Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay dhismaha cisbitalka Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhaggax dhigay dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dib-u-dhis lagu sameynayo loona dhisayo hab casri ah.

Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Bulshadu hesho Isbitaal weyn oo casri ah oo adeegyada Caafimaad bixiya, wuxuuna u mahadceliyay Dowladda Germany oo Puntland ka caawinaysa dhismaha Isbitaalkan iyo Hay’addaha Wasaaradda Caafimaadka la shaqeeya sida UNICEF oo fulinaysa dhismaha.

Dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe wuxuu ka mid yahay baahiya Bulsho oo dowladdu ka jawaabtay, si dadweynaha reer Puntland u helaan xarun Caafimaad oo dhameystiran oo baahidooda ka haqabtirta.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Madaxda Hay’adda UNICEF iyo Injineerada dhisaya dhismaha cusub ee Isbitaalka guud ee Garoowe.

18 Comments

  1. horta hadii amaan lahelo waxaskasta wahagaagan. Horomar cidina kuma ogola taas ogaada.Aad ayaan ula yaabay dad shacbiya ayaa deked dhisankara, Ninkaa maxdweena waxaa lagaraba nabada inu kufara adeego dadku ayaaga waxkasta samay san

  2. Waa maashaa’Allaah mashruucan iyo kuwa lamidka ah ee bulshada Puntland xaayatada uwacneynaya, hayeeshee iskudhisku nagumahabboona haddii aynu nahay gobta reer Puntland oo taariikhda lagahayo inaynu casriyo hore caalamka kale wax udhoofin jirnay oo Carabaha xataa cuntada geyn jirnay.

    Dadka gacmahoorsiga macaansada waxaa laguyaqaannaa inay aakhirka dambe damiirka kadhintaan, fadligoodii iyo maqaamkoodii sarreeyay kadhoohsanaadaan, sidaasna kudulloobaan. Waxaan aaminsanahay inay Puntland – haddii ay calfato hoggaan hiraalkaa iyo hiigsigaa lagugalladay – muddo gaaban gudaheeda dhaqaale ahaan qummaati uhanaqaadi karto oo deeqaha qalaad iyo Xamarba kagaxoroobi karto.

    Waxaa kaxiga oo keliya qorshe dhaqaale oo iyada waxsoosaarkeeda lagusaleeyay, laguna daaddihinayo iskaashi maalgeshineed oo xooggan ee ay dawladda iyo ganacsatada waaweyn ee Puntland isku gacansaarteen. Haddase waxaa muuqata inay ganacsatada Puntland hantidooda baaxadda leh degelkooda kala bakhiilayaan oo dibedaha kukeydsanayaan, dawladduna aysan wax culays ah iskasaarin inay iskaashi ballaaran oo maalgeshineed kucasuunto.

    Waa lahelayaa deeqo iyo gargaar shisheeye oo xarumo adeegyada daryeelka bulshada mise waddo lagudhiso, waxaase kasii muhiimsan in lagafekero hantidii lagusii maareyn lahaa mustaqbalka dambe, waayo deeqaha iyo gargaarka shisheeye ma aha kuwo siiwaari doona oo iskuhalleyn leh.

  3. MAANSHA Allaah

    Cisbitaalkaas Illaahay haka dhigo mid daboola oo anfaca baahiya caafimaad ee badan ee dadka Reer Garoowe, Puntland, Soomaalida iyo binadamka kale intii u baahataba. Aamiin, Aamiin, Aamiin.

  4. Waar waan hambalyeynayaa ma nihin dad marwalba ka xun horumarka pudhland hadaanu nahay Dowlada Barakaysan ee somaliland horta taa sidaa haloo fahmo Akhyaarta.
    Waa wanaag iyo waxtar usoo kordhay somalida waan bogaadinayaa mashalah.
    Hooyo somaliyeed iyo aabo iyo cidwalba somaliyeed ayaa ka faaideeysan doona inshalah Dhaqtarkaas.
    Hargesana isna mid weyn oo casriya ayaa laga wadaa oo dowladaha Somaliland/Taiwan iska kaashanayaan kaasna waa guul iyo horumar qofkasta somali ah ku farxo mashalah.

