Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka.

Madaxweynaha dolwad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa Guddiga Doorashada Heer Federaal ugu magacaabay laba xubnood, kuwaasi oo kala ah Xaawo Xaaji Maxamed iyo Cabdi Xiis Udan.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa Warfaa Maxamed Jaamac iyo Axmed Yusuuf Maxamuud u magacaabay Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo horey Madaxda dowladda iyo maamul Gobooleedyada ugu heshiiyeen.

1 Comment

  1. Waa nin wareersan oo mudo xileed kiisa ku meelgaarka ahaa dhamaaday oo August uu ku egyahay, oo ma haduu soo ba raarugay oo waagi ku baryay kkkkk awalba aqli laguma ogeyn oo wuxuu ahaa nin kenyatta bada soomaliya ku ilaashato .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*