Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo gaarey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Dhanka kalena, waxaa magaalada Muqdisho ku wajahan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo ka qaybgelaya shirka dhammaystirka hanaanka doorashooyinka.

Madaxweynaha Puntland oo ka degaya magaalada Muqdisho iyo xogta safarkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*