  5. @JAMAAMU,

    Saaxiib, annaguba wax aan wanaag iyo walaalnimo ahayn umnaqabno ehelkeena reer Shiikh Isxaaq sida qaladka loogufasirto.

    Waxaynu u ololeynayno waa midnimada, wadajirka, iyo iskuduubnida ummaddeena Soomaaliyeed iyo mandiqaddeena qaaliga ah; waxa aynu kukacsannahay oo dagaalka kulajirno waa jabhadaha ummaddeena iyo mandqiaddeedaba halista xun kuhaya.

    Dabcan, kii aan jabhad ahayn xaqiiqadan aad ayuu ulasocdaa oo usoodhoweynayaa, laakiin kii jabhadeynaya wuxuu xaajo umaldahanayaa in reer Shiikh Isxaaq cadaawad looqabo oo duullaanna laguyahay maadaama uu qaddiyaddiisa kalaggeynta Soomaaliyeed ku-awrkacsanayo oo qiilna ugadhiganayo.

    Mandiqaddeennu waa qani ee aynu isdugsanno dhammaantayo si aynu gacmahoorsigan iyo iskudhiskan sadaqada gaalada isagaxoreyno oo kheyraadka la inagu baahay xayaatada ugu macaan kukasbanno innaga oo aan cid kale wax kasugin.

    Horumarka dhabta ah waa ka aynu hantideenna macaan haakah kuniri.

    • Awlal
      Ha daba cararin wax aan jirin, midnimo filmkeedii wuu dhammaaday. hadda waxaa jira waddan la yiraahdo Republic of Somaliland.

  6. @@@ Mr Awlal.
    Sxb meel kale ayaad ka faruurtay Anigu dhaqtarkaas ayaan hambalyeeyey waana wax lagu farxo waayo waxa ka faaiideysan doonaa waa somali.
    Arinta Midnimada ee Kurbada Ba’an kugu Haysaa Waxa ila tahay In filmkeedii dhamaaday beri hore iyo Sabaan Tegey Ayaa lagu kala Calaf Qaatay midhaheediina waynu aragnaa Labadii dhinac ee 1960 iyagoo laba dala ku midoobayna maanta halka ay kala joogaan cidwalba way aragtaa iyo sida Xaalku yahay waa kaaf iyo kala dheeri.
    Waxaan la hurayn horaa loo yeelaa Midnimo waxay tahay lasoo dhadhami oo lasoo Arag waxa laga dhaxlay Hoog iyo Halaag,,
    MA waxa xalku yahay mise sheekada Somalida ILA MEERAYSADA AH.
    xalku waa laba dal oo jaara oo is dugsada waxyaabo badana wadaaga laakiin kala laba dowladood ah sida carabta, sida india/Nepal, dida north/south Korea waa isku dad isku luqad hadana kala dowlad ah. Iyo qaar badan oo kale.
    Somaliland/somalila waa dhagax iyo Dab kala dhawra xalku waa kaas wixii kale la sheegaa waa iska Hadal Tororg iyo gacmo daalis.
    Midnimo filmkeedii Cardkaasu waa gubtay fashil xun ayuuna ku dhamaaday wax iminka dad laga iibin karo maaha markaa waxaan odhan lahaa yaan waqti layskaga lumin.
    Midnimo runta ah koonfur ayaaba u baahan in laysu keeno oo bal inay ceelka biyaha kawada cabi karaan horta bal la furdaamiyo taasaa u baahan Midnimo’dan somaliland loola soo ordayo.
    Nfd iyo jabuuti iyo kilinka bal hada filmkaa Midnimo haloo yara saaro bal inay Caano Geel ka cabaan macaanka la leeyahay Midnimo’daa wadata kkkkk.
    Aduunyooy Aduunyooy Xaalkaa Be’
    Xaalkaa Be’
    Xaalkaa Be’

