Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre oo lagu eedeeyey khiyaano qaran.

Puntlandtimes (Garoowe)-Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa eedaymo u jeediyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Hore Xasan Cali Khayre.

Waxa uu siweyn u dhaliilay arrintan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, isaga oo xusay inay tani ka reebi karto inay markale u tartaamaan xafiis guud oo dowladeed.

Halkan hoose ka aqriso:

Tani Khiyaano ka weyn:

Waxaa soo baxaya xogo caddaynaya (UN reports) in dhallinyaro Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah oo sharci darro ah tababar ciidan Ereteria loogu qaaday in loo adeegsaday dagaalkii Woqooyiga Ethiopia. Waxaa gebi ahaanba mugdi badani ku hareeraysan yahay xogta la xiriirta dhallinyarada iyo bed-qabkooda, Dawladuna kama jawaabin codsiga iyo cabashada waalidiinta iyo tan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalida midna ilaa hadda.

Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF” ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.

Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”, taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan.

Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (Public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah.

#Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo.

4 Comments

  1. Mr juxaa kkkkkk
    Waad ilowday in maamulada somaliyeed oo dhan laga xukumi jiray ethiopia oo ugu horeeyan somaliland iyo puntland iyo kuwa kale ee dabka la isku soo dhiibi jiray oo weliba kii ladoono la oranjiray waa al qaacida ee ethiopia haloo dhiibo waxaad xasuusataa mr yuusuf markii loogu kacay puntland uu aaday ethiopia dabadeed hub loo soo dhiibay in umada puntland ku laayo ninkii jaamac cali jaamac ahaa kabahiisa wax ka dayay, IYO RRA HUB LA ISKU DHIIBAY OO ISDILEEN XAMARNA MOORYAANTA WADAADA KA IIBSAN JIRAY ETHIOPIA, ARIMAHAAS IYO KUWA BADAN OO QORADLKA IISAA MAXAYN OO JIRAY MAAKA FIICNAA OO MAXKAMAD ISTAAHILIN ? MISE . markii farmaajo yimidna waa tii la idinka xureeyay oo la idiinka xaliyay arimahaas oo ku haysataan.
    2 Mida kale Aniga waxaan u arkaa ciidan ka somaliyeed lageeyay caasimada tigre kuwo ku soo noqonayaan somaliya iyagoo sidii ciidan qalin jibiyay oo xifad dheeraad ah wata KANA soo dagaalamay magasladii cadowgii somali xukumayay ee TIGRE UNA SOO AARAY SOMALIA WEYN WAXII CAASIMADOODA XAMAR LAGU SAMEEYAY, HADII FARMAAJO AHAYN YAA IISHEEGI KARA ANA KU RIIDAY WIIL SOMALIYEED AYAA CAASIMADA TIGREE QORI KU DHAX HAYSTA OO WELIBA FALAAGADA TIGREE KU DHAX IDBINAAYA MAGAALADOODA KKKKKKK
    ,3 WAXAAN SOO XASUUSTAY TARIIKH DII SIYAAD BARE CIIDAMO UU UDIRAY UGANDA SI UU UGA CAAWIYO DAWLADII UGANDA OO DAGAAL UGULA JIRTAY TANZANIA, HADABA CIIDANKA SOMALIA WAXAY AWOODAAN WAX KABADAN OO DAGAAL AH , MISE WAXAAD JECLAAN LAHEEDEEN DHALINTA IN BADA KU DAATAN MALAY KU CASHEEYO . MISO HOOYO CAANA ISII EE KA FIKIRA WAXA AAD KU HADLAYSAAN SIYAASI KU SHEEGYADA HADA JOOGA . HADII HINAAS IDIN HAYONA DAAWO MALAHAN EE ISKA HIDAAQA.KKKKKK

  2. Waxaa la yaab ah in shaqsi Soomaali ah isaga oo raba in uu shaqsi ama xukummad difaaco, uu dhumiyo sharafta qoranimada iyo middiisa shaqsi ahaaneed. Arrinta hadda laga hadlayo ma aha yaa xiriir la lahaan jiray Ethiopia. Waxaa laga hadayaa dowladdu ma iska reebi doontaa eeda misse way qaadi doontaa.

