Madaxweynaha Jubbaland iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaarey magaalada Muqdisho

Puntlandtimes (Muqdisho)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madooobe)   oo ka yimid Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Axmed Maxamed Islaam oo hoggaaminayey wafdi ka kooban labada gole ee Jubbaland ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxaa uu magaalada Muqdisho kaga qeyb galayaa shir ay yeelanayaan masuuliyiinta madasha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka.

Waxaa shalay agarey magaalada Muqdisho Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis  Xasan Maxamed ( laftaagreen) halka saacadaha soo socda la filayo inay magalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad goboledyada kale ee dhiman.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*