  7. puntland.
    Waxa fadhiidka ka dhigay,yaan meesha laga saarin,waa musumaasuqa baahsan ee soo jireenka ah,waxaa ugo darnaa,masmulkii Gaas oo galay musuqmaasuq fara badan,oo ah midii Dakada Bossaso ,iyo midii wadadii Garowe iyo Gaalkacyo ee hay’ada GTZ ee Dalka Jarmalja ay dhisi lahayd oo lacagtii la musumaasuqay,raadkiiba uu galay meelo badan,ilaa madaxtooyada Puntland.
    Maamulka Deni ee iminka,waxa uu wax badan musumaasuq badanyahay ,Gaas.
    Tan kale waa in la is waydiiso,waxa mudo ka badan 22 sano,wax cusbataal ah oo ilaa xad shaqeeya aan looga helin,Puntland.
    Waxaa tussale ugo filan maamulka Puntland ee in mashruucaan uusan marin sidii,midkii jidka Garowe iyo Gaalkacyo.
    Maamulka la baxay Somaliland,ee gobolada waqooyi ee Soomaaliya ilaa xad way ka horeeyaan midja Puntland,xagga arimaha caafimaadka,laba maamulka waxa ay ku shaqeeyaan,hab beeleed,maxaa u sabab ah in farqigaasi u dhexeeyo?.

    • Elmi
      Aan saxo macluumaadkaaga , Lascanood waxay dhaafi doontaa Garowe dhanka horumarka sanadaha soo socda.

  8. @Abdullahi Elmo

    Sxb Puntland wey gaadhi hiigsigeeda waxba haka werwerin. Dhaqaalo yarida waxa u dheer Dawladaas Farmaajo oo afartii sano ee u dambeeyay cunaha iskaga duubtey.

    Somalilandna sida aad u aragto wey ka qoto dheertahay. Iyadaba Dawladihii Soomaaliya ee kala danbeeyay wey la dagaalamayeen oo Wey wiiqayeen. Tan Farmaajona illaa iyo xitaa maceeshadii ayay nagala dagaalantay oo waxba noolamey hadhin. Umaanaanse joojin oo wadno xanuun iyo jaho wareerba waanu ku ridey, illaa ay isku dhexyaaceen. Kkkk

    Somaliland waxey soo martey jid dheer oo rafaadkiisa wata. Waxa jirey mar aanay xitaa Madaxtooyadu heyn wax dabka loo saaro oo ganacsatada iyagu shilimaadka isku nabnabaya wax laga qaadi jirey. Iyaguna maansha Allaahe ay u huri jireen.

    Doorashadii koobaad ee ay qabatey dokumentarigii laga duubey hadaad daawato sida loo murmayay ee ay hawl wadeenadu iyo ciidanku iyo kumishanku isku dagaalayeen, hiifayeen, caayayeen waad ka yaabeysaa. Waxwalba gudoomiyaha komishanka ayaa lagula soo ordayay. Doorashadii imikadan uun ina dhaafteyna gumoomiye Riyo Raac qoladii observers ka ahaa qaarkood waxey ugu magac dareen Mr. No Stress. Waayo, si wanaagsan oo qorshaysan ayay jadwal waxwalba ugu dejiyeen. Wixii yaree u baahda in la xaliyona isla goobtaba waa lagu xalinayay. Isaga waxa soo gaadhayay warbixino ayuunbey ahaayeen.