  3. ADAM
    ADEER QOF AAN EED LAHAYN OO an qaldamin ma joogo adduunka iskaba daa siyaasi somaliyeed ,ee waxaa fiican inta cilad ama ceeb walalkaa media ha ka sheegi lahayd in aad isaga usheegtaa qaladkiisa hadii kale iska aamustaa. Waxaan joognaa waqtigii siyaasiga somaliga uu darajo iyo kursi ku raad san lahaa cayda iyo ceebeentiisa walalkii somaliga ah ee waxaan oran lahaa siyaasiyow hadaadan waxaad dadka ka gadaa oo xikmad ah aadan heyn ceybeyn walal kaa jago ku heli maysid iska AAMUS AFDABOOLAN WAA DAHAB,

  4. War ninkaan Fuad isu bixiyey macna yaraa, oo maskax yaraa.

    waxaaba dhaama wasiir Dubbe oo yiri: “Majirto ciidan Soomaaliyeed oo ka dagaalamay Gobalka Tigrey, Ma jiro ciidan dulfadhiya AXUM”.
    Il adagaayey iladagaayey, Alla wuxu il adagaa, ma af ay ku hadlaan baa ………… ku yaala!

    Fuad ma wuxuu beeninayaa dhacdada foosha xun ee lagu eedeeyey Farmaajo iyo Khayre, oo wuxuu leeyahay waxba kama jiraan, mise inuu u qareemo ayuu jeclaaday, oo wuxuu waa u raad gadayaa!

    Haddaba looma raad gadi karo oo raadkoodii wali waa muuqdaa!
    Farmaajo waxa kaliya ee uu ku faano oo meel kasta ka sheego waa ciidan qaran baan dhisayaa, waxa hadda soo ifbaxayana waa fadeexad in si qarsoodi ah loo qoraney ciidan gaar ah oo lagu xushay astaamo gaar ah oo uu samaystay Fahad Yaasiin oo aan meelna kaga jirin diiwaanka dowladda lana soo marin golaha sharci dejinta (baarlamaanka), nadaamkaas oo ka baxsan hab dhaqanka dowladnimo.
    Arrintaas kaliya ayaa ah dambi uu xilka ku waayi karo madaxweynuhu haddii uu wax ka ogyahay ama ku lug yeesho, cid kale oo ka hoosaysana warkooda daa, Prime minister, wasiir, taliye ciidan.
    Arrintaani waa ku tagri fal iyo si khaldan u adeegsi mansabkii, awoodii, iyo hantidii dadweynaha.
    waxaa marka hore dambi ah sida loo soo uruurshay carruurtaas. Taas waxaa sii dheer in la yiraahdo Eritrea ayaa xirfad ciidan soo barasa. Waa gaf lagu sameeyey saraakiisha iyo tababarayaasha Soomaaliyeed oo la wada ogyahay xirfadooda, waana kuwii tababaray Jabhaddii Eritrea.
    Waxaa taas ka sii daran in aan maanta meel lagu sheegi karin oo aan laga war hayn meel ay ku sugan yihiin carruurtaasi. Bal yaa sheegi kara inta dhimatay, inta dhaawaca ah iyo inta bad qabta? Yaa sheegi kara tirada sugan ee carruurta la qaaday. yaa ka dambeeyey heshiiska in Eritrea ay ciidan u tababarto Soomaaliya? Heshiiskaas ma la hor keenay baarlamaanka?
    Farmaajo wuxuu mudan yahay inaan lala sugin doorashada ee hadda inta baarlamaanka shir gaar ah loogu yeero ay ka doodaan arrintaan, haddii ay ku caddaato inuu wax ka ogaana inta xilka laga xayuubiyo ka dibna maxkamad la taago.
    Haddii xil-ma-dhibaanada hadda jooga oo weliba ku dooda iney sii joogayaan inta xildhibaano cusub laga soo dooranayo, markaas baarlamaanka cusubi waa in uu daba galaa fadeexaddaan foosha xun oo aan looga harin dambigaan.
    Waxaa bogaadin mudan dadka ka damqaday fadeexaddaan oo ka hadlay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*