaasad iyo horumar aadmi isku si looma falanqeyn karo. Waayo, waaqiciga siyaasada ayaanaban ogolaaneyn in sidii dameeraha oo kale loo biqleeyo.

    Adigu maanta waad nagu dhex biqleysay. Calashaan waad noo suureysay. Kkkk

    Waqaf oo adiga kaa horeeyay si wanaagsan buu u hadley. Adigoo ku xigeyna si xaqirnimo ah oo qadaf ah ayaad uga hadashay xaajada. XAASIDNIMO caadi ah ayaad muujisay.

    ‘MAANSHA ALLAAH’ maxaa kaa keeni waayay?

    Anigu kolkaan arko geyi Soomaaliyeed iska daaye, geyi kale oo bina’aadami ku kobcayo oo wax tar u leh, ‘MAANSHA ALLAAH’ ayaan yidhaahdaa. Dabadeedna waan u duceeyaa in Alle usii siyaadiyo. Adigu’se waad nagu xaartey.

    BAKHEYL BAA JIRA QUDUUC AH, OO WALAALKIIS BADHAADHIHIISA, BILKHEYR AAN ODHAN KAREYN…’

    Alleylehe, bakheylnimadaas ayaad noo muujisay inaad tahay.

    Munaafaqnimada intaad iska deyso dib ugu noqo oo tarbiyadii Hooyadaada wacan ee Soomaaliyeed kugu soo ababisay dib usoo howl geli.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*