    Sidoo kale maanta Madaxweynaha Somaliland warbixino uunbaa soo gaadha. Xitaa wasiirada marmarbaad arkeysaa iyagoo wax xalinaya. Shaqaalaha ka hooseeya ayaa wax xaliya oo shaqada sidey tahay u guta. Sababta ugu weynina waa Hey’adihii dowlada oo dhan oo la tayeeyay. Dawladu imika waxey leedahay dugsiyo ay ciidamadu dhiseen iyo manhaj tobobar oo shaqaalaha Dawlada u gaar ah. Inta boarding ka noqon karta waxa loo qaadaa dugsiyadaas ama kkuliyadahaas, inta kalena Jaamacadaha dalka ayaa loogu dhigaa. Maansha Allaahe maanta shaqaalaha Dawladu waxey iskugu jiraan da’yar badan oo aqoon heer Jaamacadeed ah leh, iyo in kaloo iyaguba aqoon heerkey doontoba ha gaadhsiisanaate leh, ayse u dheertahay khibrad ay shaqada ka dhaxleen, taasoo lagu dabakhay manhajka dawlada ee cusub.

    Manhajka hadaan soo koobo waxa uu ka kooban yahay, wadaninimo, dastuurka, la dhaqanka shacabka, xalinta khilaafka ama dhibaatada iwm.

    Intaas waxa dheex qorshe degsan oo ay Wasaarada Qorsheyntu kala shaqeysay Wasaarad walba. Shaqaaluhu waxey ku shaqeyaan habraacaas cayiman ee loo dejiyay. Khilaafyada yaryar ama baahiyaha soo kordhana qaarkooda waxey ku xaliyaan goobta inta kalena waxey u gudbiyaan madaxdooda. Madaxdooduna a ama iyagaa xaliya ama degdegbey ugu gudbiyaan ciday khuseysa.

    Dhaqaaluhu ha yaraadaan, awooduna diciif ha’iska ahaato, laakiinse, tayo iyo taloba ma yara. Wixii la dabooli karoyana waa la daboolaa, waxaan la kareyna waa loo samaraa oo kolkey fursadi timaado ayaa la gufeeyaa.

    Maansha Allaah, maanta shalay waanu ka wacanahay, shalleyna doraato ayay dhaantay, berina Insha Allaah waanu kasii wanaagsanaani oo hore ayaanu uga sii socon. Rajoda iyo yididiiladana lagama quusto oo lama dhigo.

    Cabdillaahiyoow sxb kolba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaa. Somaliland waxay kasoo billowdey meel eber ah oo sagxada hoose ah, Puntlandna waxey xaadxaadhatay tulooyinkeedii yaryaraa oon sagxada waxba dhaamin. Sideed sanadoodna Somaliland Wey ka danbeysay. Haa wey jiraan waxyaabo wiiqey sida; Cabdillaahi Yuusuf oo Muqdisho iyo Villa Soomaaliya u hilaacayeen oo intuu iyada dhisi lahaa isagu is dhisayay. Shacabka oonan kaalintoodii sidii loo baahnaa uga howl gelin. Dawlada Farmaajo cadaawad badan kula dhaqantay. Deni baa ugu tuktuk badan anigu intaan arkayo oo isagaaba qaaday talaaboiyin ay kuwii ka horeeyay aanay qaadi jirin.

    Somaliland halkey joogto dhayal kumey gaadhin ee dhiba badan iyo dedaal ayay gelisay. Shacabkuna awoodoodii oo dhanbey iskugu geeyeen oo waxba mey hagran, Dawladihii kala danbeeyayna midiba wuxuunbey soo kordhineysay. Welina Wey gidhif gidhif leyneysaa oo uma dhowa meeshay hiigsaneyso.

    Kolkaas sidaas wax u arag. Ha is barbardhigin Somaliland iyo Puntland. Midba heer iyo marxalad gaar ah ayay maraysaa. Dadaalaase wuu gaadhaa. Somaliland halkey hiigsaneyso waa hubaal oo wey gaadhi. Puntland sidoo kale. Wakhtiga iyo waayuhuna xalkooda ayay la iman. Insha Allaah Soomaali oo dhanba wuu saacidi doonaa.

  9. SALAAMU CALEEEKUM

    Waxaanu bogaadinaynaa reer PUNTLAND… Waxaanu leenahay: “horay u socda”. Soomaali ha idin ku dayato. Isku duubnaada oo isku tashada..

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  10. SALAAMU CALEEEKUM

    Carabta aa ku maah maahda “الغافلة تسير وكلب ينبح” Macnaheedo waxaa weeyee, kuwa nacamlayaasha ama CBB ama cadowga PUNTLAND ha iska qayliyeen, horumarkuna horay ha u socdo.

    GUUUUUUUUUULEEEYSTAT ABTIYAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAL

  11. JAMAAMU iyo AHMED SHIINE

    Waa maxeey horumarka aad ka hadlaysaan, ma eegteen:

    1. Madaxtooyada waa kii Siyaad Barre. Muuse Biixi, wali wuxuu ku xaadhaa, meeshii uu ku xaadhi jidhay GEN. MOORGAN. Halka PUNTLAND ay leedahay 3 madaxtooyo: BOSAASO, GAROOWE iyo GAALKACAYO..
    2. Tariiqyada Hargeysa waa kuwuu uu dhisay GEN. BILLE RAFLE. 1 miter laguma darrin. Boorka iyo siigada ka kacaysa aa indhaha kaa ridaya. Reer Hargeysoow, soo eega tariiqyada BOSAASO IYO GAROOWE. GAROOWE is going to be named “Half London”.
    3. Shacabka reer Hargeysa oonka haya daraadiis, waxeey ka cabaan bulaacadaha, iskaba daa biyo la soo geliyo.
    4. Reer Soomaaliland oo wada jarmaadaysan oo xagee ku socdaan, madaxtooyada sidee u soo shaxaadi lahayaan, ama majin qaada uga soo heli lahaayeen.

    Hadda, waxaan sugaynaa Mudane Cabdikareem Mooge, bal waxa uu qabto, wixii horay la arag oo waxeey noqdeen wax aan waxba dhaamin JAALEE SIYAAD

    WA BILAAHI TAWFIIQ

    • Barawani
      Wa ceeb in ad isbarbardhigto Somaliland iyo Puntland, farq weyn ayaa u dhexeeya horumarka (القافلة تسير و الكلاب تنبح) waxa Lagu dabaqa xaasidnimada.

  12. Ahmed Shiine:Adigana sidii Awlal iyo asxaabtiisa ha noqon,arinto waaa mida ku saabsan cusbataalka.
    Labada maamul goboleed ee Puntland Somaliland oo hab beeleed ah,wax badan oo horumar ah ma jiro.
    Somaliland ba waa mid deegaanada dhexe dadja degan ama beesha dhexe ay gooni u goisi wadaan inta kale waa dad Soomaaliwayn aaminsan taasi ayaa ah xaqiiqada jirta,beeno raad na keh oo way laga dava tegi goor ay noqoto ba.
    Puntland oo iyana hab beeleed ah, waxa curyaanuyey waa musumaasuqa baahsan iyo maamul xumada iyo boobka hantida dadwaynaha oo in yar ay ka macaashto,war arimaha fadhiidka ka dhigay Puntland meel kale yaan lala aadin ee xaqiiqada keentay ha la a baaro si loo saxo.
    Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed,waxa kaliya oo hot ku gaari karaan,mudnimo iyo qaranimo si buuxda uga taaba qaada Soomaaliya.

    • Xaqiiqada hadii laga hadlayo Dir iyo daarood waxaa ka xadaarad badan hawiye.

      2012 waxay muqdisho ahayd xarun lama galaan ah oo uusan hal guri ka taagneyn. Maantana waa malaago casri ah oo la tartamaysa magalooyinka dunida. Sawirkii 2012 iyo kan hada lama dhihi karo waa muqdishadii hore ee Duntay. Boqoro ayaanu ahaanjirney iyo ingiriis ayaanu cilmi ka dhaxalnay wax tari weysey. Faanka hala daayo oo kubada cagta halagu adkeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*